Hot Topics

Blinken muxuu kala soo laabtay Bariga Dhexe?

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Antony Blinken,ayaa soo geba-gebeeyay Safarkiisii ugu danbeeyay ee Bariga Dhexe, isagoo aan wax war ah kasoo saarin heshiis xabad-joojin ah iyo mid lagu sii deynayo la haystayaasha Israa’iil ee Xamaas Gacanta ugu jira.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu,ayaa u sheegay Blinken intii uu socday kullan ay yeesheen Arbacadii in aysan aqbali doonin heshiis kasta oo ku saabsan sii daynta la haystayaasha oo shuruud looga dhigayo joojinta dagaalka Qasa.

Waxaana uu sheegay in howlgal Milateri oo qorsheysan oo lagu qaado magaalada Rafah uu dhici doono haddii ay jirto xabbad joojin iyo haddii kaleba.