Hot Topics

Dekeda Garacad oo Udub dhexaad unoqotay loolanka Turkiga iyo Imaaraadka?

Imaaraadku,waxay ku dadaalayaan in ay Gacanta ku qabtaan Dekeda Garacad oo dhawaan kusoo biirtay Dekedaha muhiimka ah ee Geeska.

Ujeedka Imaaraadku,waa in aysan ka jirin Wadamada Badda Cas Dekedo la tartami kara Dekedahooda.

Halka Turkigi ay ku diriirayaan in ay Somaliya ka saaraan Imaaraadka,si gaar ahna Dekeda Garacad oo muhiimad weyn ay ka leeyihiin Imaaraadka aysan u Gacan gelin.

Sida xoguhu sheegayaan Turkiga oo ka faa’idaysanaya xiriirkooda Xasan,waxay ku dadaalayaan in uusan Saxiixin heshiiska Dekeda Garacad ee Imaaraadku wato.

Sidoo kale Turkigu,iyagoo kasii faa’idaysanaya heshiiska Xasan ay la gashay ee ilaalada Badda,waxay isku dayayayan in ay Imaaraadka ka ciriiriyaan dhanka Badda.

Waa loolan adag oo saamayntiisu ay khatar gelin karto Somalida nugul.

JQ.