Hot Topics

M.xigeenka oo Shir gudoomiyay Shirka Agaasimayaasha Guud Ee Wasaaradaha Puntland

Garoowe: 07 April 2024: Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Hon Ilyaas Cismaan Lugatoor oo Shir-guddomiyey Shirka Agaasimayaasha Guud ee Hay’addaha Dowladda.

Shirka,ayaa looga hadlay dar-dargelinta hawl-fulinta Hay’addaha dowladda, dibu qaabaynta hanaanka shaqo ee Hay’addaha dowladda, soo bandhigida Barnaamijka Xukuumada ee 2024-2029 iyo sidii loo meel marin lahaa, diyaarinta iyo soo bandhigida qorshe hawleedka 2024, kobcinta dakhliga, Midnimada bulshada reer Puntland iyo Mawqifka Dowladda Puntland ee ku aadan Dowladda Federaalka ah iyo diyaarinta warbixinta waxqabadkii muda xileedkii hore ee dowladda.

Kulanka waxa Madaxweynaha ku weheliyey Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Maxamed Jaamac Cabdirahman (MJ).

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXWEYNE KU XIGEENKA PUNTLAND.