Author: Jibril Qoobey

Dowladda Puntland ayaa sheegtay in maamulka Galmudug ay ka doonayso in uu kusoo wareejiyo Rag dil u geystay nin ganacsade ah oo kasoo jeeda degmada Towfiiq ee gobolka Mudug. Ragga dilka geystay oo u dhashay Beesha Shiikhaal, ayaa u baxsaday koonfurta Gaalkacyo oo ka arrimiyo maamulka Galmudug. Taliyaha Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland, Gen. Aadan Cabdi Xaashi ayaa ku eedeeyay Raggan dilka fuliyay in ay doonayaan inay carqaladeeyaan gogosha nabaddeed ee uu bilo kahor fidiyay Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, si loo soo afjaro colaada beelaha Dir iyo Shiikhaal. Gen. Aadan Xaashi ayaa sheegay in maamulka Galmudug kala hadleen soo…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa qaabilay Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Zambia, Mudane Cali Cabdi Firin iyo Mudane Faarax Muuse Ismaaciil oo ka mid ah Jaaliyadda Zambia . Kulanka waxaa ka qeybgalay Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane iyo Wakiilka Puntland ee Kenya Mudane Maxamed Axmed (Fagalade). IDILNEWS

Read More

Ciidamo ka Amar qaata maamulka Hassan Sheikh Mohamud oo ku wajahnaa degmada Buurhakaba oo maalmo kahor ay qabsadeen Ciidanka Abdiaziz Laftagareen ayaa la kulmay mowjad duqeymo ah. Duqeynta oo ay fuliyeen diyaarado dagaal ayaa dhacday xilli Ciidanka Xassan Shiikh kasoo baxeen saldhiga Balli-doogle, waxaana ay sababtay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaartay Ciidamada. Sidda aan ogaanay duqeynta kaddib ciidamada maamulka waqtigiisu dhammaaday ee Xassan Shiikh, ayaa dib ugu laabtay saldhiga Balli-doogle. Ma jirto cid ilaa hadda sheegatay duqeynta, waxaana ay kusoo beegmaysa xilli maamulka Xassan Shiikh oo kaashanaya diyaaradaha F-16 ee Turkey ay duqeymo la beegsadeen marar…

Read More

Ciidamada maamulka Laftagareen iyo kuwa Xassan Shiikh Maxamuud uu geeyay Baydhabo, si ay u difaacaan Aadan Madoobe ayaa maanta ku dagaalamay duleedka magaalada Baydhabo. Dagaalka oo bilowday aroornimadii hore ayaa socday saacado badan, iyadoo uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka Xassan Shiikh dib looga soo riixay difaacyo ay ka sameysteen duleedka Baydhabo. Ciidanka maamulka Laftagareen ee dibad jooga ah ayaa in kabadan 4 jeer gudaha u galay Baydhabo, iyagoo la wareegay hub fara-badan oo la geeyay Baydhabo. 10 maalmood ee u dambeeyay Ciidanka Laftagareen ayaa qabsaday ilaa 5 degmo oo katirsan gobollada…

Read More

Mudane Guddoomiye, Mudenayaal iyo Marwooyin: Waxaa Sharaf weyn ii ah in aan maanta idin hor imaado si aan idin kaga warbixiyo xaaladda guud ee Puntland iyo waxqabadkii iyo guulaha ay gaartay Xukuumadu muddadii u dhaxeysay labada Kal fadhi ee bilihii June ilaa October 24, 2026, sidoo Kalena aan idinla wadaago meesha ay marayso xaaladda guud ee Soomaaliya. Muddadii labada Kal-fadhi u dhexeysay waxaa inoo qabsoomay Shaqooyin badan oo isugu jira dhinacyada, Amniga, Siyaasadda, Garsoorka, Nabadeynta, Arrimaha Bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha kuwaasi oo dhammaan si faahfaasan ugu cad Buugga Wax-qabadka Dowladda ee la idiin qeybiyey. Allaah ayaa mahadleh, oo ina siiyey…

Read More

Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Mudane Cabdiweli Jibriil Bayle, ayaa soo saaray amar mamnuucaya in magaalooyinka dhexdooda lagu qaato hub, iyadoo la xoojinayo amniga iyo nabadgelyada guud ee bulshada. ‎Amarkan ayaa ku saleysan sharciga Nabadgelyada Guud ee Lambar 1, oo soo baxay 23-kii Janaayo 2000, waxaana fulintiisa loo xilsaaray Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Mudug iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka. ‎ ‎Maamulka Gobolku waxa uu ugu baaqayaa dhammaan bulshada inay u hoggaansamaan amarkan, si loo xaqiijiyo amniga, xasilloonida iyo nabadgelyada guud ee gobolka. -Dhamaad- ‎ IDILNEWS

Read More

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa dhammaadka bishan October ku wajahan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Ujeedada socdaalka Madaxweyne Deni ayaa la xiriira kormeerka iyo dardargelinta mashruuca biyo saarka Gaalkacyo iyo dhagax dhiga mashaariic horumarineed oo uu kamid yahay dib u dhiska garoona diyaaradaha Gaalkacyo. Dib u dhiska garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ayaa waxaa maalgelinaya ganacsato reer Puntland, iyadoo la filayo in marka uu dhammaado mashruuca dhismihiisa uu noqdo garoonka 3aad oo caalami ah oo ay yeelato Puntland, ayna si toos ah uga digaan duulimaadyada diyaaradaha caalamiga ah. Wafuud fara-badan oo isugu jira ganacsato, qurbajoog iyo xubno dowladdeed ayaa kusoo…

Read More

Qaar kamid ah xubnaha mucaaradka ee Muqdisho ayaa bilaabay in ay qorshe ka dhan ah Golaha Mustaqbalka, iyagoo in bannaanka laga dhigo shirarka mucaaradka, maadama mabda’ahaan kala mideysnayn diidmadooda mashruuca doorasho ee Xassan Shiikh Maxamuud. Mucaaradka Muqdisho ayaa qaarkood maalmo kahor hambalyo u direen Liibaan Shuluq oo Xassan Shiikh geystay magaalada Dhuusa-mareeb, kana dhigtay Hoggaamiyaha maamulka Galmudug, iyadoo dadka doortay lagu sheegay xildhibaano kusoo baxay mashruuca doorasho ee qof iyo codka ah ee Xassan wato. Xubnaha foolaadka u ah mucaaradka Muqdisho ayaa soo jeediyay in kahor shirkooda Nairobi la kala hufo siyaasiyiinta qeybta ka ah Golaha, lagana saaro xubnaha baalmaray…

Read More

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa galabta dib ugu soo laabtay caasimadda Puntland ee Garoowe, kaddib 41 maalmood oo uu ku maqnaa dalalka Kenya, Imaaraatka Carabta iyo Itoobiya. Siciid Deni oo ay wehlinayaan xubno ku dhow oo dowladdiisa ah, ayaa kasoo amba-baxay caasimadda dalka Itoobiya oo kulamo kula yeeshay xubno sare oo katirsan Dowladda Itoobiya. 𝐃𝐞𝐧𝐢 𝐢𝐲𝐨 𝐥𝐚𝐛𝐨 𝐓𝐚𝐥𝐚𝐚𝐛𝐨 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐚 𝐬𝐮𝐠𝐚𝐲𝐨. Xukuumadda Madaxweyne Deni ayaa wajahaysa niyad jab ay qabaan badi bulshada deegaanka Puntland, taas oo ka dhalatay hoos u dhac ku yimid shaqooyinka hay’addaha dowladda, kaas oo dhashay xubnaha Dowladda ee jooga xafiisyada iyo duruufaha dhaqaale ee lasoo…

Read More

Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay: – 1. Amniga: Wasaaradda Amniga ayaa Golaha la wadaagtay Warbixinta todobaadlaha ah ee Amniga Guud ee Puntland oo meel wanaagsan maraya, iyadoo si gaar ah looga hadlay horumarinta hanaanka hubinta Amni ee Ajaaniibtu dalka kusoo galaan. 2. Garsoorka: Golaha ayaa boggaadiyey sida Hufnaanta leh ee ay kusoo dhammaatay Maxkamadii ka socotay Gaalkacyo ee lagu xukumay Kiiska Wiil yar oo muddo la’isku haystay, taasi oo si toos ah dacwada iyo go’aanka looga daawanayay Warbaahinta. Waxaana loo mahadceliyay…

Read More

Dowladda Puntland ayaa ku wareejisay Liibaan Tahliil iyo Xaliimo Yuusuf – Wiilkooda Maxamed Liibaan Tahliil, kaddib go’aankii Garsoorka Culimada ee soo baxay talaadadii. Maxamed Liibaan ayaa muddo ku jiray gacanta Hay’addaha Amniga Puntland, si gaar ah Ciidanka Asluubta ee Garoowe, iyadoo isku qabsigiisa ay ka dhalatay dhimashada 7 qof, iyo dhaawaca in kabadan 20 qof. Kiiska Maxamed Liibaan ayaa si weyn u qabsaday baraha bulshada todobaadkan, Garsoorka Culimada ee Dowladda Puntland u saaray ayaa ku kala saaray shareecada Islaamka labada nin ee isku haystay, iyagoo u xukumay Liibaan in uu yahay Aabbaha dhalay Maxamed. IDILNEWS

Read More

Dhaliil adag oo ku wajahan maamul-xumada, musuqmaasuqa la tuhunsan yahay iyo masuuliyad-darrada ka jirta hay’adaha dowladda Puntland Waxaa isa soo taraya walaaca bulshada Puntland ka qabto hab-maamulka qaar ka mid ah wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa-bannaan ee dowladda. Waxaa si gaar ah su’aalo loo iska weydiinayaa hufnaanta maaliyadeed, tayada adeegyada dadweynaha, kartida maamul ee masuuliyiinta iyo sababta ay u muuqato in aan si ku filan loola xisaabtamin dadka loo igmaday ilaalinta hantida iyo danaha shacabka. Dowladnimadu ma aha jaranjaro lagu gaaro taajirnimo shaqsiyeed; xilka dadweynuhuna ma aha fursad lagu dhisto hanti gaar ah iyadoo la dayacayo adeegii bulshada. Waxaa jira walaac…

Read More

Dhoofka dahabka ee deegaanada Puntland ayaa sare u kacay saddexdii sano ee u dambeysay, kaas oo intiisa badan sifo sharci ah uga baxa garoomada diyaaradaha iyo dekeddaha deegaanada Puntland. Baaris ay sameysay IdilNews, ayaa ku ogaanay in in kabadan 100 kiiloogaraam oo dahab ah (100 kg), ay todabaad kasta ka baxaan garoomada diyaaradaha iyo dekeddaha deegaanada Puntland, kuwaas oo loo dhoofiyo dalka Imaaraata Carabta. Garoonka diyaaradaha Boosaaso ayaa ah marinka ugu weyn ee uu ka dhoofo dahabka Puntland. Meelaha Dahabka laga qodo ayaa isugu jira deegaano katirsan Puntland iyo Somaliland. Dahabka ugu badan ayaana ka yimaada deegaanada Milxo iyo Mijiyahan…

Read More

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa la filayaa in maalmaha khamiista ama jimcaha ee todobaadkan dib ugu soo laabto caasimadda Puntland ee Garoowe, kaddib safar qaatay in kabadan bil oo uu ku tagay dalalka Kenya, Imaaraatka Carabta iyo Itoobiya. Sida ay heshay IdilNewa, Madaxweyne Deni ayaa qorsheynaya in soo laabashadiisa kaddib uu magacaabis sameyn doono, isagoo xilalka ka qaadaya Agaasimayaal, Agaasime waaxeedyo iyo xubno kale oo katirsan dowladdiisa. Akhriso Agaasimayaasha iyo Agaasime waaxeedyada uu Madaxweyne Deni xilka ka qaadi doono. Agaasimayaasha ay ubadan tahay 80% in la badalo,waxay kala yihiin….. 1.Agaasimaha guud ee Wasarada Maaliyada. 2. Agaasimaha guud ee Wasaaradda…

Read More

Maamulka Cabdicaziiz Laftagareen ayaa deeq raashin ah u qeybiyay dadka danyarta ah ee kunool degmada Diinsoor ee gobolka Baay. Diinsoor ayaa maalmo kahor ay qabsadeen Ciidamada Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed ee uu hoggaamiyo Cabdicaziiz Laftagareen oo bilo kahor laga qabsaday Baydhabo, lagana dhisay maamul uu hoggaaminayo Aadan Madoobe oo taabacsan Xassan Shiikh Maxamuud. 10kii maalmood ee u dambeeyay Ciidanka Laftagareen ayaa qabsaday ilaa 5 degmo oo katirsan gobollada Baay iyo Bakool, iyagoo kala wareegay Ciidanka maamulka Muqdisho ee Xassan Shiikh ee duullaanka ku yimid deegaanada Koonfur Galbeed. Dadka deegaanka ayaa aad u diidan maamulka Aadan Madoobe ee Xassan Shiikh dhisay,…

Read More

Duqa caasimadda Puntland ee Garoowe, Cabdulqaadir Axmed Tuure (Geeddi), ayaa uga qeybalay magaalada Vienna ee dalka Austria shirka sannadlaha ah ee Madasha Maayarada Magaalooyinka oo ay ka qaybgalayaan Maayaro ka kala yimid magaalooyin badan oo ku yaalla Latin America, Yurub iyo Afrika. Shirka ayaa sanadkan diirada lagu saarayaa xoojinta iskaashiga iyo horumarinta magaalooyinka, sida uu sheegay Duqa Garoowe. “waxaan ku faraxsanahay inaan ka mid noqdo mayors-ka matalaya magaalooyinkooda kana qaybqaadanaya kulamadan muhiimka ah ee lagu xoojinayo iskaashiga iyo horumarinta magaalooyinka.” “Shirka waxaa lagu soo bandhigayaa waxqabadkii iyo guulihii ay magaalooyinku gaareen sannadkii lasoo dhaafay, iyadoo sidoo kale laga wada hadlayo…

Read More

Ciidanka Amniga Puntland oo howlgal ka fuliyay buuraleyda Galgala ayaa dilay labo xubnood oo katirsan kooxda Al-Shabaab. Xubnaha la dilay ee Al-Shabaab ayaa miinooyin ku aasayay agagaarka deegaanka Galgala, kuwaas oo mid kamid ah Talaadadii lala beegsaday Ciidamo katirsan Puntland. Ciidamada oo saacadihii lasoo dhaafay ku daba jiray Ragga ayaa saaka weerar ku qaaday, waxaana is rasaaseyn kaddib ay ciidamadu toogteen labada nin. Muuqaallo iyo Sawirro lagu faafiyay Warbaahinta Dowladda Puntland ayaa muujinayay meydadka labada nin oo yaala goobta lagu weeraray. Ciidamada Puntland ayaa isku diyaarinaya Howlgalka ONKOD ee buuraleyda Calmadow, kaas oo Madaxweyne Deni sheegay in lagu ciribtiri doono…

Read More

Dowladda Puntland ayaa kusoo dhaweysay Dekedda magaalada Boosaaso – Qoysas Yemeniyiin iyo Soomaali ah oo kasoo cararay colaada ka socota dalka Yemen. Dadka ayaa kasoo cararay dagaallada kasoo cusboonaaday Yemen, ee u dhexeeya Ciidamada Dowladda Yemen ee Sacuudigu taageero iyo kooxda Xuutiyiinta ee Iran taageerto. Doonta dadka sidday oo maalmo kahor kasoo baxday Yemen, ayaa saaka kusoo xiratay Dekedda Boosaaso. Xubno ka socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland iyo Hay’adda UNHCR ayaa dadka kaga hortagay Dekedda Boosaaso. Puntland ayaa sheegtay in loo diyaargaroobay soo dhaweynta dadka kasoo barakacay colaada Yemen. Horey, deegaanada Puntland waxaa ugu sugnaa kumanaan Yemeniyiin ah, kuwaas oo…

Read More

Ciidanka Puntland ayaa duqeymo ka fuliyay aroornimadii saaka buuraleyda Calmadow ee gobolka Sanaag, kuwaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad katirsan kooxda Al-Shabaab oo isku aruursanayay meel. Duqeynta oo loo adeegsaday diyaaradaha Drones-ka ee Ciidanka Amniga Puntland – ayaa lagu dilay xubno katirsan Al-Shabaab, sidda ay xaqiijiyeen saraakiil katirsan ciidanka Puntland. Waa duqeyntii u horreysay ee ay fuliyaan Ciidanka Puntland, iyadoo diyaaradaha Drones-ka ah ee loo adeegsaday ay dhowaan ka heshay Puntland saaxiibadeeda dibedda. Puntland ayaa isku diyaarinaysa howlgal milateri oo ay ku qaado buuraleyda Calmadow ee gobolka Sanaag, kaas oo la dhaho ONKOD. Bil kahor, Ciidamo katirsan PDF ayaa loo daabulay…

Read More

Guddiga garsoorka culimada ah ee gacanta ku hayay kiiska Wiil yar oo ay isku haysteen labo nin – ayaa maanta gaaray go’aanka kama dambeysta ah ee cidda dhashay Wiilka. Garsoorka culimada ayaa go’aamiyay in Liibaan Tahliil uu yahay aabbaha dhalay Wiilka, iyagoo ku dhawaaqay in hadda kaddib wiilka loogu yeeri doono ‘Maxamed Liibaan Tahliil’. Dhageysiga Kiiska oo saddex maalmood si toos ah loogala socday Warbaahinta ayaa waxaa kasoo muuqday Tobanaan qof, kuwaas oo ay ku jiraan Rag soo guursaday Hooyada dhashay Wiilka iyo ehellada labada Nin ee Wiilka isku haystay. Faarax Cawil oo ahaa dooddaha labaad ee Wiilka ayaa garsoorka…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa soo bandhigay khariirad muujinaysa dalalka ay Israa’iil la leedahay xiriirka wanaagsan iyo kuwa cadowga u ah, ee ay kula jirto loollanka adag. Khariirada ayaa waxaa kasoo muuqday Puntland oo ay Israa’iil u aqoonsan tahay saaxiib wanaagsan, oo uu ka dhexeeyo xiriir iyo iskaashi. 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐏𝐮𝐧𝐭𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐢𝐲𝐨 𝐈𝐬𝐫𝐚𝐚’𝐢𝐢𝐥. IdilNews ayaa baaris ku sameysay xiriirka u dhexeeya Puntland iyo Israa’iil, annagoo ogaanay in uu ku saleysan yahay iskaashi Amni, kaas oo soo socday in kabadan 5 sano. Puntland iyo Israa’iil ayaa si joogta ah isku dhaafsada xogaha amni ee dhanka sirdoonka, iyadoo tiro kabadan saddex jeer…

Read More

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa iska diiday in uu u socdaalo caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, oo uu ka qabsoomayo Shir ay isugu imaanayaan xubnaha Madasha Mustaqbalka Soomaaliyeed. Shirka oo ay tagi doonaan dhammaan xubnaha Gollaha Mustaqbalka ayaa looga hadli doonaan dhowr qodob oo la xiriira Shirka loo madlan yahay November ee la isugu keenayo maamulka waqtigiisu dhammaaday ee Xassan Shiikh iyo Madasha Mustaqbalka Soomaaliyeed. Idilnews ayaa heshay, in Siciid Deni oo hadda ka maqan gudaha Puntland, iska diiday tagista Shirka Nairobi, isagoo ka cudur daartay, una sheegay in jadwal ahaan uu buuxo, kuna noqonaya Puntland maalmaha, iyadoo ay…

Read More

Xassan Shiikh Maxamuud ayaa wajahaya walaac xooggan oo soo food saaray kaddib hadal maalmo kahor u jeediyay xubno katirsan maamulkiisa waqtigu ka idlaaday, kaas oo la xiriiray in uusan dhexda dhigi doonin tallada dalka, uuna qabsanayo doorasho qof iyo codka ah oo uu hobo 100% in isugu kusoo noqon doono. Sidda ay ogaatay Idilnews, in labo kamid ah dalalka gacanta kula jira galka arrimaha Soomaaliya ay gaarsiiyeen digniin ku aadan in laga qaadi doono tallaabo adag, oo uusan mahdin doonin cawaaqibka ka dhashay. Dalalka Ingariiska iyo Mareykanka ayaa uga digay Xassan Shiikh in uu sii wado qorsheyaasha halis gelinaya dowlad…

Read More

Dowladda Mareykanka ayaa uga digtay shacabkeeda iyo dublamayaasiyiinta dalkeeda in ay u safraan dalalka Barriga dhexe, sababo la xiriira arrimo amni. Safaaradaha Mareykanka ee dalalka Jordan, Lebanon, Qatar, Iran, Iraq, Israel, Bahrain, Oman, Saudi Arabia, UAE iyo Yemen – ayaa lagu sheegay in ay jirto khatar amni oo sarre, iyadoo loogu baaqay dadka Mareykanka in aysan u safrin. Digniinta Mareykanka ee 11 dal ee ku jira liiska digniinaha amniga ayaa muujinaysa in gobolka oo dhan uu ku jiro walaac iyo feejignaan xooggan. Tan ayaa ka dhigan in xiisada Barriga dhexe ay tahay mid si dhameystiran u saameysay dhammaan dalalka, ayna…

Read More

Duqa caasimadda Puntland ee Garoowe, Cabdulqaadir Axmed Cabdulqaadir Axmed Tuure (Geeddi) ayaa maanta u amba-baxay magaalada 𝐕𝐢𝐞𝐧𝐧𝐚, ee caasimadda dalka 𝐀𝐮𝐬𝐭𝐫𝐢𝐚. Maayar Geedd ayaa kaga qeybeli doona Vienna Shirka sanadlaha ah ee Maayarada Adduunka. Shirka ayaa sanadkan diirada lagu saari doonaa la-dagaallanka ganacsiga sharci-darrada ah iyo kheyraadka dabiiciga ah. Cabdulqaadir Geeddi ayaa sheegay in inta uu ku sugan yahay qaarada Yurub uu booqan doono dalal kala duwan, uuna kulamo la yeelan doono masuuliyiinta magaalooyin iyo kuwa hay’addeed oo ay is dhaafsan doonaan khibradaha la xiriira horumarinta magaalooyinka. IDILNEWS

Read More

Guddiga culimada ah ee garsoorka ah ayaa maaanta yeeshay fadhigii koowaad ee dhagaysiga dacwad la xiriirta wiil yar oo muddo la isku haystay, taas oo loo marayo habraaca Shareecada Islaamka si xal waafaqsan diinta loogu helo. Fadhiga dacwadda ayaa waxaa hor yimid garsoorka culimada dhammaan dhinacyada ay arrintu khusayso, oo ay ku jiraan labada dhinac ee dacwaddu dhex taallo, kuwaas oo iyaguna goob-joog ka ahaa fadhiga, hooyada wiilka iyo markhaatiyaasha meherka, si loo dhagaysto dhinacyada kala duwan ee dacwadda. ‎ ‎Dhagaysiga fadhigii koowaad ayaa maanta la soo gabagabeeyay, waxaana la go’aamiyay in berri dib la isugu yimaado si loo sii…

Read More

Roobab baaxad leh ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka da’ayay deegaanada Puntland, kuwaas oo sababay daadad waa weyn oo geystay waxyeelo. Sidda ay muujinayaan xogaha hordhaca ah Roobabka ayaa saameyn weyn ku yeeshay nolasha deegaanada qaar, daadad kusoo rogmaday deegaano dhaca gobollada Mudug iyo Nugaal ayaa sababay burbur hantiyeed, hakad ku yimid isu socodka gaadiidka iyo beeraleyda deegaanada Puntland oo dalagyo badan ku waayay. Shan habeen oo lasoo dhaafay Roobab xooggan oo da’ay ayaa keenay in Toggaga waa weyn ee deegaanku biyo keenaan, waxaana jiray gaadiid waa weyn oo ku rogmaday jid weyn ee xiriiriya gobollada dalka, gaar ahaan aaga gobolka…

Read More

Dowladda Itoobiya ayaa wada qorshe ay dib ugu xoojinayso xiriirka kala dhexeeya Somaliland, kaddib isbaheysigii lagu dhisay oo ay ku midoobeen dalalka Masar, Eritrea, Sudan iyo maamulka Muqdisho ee sita magaca Soomaaliya. IdilNews ayaa ogaatay in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali uu casuumaad u diray Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo labo khamiistii kusoo laabtay Hargeysa. Cabdiraxmaan Cirro ayaa maalmaha soo socda tagi doona Addis Ababa, iyadoo Itoobiya qorsheynayso in sarre loo qaado hannaanka soo dhaweyntiisa, lana gaarsiiyo in loo dhigo Roog cas, ayna garoonka ku qaabilaan xubno sarre oo katirsan maamulka Ra’iisul Wasaare Abiy. Wararka ayaa sheegaya in…

Read More

Waxaa maanta ka qabsoomay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug – Shirka Amniga ee gobolka Mudug, kaas oo ay ka qeybagaleen Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland iyo Guddoomiyaha Gobolka Mudug. ‎ ‎Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee amniga gobolka, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo maamulka gobolka, iyo sidii loo sii adkeyn lahaa nabadgelyada iyo xasilloonida bulshada. ‎ ‎Mas’uuliyiinta ka qaybgalay shirka ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay iskaashiga hay’adaha dowladda, feejignaanta ciidamada amniga iyo doorka bulshada ee ilaalinta nabadda iyo xasilloonida gobolka. ‎ ‎Maamulka Gobolka Mudug ayaa sii wada dadaallada lagu xaqiijinayo amni…

Read More

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, kaddib safar qaatay in kabadan 40 maalmood oo uu ugu maqnaa dalka dibeddiisa. Cabdiraxmaan Cirro iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa safarro shaqo ku tagay dalalka Mareykanka iyo Imaaraatka Carabta, isagoo kulamo la qaatay madax sarre oo katirsan labada dal. “Safarradan ayaa qayb ka ahaa dedaallada joogtada ah ee uu Madaxweynaha JSL ugu jiro xoojinta xidhiidhka diblomaasiyadeed, ballaadhinta iskaashiga caalamiga ah iyo horumarinta danaha istiraatiijiga ah ee uu leeyahay Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland” ayaa lagu yiri qoraal kooban ay baahisay Madaxtooyada Somaliland. Somaliland ayaa sheegtay in safarka Madaxweyne…

Read More

Ciidanka Badda Dowladda Puntland ee PMPF ayaa gacanta ku dhigay saddex doonyood oo sifo sharci darro ah uga Kalluumeysanayay xeebaha Bari ee Puntland, kuwaas lagu leeyahay dalka Iran, ayna saarnaayeen ilaa 60 shaqaale ah. Hoos ka akhriso War-saxafadeedka kasoo baxay Taliska Ciidanka Badda Puntland. Caluula, 14, Oct, 2026; Ciidamada Difaaca Puntland ee PMPF oo laba jibaaray hawlgallada badda ee lagu xaqiijinaayo Amniga ayaa gacanta ku dhigan 3-Doonyood oo si sharcidarro ah uga kalluumaysanaayey Xeebaha Puntland, kuwaas oo laga leeyahay dalka Iran 🇮🇷. Doonyahan ayaa lala qabtay in ka badan 60 qof oo ahaa shaqaalaha saddexda doonyood. Ciidamada PMPF ayaa doonyaha…

Read More

Madaxweynaha Mareykanka, Donald J. Trump ayaa sheegay in Somaliland tahay dal ka duwan Soomaaliya, xilli uu khudbad u jeedinayay saacado kahor kumanaan kamid ah taageerayaashiisa. Trump oo rabay in uu weerar afka ah ku qaado Soomaaliya ayaa yiri “Soomaaliya, ma aha Somaliland waa labo dal oo kala duwan”. Waxaa uu sheegay in dad badan ay jecel yihiin Somaliland, Trump ayaa soo jeediyay in magaca Somaliland si degdeg ah loo beddelo. Madaxweyne Trump ayaa dhaleeceeyay bulshada Soomaalida ee kunool gobolka Minnesota. Tan ayaa ka dhigan in uu Mira-dhalay dadaallada Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro iyo safarkii uu ku tagay dhowaan Washington, kaas…

Read More

Xildhibaanad Ilhan Omar, oo kamid ah Golaha Congress-ka Mareykanka ayaa qoraal ay ku baahisay boggeeda kaga jawaabtay warar sheegaya in saaka laamaha amniga ay gurigeeda galeen, iyagoo wata oggolaansho maxkamadeed. “Waan fiicanahay,” ayay ku bilowday qoraalkeeda, iyadoo tallaabadan ku tilmaantay isku day lagu beegsanayo dadka ay siyaasadda isku hayaan, laguna adeegsanayo hay’adaha federaalka ee fulinta sharciga dano siyaasadeed. Ilhan ayaa sheegtay in Madaxweyne Trump uu muddo toban sano ah ku waday been aan sal iyo raad lahayn iyo ololeyaal sumcad-dil ah. Waxay qoraalkeeda ku soo gabagabaysay: “La i aamusin maayo.” IDILNEWS

Read More

Inta la xaqiijiyay saddex ruux ayaa ku geeryooday, tiro intaa kabadana way ku dhaawacmeen weerar gantaalo ah oo Xuutiyiinta Yemen ku qaadeen garoonka diyaaradaha caasimadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Riyadh. Weerarka oo dhacay axadii – ayaa Boqortooyada Sacuudigu sheegtay in Xuutiyiintu la beegsadeen dad marayay garoonka diyaaradaha Riyadh, una yimid dalkeeda inay booqdaan Baydka alle, si ay u soo Cumraystaan. Saddexda qof oo ku dhimatay weerarka Xuutiyiinta ayaa kasoo kala jeeda dalalka Suuriya, Falastiin iyo Bangladesh, sidda ay warisay warbaahinta Sacuudi Carabiya. Sidaas oo kale, dhaawacyada ayaa kasoo kala jeedaan Dalal kale oo ka baxsan Sacuudi Carabiya. Boqortooyada Sacuudiga ayaa…

Read More

Ciidanka Booliska gobolka Nugaal ayaa gacanta ku dhigay Nin hubeysan oo maanta dil iyo dhaawac ka geystay bartamaha suuqa caasimadda Puntland ee Garoowe. Ninka ayaa rasaas ku furay bartamaha suuqa Garoowe, gaar ahaan meel biraha lagu tumo oo ku taal suuqa Inji, kaddib markii uu muran dhexmaray nin kale oo meesha ganacsi ku haystay. Waxaana ku geeryooday labo qof oo shacab ah, halka afar kalena ay ku dhaawacmeen. Kaddib dhacdada, Eedeeysanaha ayaa goobta ka baxsaday, waxaana howlgallo qaatay saacado oo ay sameeyeen ciidamada Booliska gobolka Nugaal suuragashay in la qabto dilaagan. Dhacdada ayaa maanta si weyn looga hadal-hayay gudaha Garoowe,…

Read More

Guddiga nabadgelyada gobolka Sanaag ayaa soo saaray awaamiir la xiriira Amniga gobolka, gaar ahaan degmada Badhan. Guddiga ayaa mamnuucay in hub sharci darro ah lagu dhex qaato magaalada Badhan, iyagoo sheegay in tallaabo laga qaadi doono cid kasta oo hub ku dhex qaadata magaalada. Sidoo kale, Guddiga nabadgelyada gobolka Sanaag ayaa joojiyay in gaadiid Taariko la,aan ah lagu dhex qaato magaalada Badhan, waxaana ay ugu baaqeen shacabka in lala shaqeeyo laamaha Ammaanka, loona hoggaansamo awaamiirta Dowladda Puntland. Go’aanka kasoo baxay Guddiga nabadgelyada gobolka Sanaag ayaa imaanaya xilli magaaladu Marti gelinayso dhowaan Shir lagu heshiisiinayo beelo walaalo ah oo ku dagaalamay…

Read More

Sagal Cabdi-Wali oo ah Gabar asal ahaan Soomaali ah ayaa kusoo baxday kursiga Xildhibaanimo ee dalka Ingariiska, iyadoo laga soo doortay Holborn and St Pancras. Sagal ayaa ka tartamaysay xisbiga Shaqaalaha ee UK (The Labour Party), waxaana kursiga ay ku guuleysatay horey ugu fadhiyay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Ingariiska Keir Starmer. IDILNEWS

Read More

Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay: – ◆Amniga: Wasaaradda Amniga ayaa Golaha la wadaagtay Warbixinta todobaadlaha ah ee Amniga Guud ee Puntland, Howlgalada lagu soo afjaray Burbad badeeda iyadoo todobaadkan magaalada Boosaaso lagu soo bandhigay Markabka HONOUR 25 oo laga soo furtay Burcad badeeda. ◆ Nabadeynta Golaha ayaa boggaadiyey sida ay u socoto howsha nabadeynta Beelaha Walaalaha ah ee ku diriray Gobolka Sanaag, go’aankii ay nabadeynta ku ogolaadeen Beelaha diriray, Gogosha Dhaqanku ku dhawaaqay iyo dadaalka ay Dowladda Puntland gelisay in nabadeyn…

Read More

Maamulka waqtigiisu dhammaaday ee Xassan Shiikh Maxamuud ayaa qorsheynaya in uu todobaadyada soo socda weeraro xubnaha mucaaradka ee ku sugan Muqdisho. Xubnaha la weerarayo ayaa waxaa kamid ah Madaxweynihii 7aad ee DFS, Shariif Shiikh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii ee XFS Xassan Cali Kheyre. IdilNewa ayaa ogaatay in bil kahor uu Xassan Shiikh u diray saraakiisha taabacsan diyaarinta qorshe lagu weerarayo Shariif Shiikh Axmed iyo Xassan Cali Kheyre, iyadoo hada lasoo gabagabeeyay diyaarinta qorshahaan. Madaxweyne hore Shariif Shiikh Axmed oo Shir jaraa’id xalay ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in ay heleen xog sheegaysa in uu weerar kusoo yahay Xassan Shiikh, iyadoo…

Read More

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in Madaxweynaha maamulka waqtigiisu dhammaaday ee Muqdisho, Hassan Sheikh Mohamud uu khiyaanay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali. Warbixin lagu daabacay warbaahinta ku hadasha Afka Dowladda Itoobiya (ENA) – ayaa sheegtay in Xassan Shiikh uu Abaal la,aan iyo khiyaano ku sameeyay Itoobiya, kaddib markii uu ku biiray isbaheysiga ka dhanka ah Itoobiya ee ay sameysteen Masar, Eritrea, Sudan iyo Koonfurta Soomaaliya. ENA ayaa sheegtay in Itoobiya ay sanado badan taageeraysay nabadeynta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya, ayna ciidamada Itoobiya naftooda u hureen dadka kunool Koonfurta Soomaaliya. Wakaalada ENA ayaa sheegtay in Xassan Shiikh uu doortay inuu ka soo…

Read More

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa soo saartay digniin la xiriirta cudurka Ebola, kaddib markii ay maanta Dowladda Kenya ku dhawaaqday inay diiwaangelisay kiiskii u horreeyay ee cudurka oo uu u geeryooday muwaadin Kenyaan ah. Sidoo kale, Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa soo saartay tilmaamaha ka hortagga cudurka Ebola. Hoos ka akhriso qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Puntland. WAR-SAXAAFADEED Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland oo xoojisay u-diyaargarowga cudurka Ebola 06-10-2026-Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, iyadoo ka duuleysa kiiska cusub ee cudurka Ebola ee maanta laga xaqiijiyey dalka Kenya, waajibaadka ka saaran ilaalinta caafimaadka bulshada iyo ka hortagga cudurrada faafa, waxay soo saartay war-saxaafadeedkan. Kenya…

Read More

Gollaha Bilicda Gaalkacyo ayaa wadda qorshe horumarineed oo lagu hagaajinayo bilicda magaalada, iyadoo lagu hirgelinayo isku-tashi dadweyne. Gollaha Bilicda ayaa maalmaha soo socda gelin doona magaalada in kabadan 100 Nal, oo ah wajiga kowaad ee mashruuc lagu iftiiminayo waddooyinka muhiimka ah ee Gaalkacyo. Sidoo kale, Gollaha ayaa ku xijin doona wajiga labaad oo ah ilaa 300 oo ah nalalka waa weyn, iyo dhir lagu beerayo hareeraha laamiga weyn ee Gaalkacyo. Sidaas oo kale, Gollaha Bilicda Gaalkacyo ayaa doonaya in ay hirgaliyaan aargo laga dhiso bartamaha magaalada iyo dhismaha Liberary iyo beer nasasho oo ay isticmaalaan Ardayad iyo bulshada kale ee…

Read More

Markabka MT Honour-25 ayaa maanta kusoo xirtay Dekedda magaalada Boosaaso, kaddib markii 29kii bishii September lagu soo furtay howlgal ballaaran oo sameeyeen Ciidanka Badda Puntland. In kabadan 5 bilood ayaa Markabka Honour-25 uu gacanta ugu jiray koox Burcad-badeed ah, oo afduubatay bishii April, waxaana intii ay haysteen ay dileen 5 kamid ah 17 shaqaale ah oo saarnaa Markabka. Ciidanka Badda Puntland ayaa inta ay wadeen howlgalka ay kusoo furteen Markabka gacanta ku dhigay in kabadan 15 kamid ah Burcad-badeedii haysatay, kuwaas oo loo taxaabay xabsiga, iyadoo Puntland qorsheynayso in horkeeno laamaha Cadaallada. Dowladda Puntland ayaa ku dhawaaqday in xeebaha Puntland…

Read More

Kenya ayaa ku dhawaaqday in ay diiwaangelisay kiiskii u horreeyay ee cudurka Ebola, kaas oo ah Virus faafa oo fara ba’an ku haya Dalal dhaca Barriga iyo bartamaha Africa. War-saxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Kenya ayaa lagu sheegay in qofka laga helay Virus-ka Ebola oo xalay geeryooday, uu yahay muwaadin Kenyaan ah, balse muddo dheer ku noolaa dalka DR Congo. “Bukaankan oo ah muwaadin Kenyan ah, oo ku noolaa DRC 7-dii sano ee la soo dhaafay ayaa xanuunsaday qiyaastii bil ka hor, waxaana lagu daaweeyay dhowr isbitaal isagoo weli ku sugan DRC. Wuxuu ka soo safray DRC una safray Kampala…

Read More

Dowladda Puntland ayaa ku wareejisay Dowladda Pakistan 7 Badmaaxe oo saddex kamid ah meyd yihiin una dhashay dalkaas, kuwaas oo saarnaa Markabka MT Honour-25 oo 29 bishii September lagu soo furtay howlgal ay fuliyeen ciidamada Badda Puntland ee PMPF. Maalmo kahor, ayaa badmaaxayaasha iyo meydadka saddex kale oo ay dileen kooxda Burcad-badeeda ah – laga dhoofiyay garoomada diyaaradaha Puntland, kaddib xiriir dhexmaray Puntland iyo Dowladda Pakistan. Meydka saddexda Badmaaxe ayaa laga dajiyay magaalada Karachi ee dalka Pakistan, waxaana lagu wareejiyay qoysaskooda, iyadoo aas ballaaran loo sameeyay. Markabka MT Honour-25 ayaa tan iyo bishii April gacanta ugu jiray kooxaha Burcad-badeeda ah,…

Read More

Ciidamada maamulka Yemen ee Sacuudigu taageero ayaa dib u qabsaday magaalada Al-Makha ee dhacda albaabka marinka Baabul-mandab, ayna 10kii bishii September qabsadeen maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee Iran taageerto. Sidda ay muujinayaan muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada, Ciidanka Yemen oo taageero ka helaya diyaaradaha dagaalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa saaka qaaday weerar culus oo dhowr jiho, iyagoo horumar ka sameeyay jiidaha hore. Ciidamada ayaa saacadihii hore ee dagaalka soo qabsaday dhowr deegaan oo difaac u ahaa Xuutiyiinta, iyagoo ugu dambeyn goor-dhaweyd la wareegay magaalada Makha, oo dhacda Badda Cas, ahna aag muhiim ah. Dhanka kale, diyaaradaha dagaalka Sacuudiga ayaa duqeymo culus ka…

Read More

Dowladda Itoobiya ayaa si adag iga jawaabtay isbaheysiga dalalka Masar, Eritrea, Sudan iyo Koonfurta Soomaaliya ee ka dhanka Itoobiya, kaas oo shalay looga dhawaaqay magaalada cusub ee El Alamein, ee dalka Masar. War-saxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Itoobiya – ayaa lagu sheegay in Biyaha webiga Nile uu kasoo bilowdo buuraha Sare ee Itoobiya, ayna xaq u leedahay Biyo xireenka webiga, iyadoo ku baaqday in dood kasta oo ka dhan ah ay noqoto mid xaqiiqada ku saleysan. “Itoobiya waa isha Webiga Abay, oo loo yaqaan Blue Nile. Ku dhawaad ​​​​dhammaan Webiga Blue Nile wuxuu ka soo bilaabmaa buuraha sare ee…

Read More

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socda Dowladda Indonesia oo uu hoggaaminayay Safiirka Indonesia ee Soomaaliya, Mudane Witjaksono Adji. Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka Iskaashiga Dowladda Puntland iyo Dowladda Indonesia, iyadoo Dowladda Indonesia ay Puntland ugu hambalyeeysay Howlgalada lagu soo afjaray Burcad badeeda, waxaana Safiirka Indonesia uu si gaar ah uga mahadceliyay Muwadiniin Indonesia u dhashay oo lagu soo furtay Howlgaladii Burcad badeeda iyo sida wanaagsan ee loola dhaqmay dadkaasi markii lasoo badbaadiyey. Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda, ayaa soo dhoweeyay Safiirka Indonesia ugana mahadceliyay booqashadiisa,…

Read More

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa ka digtay dagaal dhexmara Dowladdaha Itoobiya iyo Eritrea, kaas oo saameyn ba’an ku yeelan Kara gobolka Geeska Afrika. Waraaq kasoo baxday Safaarada Mareykanka ee Jabuuti ayaa lagu sheegay in gobolku uusan qaadi karin isku dhac milateri oo dhexmara Itoobiya iyo Eritrea, uuna halis gelinayo iskaashiga socda ee Mareykanku la leeyahay labada dhinac. “Xiisadaha xuduudaha ee sii kordhaya ee u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea ayaa leh awood ay ku saameeyaan gobolka oo dhan. Geeska Afrika ma sii wadi karo isku dhac milatari oo kale iyo dhibaato bani’aadamnimo. Khilaafku wuxuu halis gelinayaa iskaashiga socda ee Mareykanka ee…

Read More

Madaxweynaha Puntland, Said Abdullahi Deni ayaa lagu wadaa in uu todobaadkan dib ugu soo laabto caasimadda Puntland ee Garoowe, kaddib safar qaatay ilaa 22 maalmood uu ku tagay dalalka Kenya iyo Imaaraatka Carabta. Sida aan ogaanay Madaxweyne Deni oo in kabadan 10 maalmood ku sugan Dubai ayaa qorsheynaya in kusoo laabto Garoowe kahor khamiista asbuuca, oo uu shir-guddoomin doono kulanka Gollaha Wasiirada Puntland. Madaxweyne Deni ayaa soo laabashadii kaddib, la filayaa in uu sameeyo isbedel ballaaran oo maamulkiisa ah, waxaana xilalka laga qaadi doonaa Agaasimayaal Guud iyo saraakiil katirsan Hay’addaha Amniga Puntland. Xubno ka agdhow Madaxweynaha, ayaa u sheegay IdilNewa…

Read More

Dictators may appear powerful and may build impressive structures , but power without accountability can lead to serious strategic mistakes. When leaders are surrounded by people who cannot challenge their decisions, they can make choices that ultimately damage their own country and even destroy much of what they built. The situation involving Isaias Afwerki and Abiy Ahmed is an important example to examine. Eritrea supported Abiy’s government during the Tigray war, fighting alongside Ethiopian federal forces against the TPLF. But Ethiopia’s relationship with Eritrea later deteriorated, particularly after Abiy repeatedly stressed that access to the Red Sea was vital for…

Read More

Keligii-taliyayaashu waxay mararka qaarkood u muuqan karaan kuwo awood badan, waxayna dhisi karaan mashaariic waaweyn oo muuqda, laakiin awood aan lahayn isla-xisaabtan , waxay keeni kartaa khaladaad istiraatiiji ah oo waaweyn. Marka hoggaamiye ay ku hareeraysan yihiin dad aan awoodin inay go’aamadiisa wax ka su’aalaan ama ka horyimaadaan, wuxuu qaadan karaa go’aanno ugu dambayn dhaawaca dalkiisa, xitaa burburiya wax badan oo uu isagu dhisay. Xaaladda Isaias Afwerki iyo Abiy Ahmed waa tusaale mudan in dib loo milicsado. Eritrea waxay taageertay dowladda Abiy intii lagu jiray dagaalkii Tigray, iyadoo ciidamada Eritrea ay ka gees dagaallameen ciidamada dowladda federaalka Itoobiya ee ka…

Read More

Booliska gobolka Mudug ayaa gacanta ku dhigay Maxamed Xuseen Gorod, oo ku eedeeysan in uu ku lug leeyahay falal dambiyeedyo Mobile furasho ah oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo. Ciidanka Booliska gobolka Mudug ayaa sheegay in eedeeysanaha ay ku qabteen qorigii uu watay, ayna ku wadaan baaritaano dheeraad ah. Sidoo kale, Booliska gobolka Mudug ayaa ugu baaqay bulshada in ay la shaqeeyaan ciidamada, soona gudbiyaan kooxaha falalka Amni darro geysta. IDILNEWS

Read More

Dowladda Itoobiya ayaa albaabada u laabtay Safaarada ay ku lahayd caasimadda Eritrea ee Asmara, iyadoo ku eedeeysay in ay toos ugu lug leedahay colaada waqooyiga Itoobiya. Waraaq kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibedda Itoobiya ayaa 10 dublamaasi oo Eritrea ka socda, kuna sugan Addis Ababa, lagu siiyay diidmada qayaxan (Persona non grata), taas oo ka dhigan in aan dalka laga doonayn, iyadoo u qabatay 48 saac in ay dalka uga baxaan. “Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya ayaa go’aansatay inay xirto Safaaraddeeda Asmara, Eritrea, si ay uga jawaabto falalka cadawtinimo iyo dagaal ee tooska ah iyo kuwa dadban ee…

Read More

Shirka Golaha Xukuumadda Dowlada Puntland oo maanta uu shir guddoominayay Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Dalka, gaar ahaan amniga gudaha Puntland, iyo hawlaha kale ee hortabinta u leh Dowladda Puntland. Goluhu wuxuu si gaar ah ugu bogaadiyey Ciidamada Ilaalada Badda Puntland (PMPF), oo kaashanaya Ciidamada Daraawiishta iyo Booliska Puntland, hawlgallada ay kula dagaallameen burcad badeedda haysatay maraakiib ay leeyihiin muwaadiniin reer Puntland ah iyo shirkado ajnabi ah oo ku sugnaa xeebaha Puntland. Hawlgalkaan oo socday 24-ka ilaa 30-ka September 2026, ayaa Ciidamada Puntland ku guulaysteen inay soo furtaan…

Read More

Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar), ayaa loo doortay mar kale in uu hoggaamiyo Deegaanka Soomaalida Itoobiya. Cagjar ayaa xafiiska sii joogaya 5 sano oo cusub, kaddib doorashadii Itoobiya ee uu kusoo baxay xisbiga Barwaaqo. Itoobiya ayaa hadda dhexda uga jirta qalalaase siyaasadeed iyo colaad ka huraysa gobollada waqooyi, jabhadaha kasoo horjeeda maamulka Abiy Ahmed Ali ayaa dhowaan ku dhawaaqay isbaheysi, ay ku mideynayaan cududooda, si meesha looga saaro Abiy. Mr. Abiy ayaa dhankiisa isbedel ku sameeyay dastuurka Itoobiya, waxaana meesha laga saaray jaga Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo loo guuray Madaxweyne Awood badan. IDILNEWS

Read More

Diyaaradaha Turkey ee F-16 ayaa manata dul heehaabaya deegaanada ku xeeran magaalada Muqdisho, kaddib dhaqdhaqaaq aan caadi ahayn oo saacadihii lasoo dhaafay ay sameeyeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab oo todobaadyo kahor soo qabsaday deegaano dhaca duleedka Muqdisho. Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay maleeshiyaad badan keentay duleedka Muqdisho, kuwaas oo aan la aqoon halka ay ku wajahan yihiin. Aroornimadii saaka ayaa saddex kamid ah diyaaradaha F-16 ee Turkey, oo maalmihii lasoo dhaafay lagu beegsanayay ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ee daacada u ah Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen, laga kiciyay Muqdisho, iyadoo ilo lagu kalsoon yahay ay inoo sheegeen in ujeedka loo…

Read More

PMPF operations have cleared Puntland coast spanning up to 1,650 km from piracy through highly executed successful operations. Four ships being held off the Puntland coast; three were rescued from the pirates, while the fourth ship fled to further south outside of Puntland waters. The ship which still under the pirates hands is called *Asana*, and they have taken it to Southern coastal areas. Puntland’s naval and police forces have performed an impressive operations that has brought praise and recognition to Puntland from world over. Puntland forces captured nearly 100 pirates during these operations to clear the region’s waters off…

Read More

يشهد القرن الأفريقي وبخاصة الصومال تحولا استراتيجيا عميقا يعيد تعريف مكانته في المعادلات الجيوسياسية والاقتصادية الإقليمية والدولية فبعد عقود من الصراعات وعدم الاستقرار بدأ هذا الإقليم يستعيد حضوره كفاعل مؤثر مستندا إلى موقعه الاستراتيجي الفريد وإلى تحولات إقليمية ودولية متسارعة فالصومال الذي يمتلك أطول ساحل في أفريقيا بطول يتجاوز 3300 كيلومتر يقع عند ملتقى طرق التجارة البحرية الحيوية التي تنقل أكثر من 40% من إمدادات النفط العالمية وحوالي 30% من التجارة العالمية بين آسيا وأوروبا عبر قناة السويس. يمتد القرن الأفريقي على شكل قرن بارز في أقصى الشرق الإفريقي ويضم دولا رئيسية هي الصومال، إثيوبيا، جيبوتي، وإريتريا، بينما تتسع المنطقة…

Read More