Author: Jibril Qoobey.

“Wararkii ugu danbeeyay Ee Shirka Garowe” Shirkii oo maanta la filayey saddex saac in uu furmo, dib ayaa sagaal saac loogu dhigay. Arrimo farsamo awgeed. Si aad u qurux badan ayaa loo dejiyey, loona soo dhoweeyey wufuudda. Martiqaadyo isugu jira qado iyo casho ayaa loo kala qeybiyey wufuudda. Sheikh Sharif ayaa galabta imaanaya… Dadka waxaa laga qaaday covid 19 test. 23 qof ayaa ku dhacday testigii oo laga helay Xanuunka,kuwaasoo qaybna goobo gaar ah la geeyay qaybna Hoteladoodii lagu xiray. Shirkaa waxaa looga doodayaa oo saldhigiisu yahay 2025 see Somaliya ugaari kartaa. Afartan qodob,ayaana Ajandihiisu kusoo ururayaa… Dhameystirka DastuurkaDib u…

Read More

Kooxda Daacishta waxay ku dagaalameen Buuraleyda Cal Miskaad. Dagaalka dhexdooda ah waxaa iskaga dhintay 3-Maleeshiyadooda ka mid ahaa. Kooxdu waxay isku haysataa cida badalaysa hogaamiyahooda Cabdiqaadir Muumin oo hada sii tabar dareeyay uuna dilooday xanuunka Sonkorta. Dagaalku waxuu ka dhacay shalay galab Buuraleyda udhaxaysa Qandala iyo Dhaadaar. Jibril Qoobey.

Read More

HARAMCAD HADDA LOO DAADGURAYNAYO BELEDWEYNE Waxaa waqti dhow loo daadgureeyy ciidamo HARAMCAD ah magaalada Beledwyne. Horay waxaa u joogay duleedka magaalada Matabaan HARAMCAD laga dajiyay GALMUGUG. Waxaa la sheegayaa in ciidamadaas iyo kuwa cusub ay fulinayaan codsi ka yimid Wasiirka Arrimaha Gudaha Janaraal Mukhtar Afrah oo hadda Beledweyne ku sugan. Ujeedadu waxaa weeye in la weeraro Kacdoonka Jeneraal Xuud ka dibna la caburiyo kacdoonka shacabka Beledweyne. Wixii masuuliyad ka dhasha weerarkaas waxaa qaadaya Dowladda Somaliya, Madaxweyne FARMAAJO, FAHAD, WasiirMukhtar iyo ciddii kale ee ay ku caddaato. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Dhammaadka muddo xileedka Barlamaanka Federaalka (BF) 10 2016-2020 Sida ku cad qodobka 60 ee dastuurka kmg, muddo xileedka BF waa 4 sano oo laga bilaabayo maalinta lagu dhawaaqo natiijada doorashada rasmiga ah oo ah maalinta dhammaan Xildhibannada guuleystay la dhaariyay. BF 10 ( 2016-2020 ) waxay dhammaatay maanta 27.12.2020. Sidaa darteed, ma jiraan xildhibaanno la doortay oo BF 11 ama 2021-2025 ah oo matalaya shacabka Soomaaliyeed. Waxaan shaki ama muran ku jirin in barlamaan la’aanta dhacday ay tahay guuldarro DF u soo jiiday shacabka Soomaaliyeed. Sharci iyo dhaqan dowladnimo dartood waxaa xaaladdaas ka dhalaneysa: Inaysan jirin xildhibanno matalaya shacabka Soomaaliyeed…

Read More

Waxaan dhegeystay farrinta aadka u gaaban ee RW Maxamed Xussein Roble ujeediyay Ummadda Soomaaliyeed, ugana hadlay dhawr arrimood oo kala ah: 1. Inuu la kulmay wakiillo ka kala socda beesha caalamka iyo bulshada ra’yidka, kana wada hadleen doorashada “lagu muransan yahay;” 2. In albaabada xafiiskiisa u furan yihiin ciddii cabasho ka qabta doorashada hirgelinteeda socoto; 3. In shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Muqdisho is dejiyaan, ilaalsadaan hantidooda, loona turo; 4. In aan loo baahneyn in lagu dhaqaaqo tallaaboyin dhibaato ku ah shacabka Muqdisho, asaguna diyaar u yahay inuu xalliyo wixii dhibaato jirta, 5. In wada hadallada socdaan, inkastoo wax dhibaato…

Read More

Warar,ayaa sheegaya in kaarar sanad ku muddeysan la siiyey xildhibaanbadii hore,Balse 70-ka mid ah aan loo cusboonaysiin. Kuwa loo cusboonaysiiyey weeye kuwa maanta fariistay oo miisanayadda ka niqaashaya. Xubnaha aan kaarka la siin Nin ka mid ah oo saaka is xaadiriyey wuxuu sheegay in loo diidey oo askar cusub albaabda la dhigay. Baarlamaanka Fadaraalka,ayaa mudo xileedkiisii waxuu ku ekaa maalinkii shalay ahaa oo taariikhdu ku beegnayd 27-ka bishan. Jibril Qoobey.

Read More

Bangiga Dhexe iyo W.Warfaafinta Puntland waxay fuliyeen amarkii Madaxweynaha Puntland ee xakamaynta Sicir bararka. Wasaaradda Warfaafinta Isgaarsiinta Dalxiiska Hidaha iyo Dhaqanka Dowladda Puntland oo tixraacaysa Hadalkii Madax weynaha Puntland Mudane.Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saartay warqad ay ku amrayso in aysan dhammaan shirkadaha isgaarsiinta iyo ablikeeshinadu (Applications) la iskugu diri karin $10 iyo wixii ka yar, laka bilaabanaysa 29/12/2020.

Read More

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixay xirmo dhaqaale oo ka kooban 900 oo bilyan oo dollar oo loogu talo-galay in lagu caawiyo shacabka iyo ganacsiyada uu saameeyey cudurka Coronavirus. Sharcigan ayaa waxaa qeyb ka ah 1.4 trillion oo dollar oo ah miisaaniyadda dowladda ee illaa bisha September 2021, waxaana saxiixa madaxweynaha uu ka hortagaya inay istaagaan shaqooyinka dowladda. Madaxweynaha ayaa sharcigan saxiixay kadib toddobaad uu diidanaa, oo uu cadaadis xooggan kala kulmayey sharci-dejiyayaasha dimoqraadiga iyo kuwa xisbigiisa Jamhuuriga. Trump oo xilka ka degaya 20-ka Janaayo ayaa markii hore dalbanayey in lacag loogu talo-galay shacabka oo ah 600 oo dollar qofkiiba…

Read More

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in afar ka tirsan ciidamada amniga toogasho lagu dilay, degmada Waaberi. Toogashadan ayaa dhacday saaka, waxaana ciidanka la toogtay ay ahaayeen kuwo dharcad ah, sida ay ay goobjooagayaal u sheegeen VOA. Ilo amniga ah oo codsaday inaan magacooda la sheegin ayaa VOA u xaqiijiyey dilkan. Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkan. Dawladda Soomaaliya ilaa haatan si rasmi ah ugama aysan hadlin dilkan dhacay.

Read More

Isu imaantinka Siyaasiinta, Aqoon yahanka, Madaxda & Ururada Bulshada ee ku kulanka Garowe,Caasimadda Puntland waxay muujinaysaa sida ay muhiim u tahay in salka loo dhigo siyaasadda kala firirsan ee Soomaaliya. Arrinta ugu Muhiimsan waa ergada & Wax Garadka Reer Waqooyi oo kusoo qul-qulaya Garowe. Dowladda PL & Shacabkeeda ayay uga Mahad cesheen isu keenida Siyaasiinta Reer Waqooyi ee Golayaasha Dowladda Federalka Somaliya ku wada jira, si loo xalliyo khilaafka & is fahandarada dhextaal, gaar ahaan Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdixaashi & Raysal Wasaare Ku xigeenka DFS Mahdi Guleed. Waxgaradka Reer Waqooyi ee Garoowe soo gaaray waxay door wayn ku yeelan doonaan…

Read More

Cali Guud laawe,Lafta gareen,Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Xasan Cali Khayre,ayaa iyaguna galabta kasoo dagaya Garowe. Shiikh Shariif iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo,ayaa iyaguna soo anba baxaya mardhow. Waxaa kaloo jira xubno kale oo isagu jira aqoon yahano,ganacsato iyo wafuud kale in ay subaxi imaan doonaan garowe shirkuna sidii hore ee lafilayay waa kasii balaartay waxaana jiri doono kulamo gaar gaar ah oo dalka iyo dadka lagu bad baadin doono. Waxaa jira dadaal beesha caalamku wado oo lagu riixayo dawlada in ay fursadaas dayicin go’aana qaadato oo shirkaas qayb ka noqoto doorashaduna noqoto mid loo dhan yahay.

Read More

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa hadda gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland. Waxaana halkaas kuso dhaweeyay Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo qaar katirsan labada golle ee Puntland.

Read More

Sanyare waxa kaliya ee aan ku taageeray waa argagixisada sida uu uga fog yahay wax dabacana uusan ugu samayn. Argagixisadu mahan Shabaabka afka duubta ee isqarxiya oo kaliya. Ictisaam waa Warshada soo saarta fikrada xagjirnimada iyo argagixisada. Dhalinyarada hada fulisa qaraxyada iyo dilalka shacabka,iyagaa abuuray,tababaray ilaa iyo hadana dhaqaale siiya. Fikirka Wahaabiga ah waa midka argagixisada keenay dhiirigaliyay oo taageera. Umal waa Ninkii Nabiga Caayay. Umal waa Ninkii Cabdullaahi Yuusuf gaalka ku sheegay oo baneeyay in lagu jihaado. Umal waa Ninkii dhulka Aagoonta ee Kismaayo xaaqday oo Guryaha ka dhisanaya. Umal waa ganacsade ku xiran sirdoono caalamiya oo khalda haweenka…

Read More

Agaasimaha guud ee W.Waxbarashada waxaa loo balan qaaday oo loogu yeeray kuna sugnaa Xamar Nin uqalma dhan walba. Balse nasiib daro waxuu ku waayay booskaas beesha uu kasoo jeedo Majeerteen oo Xukuumada Farmaajo u ah bartilmaameedka. Agaasimaha guud ee W.Waxbarashada Fadaraalka Ninka loo magacaabay waa Habargidir Cayr,waxaana toos usoo faragaliyay Rooble oo wareegtada soo saaray. Wasiirka Waxbarashada Cabdulaahi waa Nin jilicsan oo aan beer bisil kala goyn karin,isagoo taagan,ayaana loo gacan dhaafay shaqadiisii. Rooble Agaasimihii hore isaga oo aan xilka ka qaadin,ayuu mid kale si aan sharciga waafaqsanayn Kmg ugu sii magacaabay,waana markii ugu horaysay oo RW magacaabo Agaasime. Agaasimihii…

Read More

Shirkad Ingiriis ah,ayaa si rasmi ah ula wareegtay garoonka diyaaradaha Bosaso. Shirkada iyo W.Duulista Hawada Puntland,ayaa kala saxiixday heshiiska. Terminal cusub iyo Dhabaha diyaaradaha oo Hal iyo Bar Km lagu daro,ayaa heshiiska ka mid ah. Sida heshiisku dhigayo Janaayo sanadka cusub ayay Shirkadu bilaabaysaa shaqada. Jibril Qoobey.

Read More

Shir,ayaa maanta dhacay,waxaana uu dhexmaray beesha caalamka iyo Madaxweynayaasha DG,Afhayeenka Golaha shacabka Maxamed Mursal,Gudoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi, RW ku xigeenka, murashixiinta, Xildhibaano, senataro, bulshada rayidka ah iyo aqoonyahanka. Shirkaas waxaa kasoo baxay ugu danbayntii qodobadan…. Beesha Caalamka waxay soo jeediyeen in khilaafka Doorashada la xalliyoAmniga Garbaharey, Baraawe iyo Beledweyn in uusan sugnayn kana hooseeyo heer Doorasho oo loo dhan yahayIn Beesha Caalamku aysan taageero dhaqaale iyo Farsamo ku bixineyn doorasho aan loo dhameynIn xal loo helo khilaafka taagan si dhaqso ah. Balse soo jeedintan waxaa ka dhaga adaygay garabka Farmaajo.

Read More

“Rooble oo ay mar kale doorkiisa diciifka ah muuqatay!! Rooble ayaa maanta shir la qaatay wakiillada iyo safiirrada dalalka caalamka u jooga Somaaliya, kaas oo looga hadlayey dar-dar gelinta hir-gelinta hanaanka doorashooyinka dalka. Rooble ayaa u sheegay beesha caalamka in xukuumadiisa ay ka go’antahay qabashada doorasho si nabdoon dalka uga dhacda, islamarkaana uu diyaar u yahay inuu la fariisto cid kasta oo cabasho ka qabta habka ay u dhaceyso doorashadu. Hadalka Rooble,ayaa aad uniyad jabiyay beesha caalamka waxayna u arkeen qof xaqiiqda ka fog oo aan doorkiisa qaadanayn jeebkana ugu jira Fahad Yaasiin. The international community consisting 25 high level…

Read More

Garoowe: 27 December 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Garoowe kusoo dhoweeyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Mudane Abshir Bukhaari, Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Shiikh Aaden iyo Marti sharaf kale.

Read More

Shalay oo kaliya 3-tilaabo oo deg dega ayay qaadeen Nabar iyo Naxdin.. Mid waa mudaaharaadkii Garowe. Midna waa kii ay ku sheegeen shirki raysal wasaaraha ee bulshada rayidka ah. Midna waa kan waraaqda ay kusoo saareen. Intaasba waa rafashadii ugu danbaysay iyo baqdinta shirka Garowe. Balse looga dabcin maayo 30-ka Bari ee uhartay. Baarlamankana waqtiguusi Beri,ayuu ku egyahay dhamaantiis.

Read More

Guddoomiyaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre, xubno ka tirsan Guddiga iyo Xoghayaha Guud ee Guddiga ayaa saaka kulan la yeeshay madaxa xafiiska Interpeace Soomaaliya Axmed Cabdiraxmaan iyo Muno Ducaale oo ka tirsan isla xafiiska Interpeace Soomaaliya. Waxay ka wada hadleen labada dhinac dardargelinta shaqooyinka TPEC iyo sidii ay iskaga kaashan lahaayeen qabsoomidda doorasho qof iyo cod ah oo Puntland ka qabsoonta sannadka soo socda ee 2021. codkaaguwaaxaqaaga codkaaguwaamustaqbalkaaga

Read More

Waxaa goor dhoweyd garoonka Aden Ade ee Muqdisho ka duulay wafdi uu hogaaminayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka mudane Hassan Sheikh Mohamud ayagoo kusii jeeda magaalada Garowe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland oo ay uga qeyb galayaan Madasha Aragti Wadaaga ee HERITAGE INSTITUTE sanadka 2020. Madasha Aragti Wadaaga Heritage Institute,ayaa sanadkan kulmineysa mas’uuliyiin ka tirsan Midowga Musharixiinta, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka, guddoonka labada aqal iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, madaxda dowlad goboleedyada, siyaasiyiin iyo hogaamiyeyaasha bulshada rayidka, ayadoona Madasha diirada lagu saari doono arimaha doorashooyinka, xasilinta amniga ee dalka, federalismka, dhameystirka dastuurka…

Read More

Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaXafiiska Ra’iisul Wasaaraha The Federal Republic of Somalia Office of the Prime Minister Tixraac:XRWb.ZSq /12/2020 Tariikh 24/12/2020. Ujeeddo: Magacaabid (Agaasimaha Guud KMG ee Wasaaradda Waxbarashada ivo Tacliinta Sare) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Markuu arkay: Qodobka 99aad (A), (D) iyo (G) ee Dastuurka JFS. Qodobka looaad (A) iyo (D) ee Dastuurka JFS.Taariikh-nololeedka, (cv), khibradda iyo aqoonta Mudane Maxamed Caabi Xasan. Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo in la dar-dargeliyo habsami u socodka Arrimaha Maamulka ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare. Mudane Maxamed Caabi Xasan, waxaa si ku-meel gaar ah loogu magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee…

Read More

16-ayaa gacanta lagu dhigay oo ka mid ahaa Abaabulayaashii Rabshadihii Maanta iyo Garowe. Laascaanood,ayay fadhiyeen 7-beri ee ugu danbaysay oo ay ku diyaarinayeen qorshaha,ka horna Xamar ayay ka yimaadeen oo laga soo anba bixiyay. Xalay ayay intoodii badnayd soo galeen Garowe. Ninka Live-ka soo galay ee Gabadha Afka duuban waraysanaya waa Dhulbahante Meherad yar ku haysta Aaga Meeraysane gacantaana lagu hayaa. Gabadha uu waraysanayo waa isla Dhulbahante,waxaana ay FC kusoo gashaa Layla-Layla Hooyadeedna waa reer Muuse Mataan,iyadana waa la aqoonsaday. Ninka Labaad ee Live-ka ku jiray isaguna waa Dhulbahante waana la aqoonsaday. Guud ahaan xoguhu waa soo urureen khaladkana dhacayna…

Read More

Qodobbada diiradda la saarayo oo horutebinta shirka la siinayo…. 1.Doorashada 2021 2.Xasilinta Dalka (Amni ahaan) 3.Dhammeystirka Dastuurka 4.Qabashada Doorasho Qof iyo Cod ah 2025 5.Yagleelidda Nidaam Federaal ah oo Shaqeynaya Shirka waxaa fududeynaya Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage. Waxaa marti gelinaya Dowladda Puntland oo martiqaadka Madaxda Somalida ayadu direysa.

Read More

Garowe 26 December 2020: Shaqa joojin Duqa Degmada Gaalkacyo ahna Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Saahid Sayn. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland;Kadib markii ay tixgalisay cabooshin ka imaanaya shacabka Degmada Gaalkacyo oo ku aadan Maamulka Degmada Gaalkacyo, waxay shaqadii ka joojosay Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo mudane Saahid Maxamuud Cali. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyenta Dowladda Puntland waxay faraysaa Guddoomiye kuxigeenka Degmada Mudane Maxamed Cabdinaasir Cigaal inuu shaqada sii wado illaa amar dambe. Halkan ka akhriso… Dhamaan Bangiyada Gaarka loo leeyahay iyo kan Dowlada Laamohooda Gaalkacyo ,ayaa la amray . Halkan ka akhriso…

Read More

Garoowe: 26 December 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Garoonka diyaaradaha ee Gen Maxamed Abshir Airport Garoowe kusoo dhoweeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal iyo Wafdi uu hoggaaminayo. Wafuuda kala duwan ee maanta yimi Puntland iyo kuwo la filayo inay maalmaha soo socda soo gaaraan Garoowe, ayaa dhammaantood ka qeybgeli doonta Madasha doodaha machadka Heritage oo markii ugu horeysay lagu qabanayo gudaha dalka, Garoowena ka furmaya todobaadkan. DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Read More

Garoowe: 26 December 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Garoonka diyaaradaha ee Gen Maxamed Abshir Airport Garoowe kusoo dhoweeyay Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi iyo Wafdi uu hoggaaminayo.

Read More

Ethiopia,ayaa qaban doonta doorashada baarlamaanka 5-ta June ee sanadka 2021, sidaasina waxaa Jimcaha maanta ah sheegay guddiga doorashooyinka qaranka, iyada oo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu isku dayayo in uu joojiyo rabshadaha siyaasadeed iyo qowmiyadeed ee dhimashada badan dhaliyay ee ka dhacay dhowr gobol. Xisbiga Prosperity ee uu Abiy Ahmed aas aasay sanad ka hor, ayaa wajahaya caqabado uga imanaya xisbiyada ku abtirsada qowmiyadaha ee sii xoogeysanaya kuwaasi oo doonaya awood dheeri ah oo ay u helaan gobolladooda. Dalka labaad ee ugu dadka badan qaaradda Afrika waxa uu leeyahay nidaam federaal ah iyo 10 dowlad goboleed, oo in badan oo…

Read More

(“Tell: +252-090-7792202.) Taleefoonkaas ku qornaa Wareegtada kasoo baxday Madaxtooyada Puntland waxaa iska leh shaqaalaha gaarka ah ee Shirkada Golis markaan xuuraamay. Sababta loogu soo qoray Page-ka Madaxtooyada lama fahmin?? Ma Golis,ayaa wax ka maamusha Madaxtooyada?? Mise Agaasimahaa horay Golis ugu shaqayn jiray oo aan Telka xarayn markii uu shaqada kasoo tagay?? Faahfaahin,ayay shacabku ka rabaan Madaxtooyada!!! Jibril Qoobey.

Read More

Beri waxaa Garowe imaan doona Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka Maxamed Mursal iyo Gudoomiyaha Aqalka-Sare Cabdi-Xaashi Cabdaullaahi. Waxaa kaloo Garowe imaanaya dhamaan Golaha Midowga musharixiinta Madaxweynaha Fadaraalka oo uu hogaaminayo Shiikh Shariif Shiikh Axmed , Shanta Madaxweyne ee Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka,ayaa iyagana imaan doona Garowe. Todobaadka soo socda caasimada bilicda iyo amaanka caanka ku ah ee Garowe waxaa ka bilaabanaya xaalad cusub oo siyaasadeed, Dowladda Fadaraalka ee uu hogaamiyo xligan Farmaajo waxay awood uyeelan wayday dalka in ay geliso doorasho Wadar ogol ah oo raali laga wada yahay. Jibril Qoobey.

Read More

Wasiirada iyo Agaasimayaasha laga shakiyay ee Amarku kusoo baxay,waxaa ka mid ah.. Wasiir Dhabancad iyo ku xigeenkiisa Cabdiweli. Wasiirka Qorshaynta Xaange. Wasiir Dowlaha maaliyada Maxamed Cabdiqaadir. Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka. Wasiirka kaluumaysiga ee is casilay. Agaasimaha DuulistaAgaasimaha PHAAgaasimaha WaxbarashadaAgaasimaha Haweenka Dhamaantood waxay wadeen qorshe majaxaabin Xukuumada ah,taasoo keentay in maanta Madaxweyne Deni soo saaro qoraal digniin ah. Sirdonka Puntland,ayaa xogahan soo helay,kadib baaris dheer oo ay sameeyeen.. Madaxweyne Deni waa ku bogaadinaynaa feejignaantiisa. Jibril Qoobey.

Read More

Wasiirada Puntland oo amar la dul dhigay??? DOWLADDA PUNTLAND EE SOOMAALIYA XAFIISKA MADAXWEYNAHA. PUNTLAND STATE OF SOMALIA OFFICE OF THE PRESIDENT Wareeegto Lr. 07, ee 23 ka December 2020, kuna saabsan wargelin. Ku: Dhammaan Wasaaradaha Dowladda Puntland Ku: Dhammaan Hay’adaha Madaxa-bannaan ee Dowladda Puntland. Waxaa Dhammaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda lagu wargelinayaa:- In Masuuliyiinta kala duwan iyo Farsama-yaqaanada, aysan ka qayb geli karin shirar iyo kulamo la xiriira arrimaha awooddaha aan laga heshiin ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Puntland.In aan la geli karin is-afgarad (MOU) ama heshiis, la xiriira awooddaha iyo shaqo qaybsiga ilaa inta laga heshiinayo…

Read More