Author: Jibril Qoobey

Soomaaliya ayaa qarka u saaran in dib loogu celiyo Dowlad KMG ah, kaddib markii maamulka Xassan Shiikh Maxamuud uu lumiyay sharciyada, lana waayay heshiis doorasho loo dhan yahay. Idilnews ayaa ogaatay in qorshaha la doonayo in dib loogu celiyo KMG Soomaaliya, ay wadaan dalalka Reer Galbeedka, oo uu folaad yahay Mareykanka, kuwaas oo niyad jabsan hannaanka madaxda Koonfurta Soomaaliya ay dalka u hoggaanshaan. Gollaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa waraaq furan oo ay u direen Madaxda dalalka Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya oo Kampala ku shiraya 31 bishan, u soo jeediyay in Soomaaliya loo dhiso Dowladda KMG ah, taas oo dalka u sameysa…

Read More

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland waxa ay go’aamisay hirgelinta Habraaca Labbiska Dugsiyada, kaas oo lagu mideynayo labbiska dhammaan heerarka waxbarashada ee dugsiyada dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahayn ee Puntland. Habraacan ayaa lagu xoojinayaa aqoonsiga dugsiyada, anshaxa iyo sinnaanta ardayda, tayada deegaanka waxbarashada iyo fayo-dhowrka caafimaad, iyadoo la tixgelinayo dhaqanka, diinta iyo duruufaha bulshada Puntland. Wasaaraddu waxa ay ku wargelinaysaa dhammaan maamullada dugsiyada, waalidiinta iyo dhammaan bahda waxbarashada in ay u hoggaansamaan habraacan, kana wada shaqeeyaan hirgelintiisa muddada ay Wasaaraddu go’aamisay. Habraaca cusub oo lala wadaagay Guddoonnada Waxbarashada heer Gobol, heer Degmo iyo maamuleyaasha iskuullada waxa uu…

Read More

Maxa dhici kara 2027 mar haddi aan lacag loo hayn ciidamada Africaanka ah ee Amniga koonfurta soomaaliya gacanta ku haya kooxihii argagixisaduna ayay diyaargarow iyo isdiyaarin ku jiraan annagoo tixraacayna soo koobidda nuxurka Daraasadda: Isbeddelka Al-Shabaab (Ma Istiraatiiji Baa Mise Waa Mid Lagu khasbay?) โ€‹ Machadka Saldhig (Juun 2026) โ€‹Daraasaddan oo ay soo saartay Machadka Saldhig waxay falanqayn qoto dheer ku samaynaysaa isbeddelladii istiraatiijiyadeed, militariga, maamulka, iyo tiknoolajiyadda ee ku yimid kooxda Al-Shabaab. Waxay ku doodeysaa in sii jiritaanka kooxda muddo dhowr iyo toban sano ah aysan ku dhisnayn oo keliya cudud militari, balse ay tahay ka faa’iidaysiga dabacsanaanta istiraatiijiyadeed…

Read More

Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Villa Somalia, Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) ayaa laga soo celiyay garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta, waxaana loo diiday in gudaha u galo caasimadda dalka Kenya ee Nairobi. Bukhaari ayaa lagu helay in uu ku safrayay Basaboorka Kenya, oo uu ku qaatay sifo aan sharci ahayn, sida laga soo xigtay Laanta Socdaalka ee dalka Kenya. Bil kahor, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka 2aad ee maamulka Xassan Shiikh ayaa sidan oo kale loogu diiday in uu gudaha u galo Nairobi, waxaana laga soo tarxiilay garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta, kaddib markii lagu helay Basaboorka Kenya oo uu ku helay sharci darro. IDILNEWS

Read More

Idilnews ayaa ogaatay jiritaanka qorshe ay Dowladda Puntland ku doonayso in ay kaga takhalusto maleeshiyaadka hubeysan ee aan habka beeleysnayn ciidamada ugu dhex heysta deegaanada Puntland. Maleeshiyaadka oo uu maamulka Xassan Shiikh sheegay in uu u qortay ciidamo Federaal, lagana maamulo Muqdisho, iyadoo loo adeegsanayo fulinta siyaasadooda iyo khal-khal gelinta amniga mandiqada ayaa hada la go’aamiyay in gabi ahaanba lasoo afmeero gudaha bisha August ee socota. ๐’๐ข๐๐ž๐ž ๐†๐จ’๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐ฅ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ช๐š๐ง๐ ๐š๐ฅ๐ข๐ง๐š๐ฒ๐š๐š ? Habeenimadii xalay, Madaxtooyada Puntland ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in aysan jirin ciidan la yiraahdo PSF oo kamid ah Ciidanka Puntland iyo Ciidan Federaal oo ka howlgalla…

Read More

Maamulka gobolka Karkaar ayaa soo saaray go’aano lagu adkeynayo Ammaanka gobolka, waxaana la mamnuucay hubka sharci darrada ah iyo kooxaha geysta dalalka amni darro. Hoos ka akhriso go’aanka kasoo baxay maamulka gobolka Karkaar. Maamulka Gobolka Karkaar, ka dib markuu arkay Xaaladda dalka, ka dib markuu qilmeyey dhacdooyinkil u dambeeyey ee ka dhaca deegaanka. Hadaba maanta oo ay taarikhdu tahay July 26, 2026, wauxuu soo saaray Awaamirtaan hoos ku xusan:- 1. Xoojinta & Adkaynta Amniga Guud ee Dalka 2. Mamnuucid Hubka Sharel darrada ah ee magaaladda dhexdeeda la Iskala maraayo ama Gawaarida lagu sito. 3. Cid kasta oo ku Jirta ama…

Read More

Dowladda Puntland oo uga digtay Galmudug in garoomadeeda iyo dhulka ay maamusho lasoo mariyo maleeshiyaad iyo hub, loo adeegsanayo duullaanka ku wajahan deegaanada Puntland, ee uu abaabulayo Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, Xassan Shiikh Maxamuud. War-saxafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in aysan jirin Ciidan sharci ah oo la yiraahdo PSF oo ka jira deegaanada Puntland, iyo Ciidan ka diiwaangashan DFS oo ka howlgalla deegaanada Puntland. Hoos ka akhriso War-saxafadeedka kasoo Dowladda Puntland. WAR-SAXAAFADEED TAR: 25-LUULYO-2026 Dowladda Puntland waxay si dhow u la socotaa dhammaan dhaqdhaqaaqyada ciidaan ee uu wado Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo uu ujeedkeedu…

Read More

Dowladda Puntland ayaa baaq nabaddeed kasoo saartay dagaal beeleed ka dhacay deegaanka Dhabar-dalool ee gobolka Sanaag. Dagaalka ayaa sababay dhimashada in kabadan 5 Ruux iyo dhaawaca ilaa 10 kale oo kamid ah dhinacyada dagaalamay. Hoos ka akhriso War-saxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland. ๐๐€๐€๐ ๐๐€๐๐€๐ƒ๐„๐„๐ƒ ๐†๐š๐ซ๐จ๐ฐ๐ž: ๐‰๐ฎ๐ฅ๐ฒ ๐Ÿ๐Ÿ“, ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland waxay baaq nabadeed u diraysaa beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay deegaanka dhabar-dalool ee Gobolka Sanaag. Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay si weyn uga xun tahay colaadda iyo dirirta nasiib darrada ah ee soo noq-noqotay, taas oo dhex martay bulshada walaalaha…

Read More

Saraakiil ka socotay Ciidanka Puntland ayaa habeenimadii xalay u tagay Maxamuud Diyaano oo ah hoggaanka maleeshiyaadka ka haray Ciidankii horey loo oran jiray PSF, haddana ka mushaar qaata maamulka Muqdisho ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday, Xassan Shiikh Maxamuud. Saraakiisha oo kasoo jeeda gobolka Mudug ayaa ku wargeliyay Maxamuud Diyaano in uu isaga guuro, kana rarto xerada ciidan agagaarka garoonka diyaaradaha Puntland, maadama uu ku howlan yahay falal amni darro oo halis gelinaya amniga gobolka Mudug. โ€œ๐‘ด๐’‚ ๐’‚๐’’๐’ƒ๐’‚๐’๐’‚๐’š๐’๐’ ๐’Š๐’ ๐’‚๐’‚๐’… ๐’๐’‚๐’๐’‚ ๐’…๐’–๐’๐’‹๐’๐’๐’ˆ๐’•๐’ ๐’Ž๐’‚๐’๐’†๐’†๐’”๐’‰๐’Š๐’š๐’‚๐’‚๐’… ๐’Œ๐’‚ ๐’”๐’‰๐’‚๐’’๐’†๐’š๐’๐’‚๐’š๐’‚ ๐’…๐’‚๐’๐’‚๐’‰๐’‚ ๐‘ฟ๐’‚๐’”๐’”๐’‚๐’ ๐‘บ๐’‰๐’Š๐’Š๐’Œ๐’‰, ๐’…๐’–๐’–๐’๐’๐’‚๐’‚๐’๐’‚ ๐’Œ๐’– ๐’‚๐’‰ ๐’‚๐’Ž๐’๐’Š๐’ˆ๐’‚ ๐‘ท๐’–๐’๐’•๐’๐’‚๐’๐’…, ๐’ˆ๐’‚๐’‚๐’“ ๐’Ž๐’‚๐’ˆ๐’‚๐’‚๐’๐’‚๐’…๐’‚ ๐‘ฎ๐’‚๐’‚๐’๐’Œ๐’‚๐’„๐’š๐’, ๐’˜๐’‚๐’‚๐’… ๐’๐’ˆ๐’•๐’‚๐’‰๐’‚๐’š ๐’Œ๐’–๐’Ž๐’‚๐’๐’‚๐’‚๐’ ๐’˜๐’Š๐’Š๐’…

Read More

Inta la xaqiijiyay 5 qof ayaa ku geeryooday, ilaa 9 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal beeleedka ka dhacay deegaanka Dhabar-dalool ee gobolka Sanaag. Dagaalka ayaa u dhexeeya maleeshiyaad beeleed kasoo kala jeeda Beelaha Muxumud iyo Bah-Ogayslabe ee beelweynta Warsangeli. Beelaha ayaa horey labo mar ugu dagaalamay deegaanka, waxaana gabi ahaanba guuldareystay dadaalo ay sameysay Dowladda Puntland oo kaashanaysa qaar kamid ah Isimmada dhaqanka Puntland oo ka kala yimid gobollada kala duwan. IDILNEWS

Read More

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa galabta u amba-baxay dalka Itoobiya. Diyaarad gaar ah ayaa ka qaaday Madaxweynaha garoonka diyaaradaha caasimadda Puntland ee Garoowe. Madaxweyne Deni ayaa habeenimadii xalay ilaa maanta ku wargeliyay qaar kamid ah xubnaha dowladdiisa ee ku dhow safarkiisa Itoobiya, kuwaas oo dhankooda laga helin faahfaahin rasmi ah, marka laga soo tago in uu u sheegay in uu yahay safar degdeg ah oo qaadan kara maalmo. ๐— ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ ๐—ธ๐—ฎ ๐—ผ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐˜† ๐˜€๐—ผ๐—ฐ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐——๐—ฒ๐—ป๐—ถ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—œ๐˜๐—ผ๐—ผ๐—ฏ๐—ถ๐˜†๐—ฎ ? Ma aheyn safarka Madaxweyne Siciid Deni ee Itoobiya, mid horey u qorsheysnaa, waxaana uu yimid xilli adag oo Puntland wajahayso duullaan ka dhan…

Read More

Xildhibaanada Baarlamaanka Dowladda Puntland ayaa maanta meelmariyay Wax-ka-bedelka Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada siyaasadda Dowladda Puntland. Kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo uu shir-guddoomiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka, Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa dood adag xildhibaanadu ka yeesheen wax ka bedelka Xeerka oo maalmihii u dambeeyay horyaallay. 33 Xildhibaan ayaa u codeeyay ansixinta Wax-ka-bedelka Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada siyaasadda Dowladda Puntland, halka 2 Xildhibaan diiday, 2 kalena ka aamustay. Wax-ka- bedelka Xeerka Urrurada iyo Xisbiyada Siyaasadda Dowlad Puntland oo muhiimad gaar ah u leh Xoojinta dimuqraadiyadda, horumarinta hannaka axsaabta badan iyo hubinta in doorashooyinka Puntland ku qabsoomaan hannaan sharci oo hufan. IDILNEWS

Read More

Xassan Shiikh oo hurinaya colaad ka dhacda gudaha Puntland, ayaa saaka Muqdisho kasoo diray diyaarad sida hub iyo rasaas, taas oo qorshuhu yahay inay ka degto xaafada baraxley ee koonfurta magaalada Gaalkacyo. Diyaarada oo ay la socdaan maleeshiyaad uu soo aruuriyay Asad Diyaano, ayaa la doonayaa in lasoo galiyo Gaalkacyo, iyagoo degi doona xerada ilma Diyaano (Ex PSF) ay ku leeyihiin agagaarka garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ee Cabdulaahi Yuusuf. Idilnews ayaa ogaatay in maleeshiyaadka iyo hubka loogu talagalay, inay qeyb ka noqdaan falal amni darro oo ka dhaca magaalada Gaalkacyo, kaas oo ay wadajir u fulin doonaan maleeshiyaad uu Xassan Shiikh…

Read More

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in dadka kunool gobolka Sool ay yihiin dad Reer Somaliland, ayna tahay in lagu soo dhaweeyo gacmo furan. Cirro oo maanta shir-guddoomiyay kulan Gollaha Wasiirada Somaliland, ayaa adkeeyay muhiimada ay leedahay midnimada iyo wadajirka dadka Reer Somaliland. Waxaana uu intaa ku daray in tabasho kasta oo jirta ay tahay in lagu xaliyo wada-hadal iyo is afgarad “Madaxweynuhu waxa uu xusay in Gobolka Sool uu yahay gobol ka mid ah Jamhuuriyadda Somaliland, bulshada reer Soolna ay yihiin walaalo reer Somaliland ah, isaga oo ku baaqay in lagu soo dhaweeyo gacmo furan, tabasho kasta oo jirtana…

Read More

Idilnews ayaa ogaatay in Taliyaha Booliska maamulka Xassan Shiikh ee Muqdisho, Asad Cismaan Diyaano uu maleeshiyaad beeleed ku aruurinayo deegaanka Geri-Hel oo qiyaastii 80-KM dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Qardho. Aruurinta maleeshiyaadka ayaa timid kaddib markii maalin kahor ay ciidanka Puntland kusoo afjareen deegaanka Laag maleeshiyaad gaaraya 70, oo watay 8 gaari oo Tikniko ah iyo gaari ambulance ah, kuwaas oo jebiyay amarkii dowladda ee lagu mamnuucay isu socodka maleeshiyaadka hubeysan ee aan ka amar qaadan dowladda Puntland. Maleeshiyaadka la aruurinayo oo isugu jira ciidamadii horey loo oran jiray PSF oo laga soo saaray Xaafuun kaddib markay ku baxeen ciidamo…

Read More

Inta la xaqiijiyay Hal qof ayaa ku geeryooday Shil gaari oo ka dhacay degmada Qabri-dahare ee Dowlad Deegaanka Soomaalida. Gaariga shilka galay oo ahaa Probox’ ayaa ahaa sidday qaad uu ka qaaday Qabri-dahare, waxaana uu ku sii jeeday degmada Wardheer ee gobolka Doollo. Waa shilkii labaad oo ilaa saaka ka dhacay deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaana aroornimadii rogmaday gaari Bus ah oo ka baxay Jigjiga kuna wajahnaa caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa. Sidaas oo kale, Saddex maalin kahor Shil gaari oo sababay dhimashada 12 qof, ayaa ka dhacay degmada Qabri-bayax, waxaana Qabri wadareed loo qodayay oo dumay ku geeryooday 3 Ruux…

Read More

Gaari Bus ah oo baxay Jigjiga kuna wajahnaa caasimadda Itoobiya ee ee Addis Ababa ayaa gudoomay aroornimadii saaka. Goobta gaarigu ku dhacay ayaa loo yaqaan Jiro, waxaana ilaa hadda lala tacaalayaa in gaariga laga soo guro dadkii saarnaa, kuwaas tiro badan oo kamid ah ay soo gaareen dhaawacyo, wallow ilaa hada aan la tabin dhimasho. Maalmo kahor ayay ahayd markii Shil gaari oo ka dhacay nawaaxiga degmada Qabri-bayax ee Dowlad deegaanka Soomaalida ay ku naf waayeen 12 qof, Halka saddex qof oo kale ay dhinteen kaddib markii uu ku dumay Qabri wadareed loo qodayay dad shilka ku dhintay. IDILNEWS

Read More

In kabadan 30 Askari oo kamid ah maleeshiyaadka ilma Diyaano ee horey loo oran jiray PSF, ayaa gacanta lagu dhigay, kuwaas oo kamid ah ilaa 60 maleeshiyaad ah oo xalay ka baxsaday Togga Madar Jiifle ee Laag. Maleeshiyaadka ayaa ahaa kuwii watay gaadiidka dagaal, shalayna iska hor imaadka la galay ciidamada Difaaca Puntland. Waxaana markii la qabtay loo sameeyay gurmad, iyadoo la siiyay Biyo iyo cuno, halka lala tacaalay xaalada caafimaad ee qaarkood. Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagaxisada Puntland ayaa saaka sheegay in maleeshiyaadkan loogu talagalay in ay khal-khal gelin amn ka sameeyaan deegaanada Puntland, ayna u shaqeynayeen Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday…

Read More

Dowladda Puntland ayaa sheegtay in howlgal qaatay saacado kooban, kana dhacay deegaanka Laag ee gobolka Bari ay kusoo qabteen maleeshiyaad hubaysan oo khal-khal gelin amni ka abuurayay deegaanada Puntland. War kasoo baxay Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagaxisada Puntland ayaa lagu sheegay in maleeshiyaadka hubaysan ay u shaqeynayeen Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee DFS Xassan Shiikh, si ay waxyeeleeyaan Amniga iyo xasiloonida Puntland. Waxaana intaa uu ku daray in la dabajoogo firxadkooda, lana soo afjari doono saacadaha soo socda. “Ciidamada Difaaca Puntland oo deegaanka Laag kusoo afjaray hawlgal qaatay saacado kooban malayshiyaad khal-khal amni ka abuuray Puntland, muddooyinkii u dambeeyey, kuwaas oo Madaxweynaha…

Read More

Maleeshiyaad iyo gaadiid dagaal oo ay leeyihiin ilmo Diyaano, kana tirsan Ciidankii horey loo oran jiray PSF ayaa isku dhiibay Ciidamada Difaaca Puntland, kaddib saacado badan oo ay go’doon ku ahaayeen Togga Madar Jiifle ee deegaanka Laag. Idilnews ayaa xaqiijisay in maleeshiyaadka is dhiibay ay wataan 8 gaari oo Tikniko ah iyo gaari Ambulance ah. Waxaana jira Rag hubaysan oo kamid ahaa, kuwaas oo habeenimadii xalay lug uga baxay Togga. Ciidanka Puntland oo aroornimadii gudaha u galay Togga Madar Jiifle ayaa hadda si rasmi ah ula wareegay gaadiidka iyo maleeshiyaadka watay, taas oo ka dhigan in howlgalka lasoo afmeeray. Maleeshiyaadka…

Read More

Dagaal ayaa ka socda baadiyaha deegaanka Laag ee gobolka Bari, kaas oo u dhexeeya Ciidamada Difaaca Puntland iyo maleeshiyaadka hubaysan ee ka Amar qaata ilma Diyaano, kuwaas oo horey loo oran jiray PSF. Idilnews ayaa ogaatay in dagaalkan uu yimid kaddib markii maleeshiyaadka ay dhaqdhaqaaq ka bilaabeen magaalada Boosaaso iyo deegaanada ku dhow dhow, iyagoo doonaya in khalkhal galin Amni ay sameeyaan. Ciidamo katirsan Daraawiishta Puntland ayaa ku baxay, waxaana socda howlgal la doonayo in hub ka dhigis loogu sameeyo. Dhanka kale, Ciidamo ayaa la dul dhigay xeradooda Boosaaso, waxaana jira qorshe amni darro oo ay doonayeen in ay ka…

Read More

Wararka ka imaanaya degmada Qabri-bayax ee Dowladda Deegaanka Soomaalida ayaa sheegaya in dad ku geeryoodeen Qabri ku dumay oo ay qodayeen. Qabrigan ayaa la doonayay in Aas wadareed loogu sameeyo 12 qof oo ku geeryooday Shil gaari, oo ka dhacay nawaaxiga degmada Qabri-bayax. Sidoo kale, Dad ku dhaawacmay qabriga dumay ayaa la dhigay isbitaalka, kuwaas oo xaaladooda lala tacaalayo. Dhacdadan oo argagax dhalisay ayaa dhacday maanta, waxaana muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada uu muujinaya maydad iyo dhaawac laga soo gurayo qabriga ay qodayeen. IDILNEWS

Read More

Dekedda Boosaaso ayaa si habsami leh u shaqeybaysa, waxaana ku xirtay in kabadan 10 Doonyood, kaddib heshiiskii shalay laga gaaray khilaafkii jiray. Wasiiro katirsan Dowladda Puntland ayaa maanta booqday Dekedda Boosaaso, iyagoo boggaadiyay shaqada habsamida leh ee Dekedda ka socota. Dekedda Boosaaso ayaa ah marin ganacsi oo muhiim ah, isla markaana door weyn ka qaadata horumarinta ganacsiga gudaha iyo dibadda iyo kobaca dhaqaalaha Puntland, Soomaaliya iyo guud ahaan geeska Afrika. IDILNEWS

Read More

Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa gabi ahaanba laga jaray korontada, kaddib markii muddo bilooyin ah ay bixin waayeen lacagta adeegga korontada. Sidda aan ogaanay tan iyo bishii June Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa lasoo gaarsiinayay digniino la xiriira inay iska bixiyaan lacagaha lagu leeyahay ee korontada, balse ma suuroobin inay iska bixiyaan. Shaqaalaha shirkadda korontada ayaa saaka yimid xarunta Wasaaradda, waxaana ay jarteen korontada, taas oo meesha ka saartay adeeggii Wasaaraddu u sameyn jirtay shacabka Soomaaliyeed. Idilnews ayaa heshay xog sheegaysa in Wasaaraddo badan oo ay kamid tahay Arrimaha Dibeddu aysan bilihii lasoo dhaafay helin Lacagihii adeegga, halka…

Read More

Bangiga Dowladda Puntland, gaar ahaan qaybta Istaatiitikada iyo Cilmi-baarista Bangiga oo kaashanysa Kuliyadda Cilmiga Bulshada iyo Dhaqaalaha ee Jaamacadda Bariga Afrika Garowe, ayaa daabacday cilmi-baaris cinwaankeedu yahay: โ€œSaamaynta Dhaqaale ee Colaadda Iiraan iyo Israaโ€™iil ku yeelatay Soomaaliya gaar ahaan Puntland โ€ Daraasaddan waxay si qoto dheer u falanqaynaysaa saamaynta dhaqaale ee colaadda Iiraan iyo Israaโ€™iil ku yeelatay Puntland, iyadoo diiradda saareysa kororka sicir-bararka, qiimaha shidaalka, ganacsiga, sugnaanta cuntada, iyo hab-nololeedka. Sidoo kale, waxay soo bandhigaysaa talooyin ku saleysan caddeymo cilmiyeed oo lagu xoojinayo adkeysiga dhaqaalaha iyo taageeridda dejinta siyaasado iyo goโ€™aanno xog ogaal ah. Daabacaaddani waxay muujinaysaa sida ay Bangiga…

Read More

Dowladda Mareykanka ayaa boggaadisay tallaabada DFS ugu wareejisay Cabdikariim Iidleh oo kamid ah Soomaalida lunsaday boqollaalka Milyan ee dollar, ee ah lacagihii loogu talagalay in lagu taageero danyarta intii lagu guda jiray COVID-19. Qoraal kasoo baxay Safaarada Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in tan muujinaysa iskaashi Amni iyo wada shaqeyn, taas oo ay rajeynayaan in ay sii xoogeysato. “Dowladda Mareykanka waxay ka mahadcelineysaa iskaashiga joogtada ah ee hay’adaha sharci fulinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Isku-dubaridka dhowaan wuxuu muujinayaa sida iskaashiga dhow, oo ku saleysan ixtiraamka sharciyada iyo dhaqamada waddan kasta, uu u xoojin karo amniga, u diidi karo gabbaad…

Read More

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa sheegay in ku buurista Haweenka ee Booliska Puntland ay Sare u qaaday Tayada Hay’addaha Ammaanka. Siciid Deni oo hadal ka jeediyay Shirweynaha Haweenka Puntland oo Garoowe ka furmay maanta, ayaa xusay in Booliskii u dambeeyay ee kasoo baxa dugsiyada tababarada ciidamada Puntland ay noqdeen hormuud, ayna Askartii kala gashay kaalmaha hore ee Shiishka iyo Oradka ahaayeen Gabdho. Wuxuu intaa ku daray in Garsoorka Ciidamada Puntland ay soo galeen gabdho badan, oo uu magacaabay, isagoo ku dhiirageliyay in ay labo jibaaraan dadaalkooda. Shirweynaha Haweenka Puntland oo saddex maalmood ka socon doona Garoowe, ayaa ay isugu…

Read More

Dowladda Puntland iyo Ganacsatada ayaa heshiis ka gaaray khilaaf soo kala dhexgalay maalmihii lasoo dhaafay, kaas oo salka ku hayay khidmad dowladdu ku kordhisay Maraakiibta kusoo xirta Dekedda Boosaaso. Sida ku cad heshiiska Dowladda Puntland ayaa tanaasul ka muujisay go’aankeeda la xiriira in khidmada Maraakiibta laga qaadayo tahay $8, iyadoo laga dhigay $5 oo Kali ah, taas oo ay ku raaceen ganacsatadu. Wasiirka Amniga Puntland, Ibraahim Xaaji Bakiin ayaa sheegay in heshiiskan uu dhaqangalay, ayna shaqeynayso Dekedda Boosaaso. Kaddib heshiiska, ilaa 12 Doomood ayaa ku xirtay Dekedda, kuwaas oo sida badeecaddo kala duwan, waxaana ku qulqulaya Dekedda boqollaal Gaadiidka xamuulka…

Read More

Somaliland ayaa si weyn u soo dhaweeysay go’aanka Gabadha lagu magacaabo Fahiimo Yuusuf Quuje ugu soo laabatay Somaliland, kagana tanaasushay maamulka Sool Bari ee laga yabyabay Laascaanood. Wasiirka Biyaha Somaliland, ayaa sheegay in si weyn ay u soo dhaweynayaan Fahiimo Quuje, waxaana uu intaa ku daray in ay soo daba socdaan inta hartay bulshada Sool Bari ee ku sugan Laascaanood. โ€œFahiima Quuje iyadaa go’aansatay inay Qarankeedii ku soo noqoto, inta hadhay reer Laascanoodna way soo socdaan” ayuu yiri Wasiirka Biyaha Somaliland. Fahiima Quuje ayaa hormuud u ahayd kacdoonkii Somaliland ka dhanka ahaa ee December 2022, ka bilowday Laascaanood, kaas oo…

Read More

Ibraahim Axmed Kooshin oo dilay habeen kahor Allaha u naxariistee Taliyihii Booliska degmada Jariiban G/lle Guuleed Kadleeye – ayaa saaka lagu fuliyay qisaasta dilka Guuleed. Marxuum Ibraahim oo ay soo qabteen laamaha Ammaanku saacado kaddib dilka Guuleed Kadleeye, ayaa shalay ehelladiisu ku wareejisay qoyska uu ka dhashay Taliye Guuleed. Talaabada toogashada qisaasta ah loogu fuliyay dilaaga Taliye Kadleeye ayaa loo arkaa mid wax ka bedelaysa xaalka Amni ee gobolka Mudug, iyadoo farriin u diraysa kooxaha abaabulan ee dilalka ka geysta gobolka iyo maleeshiyaadka hubaysan ee u shaqeeya gacmaha ka baxsan kuwa dowladda Puntland. IDILNEWS NEWS

Read More

Nin hubaysan ayaa xalay ku toogtay degmada Jariiban ee gobolka Mudug, Taliyihii Booliska Jariiban G/lle Guuleed Kadleeye. Alle ha u naxariistee marxuum Guuleed Kadleeye ayaa dhowaanahan hoggaaminayay howlgallo culus oo ka dhan ah kooxo Burcad-badeed ah iyo maleeshiyaad kale oo hubeysan oo falal amni darro ka geysanayay degmada Jariiban. War kasoo baxay Taliska Qeybta Booliska gobolka Mudug ayaa lagu xaqiijiyay geerida Taliye Guuleed. Taliska ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen Ibraahim Axmed Kooshin oo ku eedeeysan dilka Taliyaha. “Taliska Qaybta Booliska Gobolka Mudug ayaa xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay eedeysanaha lagu magacaabo Ibraahim Axmed Kooshin, kaas oo lagu eedeeyay…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa beeniyay in dowladdiisu ay canshuur kordhin ku sameysay ganacsatada badeecaddaha kala dega dekedda magaalada Boosaaso. Shir jaraa’id oo uu qabtay Madaxweyne Deni, ayuu si faahfaansan uga hadlay marxaladaha ay soo martay dekedda Boosaaso iyo ballaarinta lagu sameeyay, isagoo xusay in hadda la gali doono wajiga labaad ee ballaarinta, lana dhisi doono jambiyo cusub oo waa weyn oo ay dekeddu yeelato. Siciid Deni ayaa sheegay in aysan jirin canshuur lagu kordhiyay badeecaddaha dekedda ka dega, balse lasoo siyaadiyay oo kaliya khidmad yar oo laga qaadayo maraakiibta Dekedda kusoo xirata, si loo dardargeliyo dadaallada dib…

Read More

Dowladda Puntland ayaa ku guuleysatay loollan adag oo taabanayay amniga Puntland, kaas oo ay la gashay bilihii u dambeeyay maamulka Xassan Shiikh ee muddo-dhaafka ku jooga Xafiiska. Madaxweyne Siciid Deni ayaa qaaday tallaabooyin looga jawaabayay maleeshiyaad hubeysan oo loo diiwaangeliyay hab iyqabiil, kuwaas oo qorshahoodu ahaa in ay fuliyaan falal amni darro, oo halis gelinayo ammaanka deegaanka, si loo fashiliyo dagaallada lagula jiro argagixisada. Maleeshiyaadkan oo ay abaabulkooda lacago kooban kusoo qaateen siyaasiyiin u badan kooxda Aaran-Jaan, oo barakac ku jooga Muqdisho – ayaa qorshahoodu fashilmay kaddib go’aano amni oo kasoo baxay Gollaha Wasiirada Puntland. Go’aanada ayaa lagu joojiyay in…

Read More

Ugu yaraan Shan Kun oo qoys oo Reer Miyi ah, kana soo barakacay deegaanada Galmudug ayaa soo gaaray dhulka daaqsinka ah ee deegaanada gobolka Mudug ee Puntland. Dadkan Reer miyiga ah ayaa kasoo cararay abaaraha ragaadiyay deegaano badan oo katirsan gobollada Mudug iyo Galgaduud. Maamulka degmada Bursaalax iyo dadka shacabka ah ayaa si weyn u soo dhaweeyay dadkan Reer guuraaga ah, waxaana loo sameeyay Biyo dhaamin iyo raashin. IDILNEWS

Read More

Sidda ku cad ๐Œ๐€๐ (Khariirad) lagu muujiyay warbixin kasoo baxday, Midowga Yurub ayaa u aqoonsan deegaanada Sool Bari ee xaruntoodu tahay Laascaanood ‘Aag halis ah’ oo aysan maamulin Puntland iyo Somaliland, gacantana ugu jiro maleeshiyaad hubeysan. Sidoo kale, gobolka Sanaag ayaa Khariirada lagu caddeeyay in ay u kala qeybsan yahay labo dhinac, ayna kala maamulaan Puntland iyo Somaliland. Halka deegaanada Koonfurta lagu muujiyay Khariirada in badi ay gacanta ugu jiraan kooxda argagaxisada ah ee Al-Shabaab. Tan ayaa ah xaqiiqada dhabta ah ee Caalamku ka aaminsan yahay Soomaaliya, iyadoo hoggaamiyayaasha Koonfurtu Soomaalidu ka fog yihiin waaqaca. IDILNEWS

Read More

Hayโ€™adda Economist Intelligence Unit (EIU) – ayaa soo saartay warbixin sanadle ah oo ay kusoo bandhigtay Tusmada Tayada Nolosha Magaalooyinka Adduunka ee 2026, iyadoo magaalada Copenhagen ee dalka Denmark u aqoonsatay magaalada ugu nolol wanaagsan adduunka sannadka 2026. Qiimeyntan waxaa lagu sameeyey 173 magaalo, iyadoo lagu salaynayo shan qodob oo waaweyn: * Amniga iyo xasilloonida * Adeegyada caafimaadka * Waxbarashada * Kaabeyaasha iyo adeegyada guud * Dhaqanka iyo deegaanka 10-ka Magaalo ee Ugu Nolol Wanaagsan Adduunka (2026): 1. Copenhagen โ€“ Denmark 2. Vienna โ€“ Austria 3. Melbourne โ€“ Australia 4. Sydney โ€“ Australia 5. Zurich โ€“ Switzerland 6. Geneva โ€“…

Read More

Puntland: Taariikhda Dhismaheeda, Sababihii Keenay iyo Himiladii Soomaaliyeed Hordhac Puntland waa mid ka mid ah maamullada ugu faca weyn Soomaaliyada casriga ah, waxaana lagu aas-aasay xaalad adag oo ay dalka Soomaaliya ka jireen dagaallo sokeeye, burbur dowladeed iyo kala dambayn la’aan ka dhalatay dhacdadii 1991. Hase yeeshee, dhismaha Puntland ma ahayn mashruuc gooni-u-goosad ah, balse wuxuu ahaa dadaal ay hormuud ka ahaayeen isimada dhaqanka, siyaasiyiinta iyo waxgaradka bulshada si loo badbaadiyo nabadda, loo ilaaliyo midnimada ummadda Soomaaliyeed, loona abuuro maamul ku-meel-gaar ah oo horseeda dib-u-dhiska qaranka Soomaaliyeed. Xaaladdii Soomaaliya Ka Jirtay Kadib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991, waxaa…

Read More

Qoraal uu qoray Xildhibaan Xareed Xassan, oo kamid ah Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland – ayuu kaga hadlay shaqsiyada Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole. Waxaana uu ku sifeeyay ilaah yaqaan dal iyo dad jecel, lehna saaxiibtinimo. Hoos ka akhriso qoraalka Xildhibaan Xareed Xassan. Waxaan Bartey Senoter Faroole Madaxweynihii 4 Ee Puntland 1999. Shirkii Carta Djabouti Soomaali Loogu Yagleelay Dowladnimadda Maanta Lagu Ciyaarayo Oo Rag Aan Geed Usoo Marin Oo Guryahooda Joogay Ay Maanta Burburinayaan Senoter Faroole Wuxuu Ka Mid Ahaa Guddiyaddii Ugu Muhiimsanaa Ee Shirkaas. Wuxuu Kale Oo Ka Qayb Qaatay Shirkii Eldoret 2002 Lagu Qabtay, Dabadeed Waxaa Loo…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo ay weheliyaan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Saciid iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre Mudane Xasan Yusuf Nuur, ayaa furay Shirweynaha xoojinta wadashaqeynta iyo maamul daadajinta Hayโ€™adaha Dowladda Puntland. Shirkan oo ay ka wada qeybgelayaan Goleyaasha Dowladda Puntland, heerarka kala duwan ee Dowladda Puntland illaa heer degmo iyo Ciidanka Booliiska Puntland, ayaa looga hadlayaa sidii loo dardargelin lahaa maamul daadajinta iyo horumarinta wadashaqeynta Hayโ€™adaha Dowladda Puntland. Hanti-dhowrka Guud, Wasaaradaha, Taliska Ciidanka Booliiska iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka Puntland ayaa madasha kusoo bandhigay heerka wadashaqeynta Dowladda iyo horumarada laga sameeyay dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha ,…

Read More

Guddiga Nabad-galyada gobolka Nugaal ayaa soo saaray go’aano taabanaya xoojinta Amniga gobolka, kaddib Shir ka dhacay xarunta gobolka ee magaalada Garoowe. Guddiga ayaa iska raacay saddex qodob, kuwaas oo kala ah; 1. Guddigu wuxuu iska xogwaraystay Guud ahaan Amniga Gobolka Nugaal 2. Waxaa Lamnuucay Basaska Sariirta kore dhalinyarada ku qaada. 3. Guddigu wuxuu isla qaatay dadka ka shaqeeya birqalaxda sida sharcidarada ahna ugu shaqaysta in wax laga qabto. IDILNEWS

Read More

Dowladdaha Puntland iyo Jubbaland ayaa iska diidday ka qeyb noqoshada kulamo ka socda Muqdisho, kaas oo u dhexeeya xubnaha mucaaradka ee kasoo jeeda Muqdisho iyo saraakiil sirdoon oo ka socda Turkiga. Idilnews ayaa xaqiijisay in Wakiillada Puntland iyo Jubbaland iska diideen ka qeybgalka wada-hadallada iyo in loo isticmaalo magaca kulamada ‘mid u dhexeeya Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed iyo Turkiga. Turkiga ayaa loo arka in uusan dhexdhexaad ka noqon karin dooddaha masiiriga ee hadda ka dhex jira Soomaaliya, maadama uu taageero siinayo, lana safan maamulka Xassan Shiikh ee waqtigiisu dhammaaday. Puntland iyo Jubbaland ayaa joogi doona fadhiga khamiista ee u dhexeeya Madasha…

Read More

Eng. Abdi Ali Barkad Hargeisa, Somaliland As Somalia approaches the end of 2026, the country stands at a critical crossroads. For nearly two decades, the survival and security of the Federal Government of Somalia have depended heavily on international political, military, and financial support. The presence of African peace-support forces, together with assistance from the United States, the European Union, and other international partners, has played a significant role in protecting key government institutions and maintaining a degree of stability in major urban centers. However, the planned reduction and eventual transition of international security support raises serious questions about Somaliaโ€™s…

Read More

Warbixin uu daabacay machadka Arrimaha Dibedda ee dalka Itoobiya (IFA) ayaa lagu sheegay in doodda Somaliland ee aqoonsiga dalnimo uu ka gudbay miisaska caalamiga ah, lana aaday aqoonsi ku dhisan iskaashi Amni, dhaqaale iyo dublamaasiyadeed. IFA ayaa sheegay in amni darrada ka jirta Badda Cas ay u soo jiiday Somaliland quwado waa weyn, maadama Dekedda Berber ay dhacdo aag muhiim u ah nabadgelyada Badda Cas. Itoobiya ayuu machadka IFA ugu yeeray inay hirgaliso heshiiskii Somaliland, kaas oo dhigayay in Itoobiya gaarto Biyaha Somaliland, waxaana uu intaa ku daray in doodda DFS ee fadhigeedu yahay Muqdisho uusan ka helin masraxyada caalamiga…

Read More

Maleeshiyaad ka goostay jiida guumeys, kana soo jeeda Laascaanood (Beesha Dhulbahante) ayaa isku dhiibay Taliska Ciidamada Milateriga Somaliland. Raggan oo ah labo, watana Hal gaari oo dagaal ayaa ka baxay aagga sarinta Guumeys – ayaa xiriir la sameystay Taliska Ciidamada Somaliland, waxaana loo sameeyay soo dhaweyn. “Ciidanka Qaranku si wacan ayay ii soo dhaweeyeen, shacabkeyga aan ka imid waxaan ugu baaqayaa in Qarankooda ay dib ugu soo laabtaan” ayuu yiri mid kamid ah Askarta u goosatay Somaliland oo la hadlay Warbaahinta. Saraakiisha Taliska Oog ee Somaliland ayaa sheegay in Askartan ay u yimaadeen ciidamadooda, ayna soo dhaweynayaan, waxaana ay muujiyeen…

Read More

Maamulka muddo dhaafka ah ee uu hoggaaminayo Xassan Shiikh Maxamuud – ayaa xisbi siyaasadeed u aqoonsaday kooxda argagaxisada ah ee Al-Shabaab. Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda muddo dhaafka, Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in dalka (Koonfurta Soomaaliya) ay isku haystaan xisbiga Xassan Shiikh JSP iyo kooxda Al-Shabaab. “Labada xisbi ee isku heysta Dalka waa Al-Shabaab iyo JSP, inta kale waa rootiโ€ ayuu yiri Fiqi. Tan ayaa dood adag ka dhalisay baraha bulshada – iyadoo u muuqata halis Qaran oo Soomaaliya kusoo food leh. Xubno maamulka Xassan Shiikh katirsan ayaa horrey si bareer ah u muujiyay in Al-Shabaab u yaqaanaan urur siyaasadeed, iyagoo…

Read More

Wareegto kasoo baxday Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa xilkii looga qaaday Agaasimihii Guud ee Hay’adda Forensic Science ee Puntland Cabdirashiid Maxamed Shire. Hoos ka akhriso Wareegtada Madaxweyne Deni. XEER MADAXWEYNE LR. 20 โ€“ 6-da LUULYO 2026 KUNA SAABSAN XIL-KA-QAADISTA AGAASIMAHA GUUD EE HAYโ€™ADDA FORENSIC SAYNISKA PUNTLAND. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland, Qodobkiisa 80-aad. Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dardargelinta, dib-u-habeynta iyo tayeynta maamulka Hayโ€™adda Forensic Sayniska Puntland. Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland. Wuxuu xeeriyey: – 1. Waxaa Cabdirashiid Maxamed Shire laga qaaday xilkii Agaasimaha Hayโ€™adda Forensic Sayniska Puntland 2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa…

Read More

Diyaaradaha F-16 ee Turkey ayaa dul heehaabaya magaalada Baydhabo, halkaas oo uu ka degay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday ee DFS Xassan Shiikh Maxamuud iyo xubno kale oo maamulkiisa ah. Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaha Turkey ay duqeymo hadda ka geysteen hareeraha Baydhabo, iyadoo aan la ogeyn cidda la beegsaday, maadama magaalada ay hareer joogaan ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed oo hadda ka Amar qaata Cabdicasiis Laftagareen iyo Kooxda Al-Shabaab oo iyana duljoogta Baydhabo. Xassan Shiikh ayaa u tagay Baydhabo ka qeybgalka xaflad uu ku caleema-saarayo Aadan Madoobe, oo ay u doorteen Madaxweynaha Koonfur Galbeed, kaas oo hadda wajahaya culeys siyaasadeed iyo mid…

Read More

Dowladda Puntland ayaa uga digtay shirkaddaha shisheeye in aysan ka fulin karin biyaha deegaanadeeda howlgallo, sida maalgashiga kalluumeysiga, ilaalinta xeebaha ama howlo kale, iyagoo oggolaansho ka haysan Dowladda Puntland. War-saxafadeed kasoo baxay Dowladda Puntland ayaa si gaar ah looga digay shirkadda SOMTURK oo heshiis kula jirta DFS ee fadhigeedu yahay Muqdisho, in aysan xeebaha Puntland ka sameyn karin wax howlgallo ah. “Dowladda Puntland waxay mar kale adkaynaysaa go’aankeeda ku saleysan Dastuurka, kaas oo dhigaya in aysan jirikarin shirkad gaar loo leeyahay ama hay’ado shisheeye, oo ay ku jirto SOMTURK, oo ka fulin karta biyaha Puntland hawl-galo, sida maalgashiga kalluumeysiga, ilaalinta…

Read More

Gollaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Africa oo kulan degdeg ah yeeshay ayaa walaac ka muujiyay khatar weyn ee ka dhalanaysa go’aanka Mareykanku ku joojiyay taageerada dhaqaale ee uu siinayay howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee ciidamada Midowga Africa. Midowga Africa ayaa sheegay in talaabadan ay halis galinayso nabadda gobolka, sidoo kalena xoojinayso awooddo kooxda argagaxisada ah ee Al-Shabaab. Xubnaha ayaa xusay in tani sababi karto in gacanta Al-Shabaab ay ku dhacaan magaalooyin waa weyn oo ku jira gacanta ciidamada Midowga Africa, ayna go’i karaan jidad muhiim u ah isu socodka saadka iyo sahayda milateri. Gollaha Amniga AU ayaa soo jeediyay…

Read More

Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa ka jawaabay weerar afka ah oo uu habeeno kahor ku qaaday Madaxweynaha xafiiska jooga Cabdiraxmaan Cirro, kaas oo ahaa in uu kasoo horjeedo ictiraafka Somaliland ka heshay Israa’iil. Biixi oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook, ayaa sheegay in uusan marnaba dhihin intii uu xafiiska joogay, waxaan ictiraaf ka helnay dalalka Itoobiya iyo Guinea. Biixi ayaa intaa ku daray in Somaliland doonayso ictiraaf balse uu ka yimid meel aysan filayn oo uu ula jeedo Israa’iil. Hoos ka akhriso qoraalka Muuse Biixi. Madaxweyne cirro ayaa shirkii golaha dhexe ee xisbigiisa weedho iiga soo gubiyay,…

Read More

Maamulka gobolka Mudug oo mamnuucay in shirarka siyaasadded ee aan haysan fasaxa rasmiga ah ee maamulka gobolka. Qoraal kasoo baxay Guddoomiyaha gobolka Mudug ayaa lagu faray Taliyayaasha Booliska iyo Hay’adda Sirdoonka iyo Guddoomiyayaasha degmooyinka gobolka Mudug: 1. In Shir siyaasadeed oo aan fasaxa looga haysan maamulka gobolka Mudug aan lagu qaban karin Hoteelada iyo meelaha kaleba. 2. In ciddii ka hor timaada meelmarinta amarka talaabo sharciga waafaqsan laga qaado. Sidoo kale, Guddoomiyaha gobolka Mudug ayaa faray Hoteelada ku yaala degmooyinka gobolka in aan lagu qaban karin shirar siyaasadeed oo aan fasax ka haysan maamulka gobolka. IDILNEWS

Read More

Warbixin kasoo baxday Hay’adda Xasaradaha Adduunka ee (International Crisis Group) ayaa lagu sheegay in DFS ee fadhigeedu yahay Muqdisho iyo Kooxda argagaxisada ah ee Al-Shabaab ay isku awooddo noqdeen, uuna ku guuldareystay maamulka Xassan Shiikh in uu horu socod ka sameeyo dagaalka Al-Shabaab. International Crisis Group ayaa xustay in DFS iyo Al-Shabaab ay isku barbar dhaceen, uusana jirin dhinac faa’ido ka sameeyay dagaalladii dhacay ee ku bilowday kacdoonkii Beesha Xawaadle. Waxay sheegtay in Al-Shabaab dib u qabsatay deegaano badan, ayna burbureen ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka macawisleyda. Hay’adda Xasaradaha Adduunka ayaa soo jeedisay in Soomaaliya ay gasho doorasho, kaddibna la aado…

Read More

Gollaha Wasiirada Somaliland oo yeeshay kulan aan caadi ahayn ayaa meelmariyay heshiiskii Somaliland iyo Israa’iil ay ku gaareen Qudus, kaddib socdaalkii waftiga Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro uu tagay Israa’iil. Shirka Gollaha Wasiirada ayaa Madaxweyne Cirro ka hor akhriyay Baaqa wadajirka ah ee Iskaashiga Somaliland iyo Israa’iil, iyadoo intaa kaddib la galiyay cod gacan taag ah. Wasiirada ayaa si aqlabiyad leh ku ansixiyay baaqa heshikska labada dhinac oo taabanaya dhinacyada Amniga, dublamaasiyadda iyo Dhaqaalaha, sida lagu sheegay war-saa xaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland. “Madaxweynuhu waxa uu iftiimiyey guulaha diblomaasiyadeed, iskaashiga istaraatiijiga ah iyo fursadaha cusub ee safarkaasi u horseeday Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaasi…

Read More

Recent political and security developments in Somalia indicate a significant shift in regional power dynamics that deserves closer attention from policymakers in Addis Ababa and across the Horn of Africa. Ethiopia, which has historically been one of the most influential actors in Somali affairs, appears to be facing growing challenges in maintaining its strategic position within Somaliaโ€™s evolving political landscape. Particularly concerning is the situation surrounding two of Somaliaโ€™s Federal Member States: Puntland and South-West State. These regions have traditionally maintained varying degrees of political autonomy and have served as important partners for neighboring countries, including Ethiopia. However, current political…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa si adag uga hadlay war maalmo kahor kasoo yeeray Ra’iisul Wasaaraha maamulka gabalkiisu dhacay ee Xassan Shiikh. Xamze Cabdi Barre ayaa ku tilmaamay dadka Reer Puntland ‘kuwo cuqdadeysan’ oo ka xun dadka Reer Waqooyi (Somaliland). Waxaana uu sheegay in xumaan iyo shisheeye-nimo ay kula dhex jiraan Soomaalida. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in hadalka Xamze uusan ahayn aragti isagu qabo, balse uu yahay hadal uu u soo dhiibay odayga uu wiilka u yahay (Xassan Shiikh), isagoo intaa ku daray in farriinta Xassan soo gaartay, ayna fahmayaan. Siciid Deni ayaa u sheegay Xassan Shiikh dharaaro…

Read More

Booliska Dowladda Puntland ayaa xoojiyay Amniga deegaanada Puntland, gaar ahaan xuduudka gobolka Nugaal uu la wadaaga Sool Bari, oo uu Boqollaal kamid ah Booliska sida Milateriga u tababaran ayaa la howlgaliyay, kuwaas oo gaaf wareegaya deegaanada iyo waddooyinka ka baxsan laamiga weyn. Ciidamada ayaa baadi goobaya hub u badan rasaas oo maalmo kahor sia isxig-xigta looga dajiyay magaalada Laascaanood, si loosoo galiyo caasimadda Puntland ee Garoowe, gacantana loogu geliyo maleeshiyaadka uu hoggaamiyahoodu baxsadka yahay ee degan xerada Ligligle. Maleeshiyaadka Jimcaale ayaa iyaga laga joojiyay in ay gaadiid ciidan kala soo baxaan xerada ay joogaan, waxaana soo food saaray cabsi la…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta kulan la qaatay madaxda hayโ€™adaha Garsoorka Dowladda, kuwaas oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland, Garyaqaan Xasan Yuusuf Nuur. Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda, Dastuurka, Arrimaha Diinta Cabdirashiid Barkhadle Warsame, Guddoomiye Ku-xigeenka Maxkamadda Sare, Axmed Shiikh Cumar Xasan, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dowladda Axmed Yuusuf Taaraan, Guddiga sare ee Garsoorka, Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Racfaanka ee gobolada, guddoomiyayaasha Maxkamadaha Darajada Koowaad ee degmooyinka iyo xeer-ilaalayaasha gobolada Puntland. Ujeeddada kulanka ayaa ahayd horumarinta hayโ€™adaha Garsoorka iyo dardargelinta…

Read More

The US has reaffirmed โ€œthe sovereignty and territorial integrityโ€ of Somalia, in a move seen as a blow to Somaliland, the breakaway region recently recognised by Israel and close to the United Arab Emirates. In a report to Congress on โ€œPotential Areas for Improved United States Engagement with Somalilandโ€, the US State Department stated that Somaliland was included in the Federal Republic of Somalia. โ€œWithin that framework, the United States maintains a positive, constructive relationship with Somaliland and continues to explore additional opportunities for engagement with Somaliland authorities,โ€ the report says. Israel became the first country in the world to…

Read More

Wafti ka socda Dowladda Puntland ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, iyagoo kulamo la yeelanaya qeynaha kala duwan ee bulshada, booqana doona degmooyinka iyo deegaanada Mudug. Waftigan oo ah Wasiiro ayaa bixitaankoodu yimid kaddib markii kulankii khamiistii ee Gollaha Wasiirada lagu go’aamiyay in Wasiiradu aadaan gobollada kala duwan ee Puntland, lana kulmaan bulshada, iyagoo la yeelanaya is xog-wareysi. Marka kulamadu soo dhammaadaan wasiirada ayaa dib ugu soo laaban doono Garoowe, si ay warbixino ugu soo gudbiyaan Gollaha, iyadoo intaa kaddib la qaadi doono tallaabooyin wax looga qabanayo baahiyaha ay soo gudbiyeen ee ka jira gobollada ka duwan ee…

Read More

War-saxafadeed kasoo baxay Taliska Qeybta Booliska gobolka Nugaal ayaa lagu beeniyay wararka been abuurka ah ee lagu faafiyay baraha bulshada ee la xiriira Ammaanka caasimadda Puntland ee Garoowe. Taliska Booliska Nugaal ayaa xusay in Garoowe uu ka jiro Amni buuxa iyo xasilooni. Hoos ka akhriso War-saxafadeedka kasoo baxay Taliska Qeybta Booliska Nugaal. Warsaxaafadeed Ku-simaha Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal ahna Taliye Ku-xigeenka Qaybta, G/dhexe Ayax Jamal Axmed, ayaa bulshada ku nool caasimadda Garoowe iyo guud ahaan Gobolka Nugaal u caddeeyay in aysan jirin wax xasilooni darro ah oo ka soo cusboonaatay degmada Garoowe, isla markaana amniga iyo xasiloonida gobolku ay…

Read More