Hot Topics

Sawiro:-Madaxweynaha Jubaland oo qado sharaf u sameeyay saraakiisha Ciidamada Qalabka sida

Kismaayo,Jubbaland,idilnews.
 
 
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Qado sharaf u sameeyay Sarakiisha Qaybta 43 ee Ciidamada qalabka sida.
 
Kahor qadada Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay Sarakiisha isagoo oo ku amaanay sida hagar la’aanta ah ee ay heeganka ugu jiraan Xasilinta Dalka gaar ahaan qaybta 43 oo uu xusay in la joogo xiligii ay bilaabi lahayeen hawlgalka Jubbaland lagaga xoraynayo kooxda Al-Shabaab.
 
Madaxweynaha ayaa sheegay in dhamaan tasiiladka ay Ciidamadu u baahan yihiin la dhamaystirayo sida ugu dhakhsiyaha badan wixii xiligaas ka danbeeyana ay hawlgaladu bilaabanayaan.
 
Si loo helo hawlgal wada jir ah ayuu sheegay Madaxweynahu in AMISOM ay ku wargaliyeen in dhamaan Ciidamada Jubbaland ay diyaar yihiin oo waxa la sugayaa ay yihiin diyaar garoowga AMISOM taasna wuxuu carabaabay in sida ugu dhaw ay usoo dhamaanayso.
 
Madaxweynahu wuxuu balan qaaday in daryeel iyo baxnaano joogta ah ay helayaan Askarta Ciidamada qalbka sida isla markana la laba jibaarayo mudada ay hawlgaladu socdaan.
 
Qabyaalada iyo nin jeclaysiga ayuu sheegay Madaxweynahu in ay umada soomaaliyeed la dageen mudo dheer waxa kaliyah ee lagaga bixi karana ay tahay in Xarumaha Ciidamada Qabyaalada laga suuliyo oo la helo Ciidan uu daraysu mideeyo taasna meelaha ugu wanaagsan ee ay ka jirto ay Jubbaland tahay.
 
Sarakiisha ayuu Madaxweynahu ku booriyay in ay sii laba jibaaran hawsha adag ee ay hayaan taas oo uu xusay in wax wanaagsan oo miro dhal ah ay kasoo bixi doonan.
 
Madaxweynaha Dowlada Jubbaland ayaa in dhawaale xooga saarayay dhismaha iyo qalabaynta Ciidamada kala duwan ee Jubbaland.