Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Akhriso: Khudbadda Madaxweyne Deni ka jeediyay furitaanka Kalfadhigga 59aad ee Baarlamaanka
    Puntland

    Akhriso: Khudbadda Madaxweyne Deni ka jeediyay furitaanka Kalfadhigga 59aad ee Baarlamaanka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 25, 2026No Comments8 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Mudane Guddoomiye, Mudenayaal iyo Marwooyin:

    Waxaa Sharaf weyn ii ah in aan maanta idin hor imaado si aan idin kaga warbixiyo xaaladda guud ee Puntland iyo waxqabadkii iyo guulaha ay gaartay Xukuumadu muddadii u dhaxeysay labada Kal fadhi ee bilihii June ilaa October 24, 2026, sidoo Kalena aan idinla wadaago meesha ay marayso xaaladda guud ee Soomaaliya.

    Muddadii labada Kal-fadhi u dhexeysay waxaa inoo qabsoomay Shaqooyin badan oo isugu jira dhinacyada, Amniga, Siyaasadda, Garsoorka, Nabadeynta, Arrimaha Bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha kuwaasi oo dhammaan si faahfaasan ugu cad Buugga Wax-qabadka Dowladda ee la idiin qeybiyey.

    Allaah ayaa mahadleh, oo ina siiyey raxmadiisa, waxaana Roobabkii dayrtu si wanaagsan uga da’een inta badan deegaannada Puntland, iyadoo meelaha qaar Roobku uu geystay khasaare naf iyo maal ah. Dowladdu waxay si dhow ula socota saameynta Roobka iyadoo xili hore digniino lala wadaagay bulshada ku nool dhulka xeebaha ah iyo dadka reer guuraaga ah. Waxaan allaah ka baryaynaa inuu Roobku noqdo mid lagu barwaaqoobo oo aan waxyeello geysan.

    Amniga:

    Dowladda Puntland waxay sii horumarisay Ciidamada kala duwan, iyadoo kor loo qaaday tababarada Ciidanka Daraawiishta iyo Booliiska, sidoo Kalena la horumariyey Xarumaha Ciidanka Daraawiishta iyo Sal-dhigyada Ciidanka Booliiska Dowladda Puntland oo si dhameystiran looga wada hirgeliyay dhammaan Gobollada Puntland.

    Labada Kal-fadhi dhexdooda waxaa la tababaray Kumanaan Ciidan Daraawiish ah, waxaana joogto Kulliyadaha Tababarada Booliska ee Carmo iyo Godod uga soo baxa Dufcado Ciidan Booliis oo cusub.

    Horumarka aynu ka sameynay Ciidanka wuxuu gaarsiisanyahay in maanta Ciidanka tababarada gelaya oo u badan dhallinyaro, ay intooda badan yihiin Ardaydii Jaamacadaha ka baxay, oo qeybtood aqoontoodu gaarsiisan tahay heerka labaad ee Jaamacadda – waa tallaabo niyaayiro oo muujinaysa horumarka laga sameeyay dhinac Ciidanka.

    Howlgalada:

    Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo gudanaya waajibaadkooda waxay gudaha Puntland ka nadiifiyeen, Maleeshiyo uu isku dayey Madaxweynaha wakhtiigsu dhammaday Xasan Shiikh Maxamuud in u ku khalkhalgeliyo Amniga iyo deganaashaha Puntland.

    Iyadoo gudaha Puntland laga mamnuucay Hubka iyo gaadiidka Ciidan ee sharci daradda ah, Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland waxay fuliyeen howlgalo lagu ururinayo Hubka iyo gaadiidka Ciidan ee sharciga aheyn. Tallaabadaasi waxay xoojisay xasilloonida iyo degaanaansha Puntland.

    Dowladda Puntland waxay si adag uga hortagtay in deegannadeeda lagu abuuro Burcad badeed – waxaana Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland, gaar ahaan Ciidanka badda ee (PMPF) ay soo afjareen Burcad badeedii maraakiibta la timi xeebaha Puntland, iyadoo sidaa la socoteen maraakiibtii iyo shaqaalihii lasoo furtay. Arrintaasi oo Dowladda Puntland iyo shacabkeeda lagu boggaadiyey.

    Ciidanka Difaaca ee Dowladda waxay weli sii wadaan Howlagallada Argagixisada looga sifeynayo Puntland, gaar ahaan buuralayda Calmiskaad oo weli la baacsanayo firxad tiro yar, sidoo kale waxaa howlgalo ka socdaan Buuralayda Calmadow halkaasi oo qorshuhu yahay in laga sifeeyo Argagixisada Alshabaab ee ku dhuumalaysanaysa.

    Garsoorka :

    Mudane Guddoomiye, Mudenayaal iyo Marwooyin, horumarinta aynu ka sameynay Garsoorka maanta waa mid siweyn u muuqda, waxaana u danbeeyay sidii hufnaanta laheyd ee warbaahinta loogala socday Kiiskii ay xukuntay Maxkamadda Gaalkacyo, oo ahaa Kiis isku haysi Wiil oo muddo dheer soo jiitamay.

    Maxkamadaha Dowladda Puntland waxay xukun ku rideen xubno lagu soo qabtay Howlgalkii Calmiskaad iyo kuwo lala xiriiriyey la shaqeynta Argagixisada, dhammaan xukunadaasi waxay bulshadu kala socotay Warbaahinta si daah-furan.

    Amniga badaha iyo saameynta dhaqaalaha :
    Dowladda Puntland waxay si dhow ula socotaa saameynta Amni iyo Dhaqaale ee ay inagu yeellanayso xaaladda ka jirta marinada Badda ee Hurmuz iyo Gacanka, sidaasi darteed waxaan diyaarinay Qorshe lagu maareynayo saameynta Dhaqaale ee ka iman karta iyo sidii aynu kor ugu sii qaadi laheyn illaalinta amniga badaheenna.

    Colaadaha bariga dhexe waxay saameeyeen dhaqaalaha adduunka, waxay sababeen in ay kor u kacaan qiimaha badeecadaha dhammaan suuqyada Adduunka, iyadoo xaaladaasi jirto Dowladda Puntland waxay ku guuleysatay in ay joogteyso bixinta kharashaadka iyo adeegyada Dowladdnimo.

    Dowladdu waxay diyaarisay qorshe ku dhisan isku tashi, kaasi oo xooga saaraya kobcinta wax soo saarka gudaha, ka faa’ideysiga kheyraadka dabiiciga ah, gaar ahaan Kalluumeysiga, Beeraha, Xoolaha iyo macdanta, si loo yareeyo saameynta colaadaha bariga dhexe ku yeellanayaan Miisaaniyadda Dowladda iyo guud ahaan dhaqaalaha Puntland.

    Arrimaha Gobollada iyo Nabadeynta :

    Mudane Guddoomiye, Mudaneyaal iyo Marwooyin, si aynu ugu kuurgalno xaaladda deegaannada iyo Gobollada Puntland, waxaan intii labada kal-fadhi u dhaxeysay aan safar ku tagnay Gobollada Mudug, Bari iyo Raas-caseyr. Socdaalka oo sal-u-ahaa Nabadeynta, Hormarka iyo Guushii Howgalka Calmiskaad iyo adkeynta amniga waxaa uu ahaa mid siweyn ay usoo dhoweysay bulshada Puntland.

    Waxaan isaga gudubnay – Dhinowda Illaa Raasiga Xaafuun, dhammaan dadkii aan la kulanay waxaan ka wareysanay baahiyaha ka jira deegannooda oo inta badan wixii macquul ahaa ay Dowladdu ka jawaabtay Kuwana qorshaha Dowladda loogu daray. Anagoo dhiirigelinay, illaalinta nabadgelyada, ka shaqeynta horumarka iyo maalgashida.

    Socdaalkii aan ku taganay Dhar-jaalle oo bar-bilow u aheyd Howlgalka Calmiskaad wuxuu ahaa mid taariikhi ah, oo muujiyey natiijada wanaagsan ee ka dhalatay Howlgalkii Calmiskaad ee ay fuliyeen Dowladda Puntland iyo Shacabkeeda oo isku duuban.

    Nabadeynta :

    Waxaan Bulshada Gobolka Mudug kala hadalnay illaalinta nabadgelyada, si xal-waara looga gaaro Colaada kusoo laalabatay bulshada degmooyinka Dhinowda iyo Towfiiq, Dowladdu waxay u fidisay Gogol Nabadeed.

    Dowladdu waay dadaal gelisay nabadeynta Gobolka Sanaag, halkaasi oo Ciidanku ay kala dhex-galeen Beellaha Walaalaha ah ee ku diriray, waxaan soo dhoweynaynaa in Beellaha diriray aqbaleyn nabadeynta, waxaan kaloo soo dhoweynaynaa Go’aanka dhaqanka iyo Gogosha Nabadeed ee loogu ballamay Badhan, iyadoo Dowladdu arrintan aad ugasoo shaqeysay ayna diyaar u tahay in ay si wanaagsan u dhameystirto.

    Horumarinta iyo Arrimaha Bulshada :

    Mudane Guddoomiye, Mudaneyaal iyo Marwooyin, Dowladda Puntland waxay Cashuurtii bulshada dib-ugu celisay dalka, iyadoo la dayactiray Wadada Gaalkacyo- Garoowe oo hadda meel wanaagsan mareysa, taasi oo hore la isugu dayay in la siyaasadeeyo.

    Waxaa si fiican dhismaheedu u socda Wadada Ceeldaahir-Ceergaabo, oo hadda dhexmaraysa degmada Badhan, waxaa magaalooyinka laga hirgeliyay Wadooyin badan, sida Garoowe oo laga dhisay Wadooyin horumarsan maanta adduunka la jaanqaadaya.

    Dowladdu waxay sidoo kale ka hirgelisay Garoowe Biyo-saar noociisu yahay kii u horeeyay ee muddo kadib Soomaaliya laga sameeyo. Iyadoo sidoo Kalena qorshe xal-waara ah loo sameeyay biyo-saarka magaalada magaalada Gaalkacyo.

    Dowladda oo kaashanaysa bulshadeeda waxay dhistay Wadooyin laga hirgeliyey Carmo, Qardho iyo Boosaaso, sidoo kale waxaa magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo ka socda shaqada baneynta si kor loogu qaado bilicda magaalooyinka.

    Dowladdu waxay horumarisay Garoomada Diyaaradaha iyo Dekadaha Boosaaso iyo Garacad, waxaana sidoo kale Wasaaradaha Maaliyadda iyo Kalluumeysigu ka wada shaqeeyeen la dagaalanka kalluumeysiga sharci darada ah iyo kor-u-qaadista dakhliga kasoo xerooda kheyraadka badda Puntland.

    Mudane Guddoomiye Mudenayaal iyo Marwooyin, Maanta Puntland waxay leedahay Garoomo kubadda cagta ah oo cagaaran, kuwaasi oo joogto loogu qabto Ciyaaro heerar kala duwan ah, waxaana arrintani ay wax weyn u tahay dhallinyareeda iyo is-dhexgalka bulshadeenna.

    Dowladdu waxay horumarisay adeegyada Caafimaad oo la daadejiyey, waxaana aynu hadda u diyaarsanahay – ka hortagga iyo ka taxadar-ka Cudurka (Ebola) ee laga helay wadamada deriska. Waxaana lasameeyay Guddi Wasiiro ah iyo Guddi farsamo oo kala shaqeynaya Wasaaradda Caafimaadka wixii farsamo iyo wacyigelin ah.

    Arrimaha Federaalka:

    Mudane Guddoomiye, Mudenayaal iyo Marwooyin, Dowladda Puntland mar walbo waxay u taagantahay dhismaha Dowladnimo Soomaaliyeed oo Federaal ah, wadadaasi oo aynu ku bixinay dadaal noockasta si loo gaaro xasilooni iyo nidaam dowladnimo oo dhameystiran.

    Waxaan aad uga xumahay in maanta dalku uu galay xaalad halis ku ah Dowladnimadii Soomaaliyeed ee mudada dheer laga soo shaqeynayay, waxaa Meesha ka baxay waxkasta oo heshiis lagu ahaa oo uu danbeeyay Dastuurkii KMG ee 2012. Madaxweynaha Wakhtigu ka dhammaday Xasan Shiikh Maxamuud wuxuu diiday in uu dalka ka qabto Doorasho heshiis lagu wada yahay isagoo markasta ka shaqeynayey in uu fashiliyo wada-hadal kasta.

    Xaaladda dalkeenu waxay gaartay in Masuuliyiin dalkan usoo shaqeeyay Lagu weeraray (Drone), in laga shaqeeyo xasilooni darro laga abuuro Deegaanno degan, in Ciidamadii lagu taageeray magaca Soomaaliyeed iyo dhaqaalihii lagu helay magaca dalka loo adeegsado burburinta dalka iyo boobka hantida dadka Soomaaliyeed, dhammaan tallaabooyin kaasina waxaa masuuliyadeeda qaadaya Madaxweynaha wakhtigiisu dhammaaday iyo cidkasta oo kala shaqeysay.

    Mudane Guddoomiye, Mudenayaal iyo Marwooyin, Dowladda Puntland waxay la wadaagaysa bulshada Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka, in ay tahay wax aan la aqabli Karin damaca guracan ee Madaxweynihii hore Xasan Shiikh oo sidaa ogtihiin 15 October 2026, ku dhawaaqay nooc doorasho oo isaga u gaar ah. Taasi oo halis weyn ku ah jiritaanka Jamhuuriyadda Seddexaad ee Soomaaliya.

    Sidaas darteed Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysa dhammaan qeybaha kala duwan ee dadka Soomaaliyeed ee turaaluhu kaga jiro dalka, in la isugu yimaado dhakhso sidii loo badbaadin lahaa Dowladnimada Soomaaliyeed.

    Waxaan dareemayaa in caqabadaha iyo hagardaamooyinka ku socda geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliyeed ay niyad-jab ku abuureen qayb ka mid ah shacabka reer Puntland, kuwaas oo aan waxba ka hagran dadaalka iyo himilada dowladnimo Soomaaliyeed oo dhammaystiran.

    Annigoo si buuxda u garawsan dareenkaas, waxaan idiin balan qaadayaa in aanan qaadan doonin go’aan aan idiin qalmin. Waxaynu sidoo kale yeelan doonnaa wada-tashi dhab ah oo ku saabsan marxaladda adag ee dalku marayo, si aynu si wadajir ah uga arrinsanno xaaladda taagan.

    Ugu danbeyn:

    Waxaan si rasmi ah halkaan uga dhawaaqayaa in uu inoo furmay Kalfadhiga 59-aad ee Golaha Wakiillada Dowlad Puntland, Waxaana rajeynayaa in aad guulo ka gaartaan dhammaan qodobada masiiiriga ah ee idin horyaalla.

    Guuleysta,

    -DHAMMAAD-

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Puntland oo mamnuucday in hub lagu dhex qaato magaalooyinka G. Mudug

    October 25, 2026

    Madaxweyne Deni oo ku wajahan magaalada Gaalkacyo

    October 24, 2026

    XOG: Khilaaf soo kala dhexgalay mucaaradka Muqdisho, Rooble, Odawaa iyo Guuleed oo la saarayo

    October 24, 2026
    Latest Posts

    Akhriso: Khudbadda Madaxweyne Deni ka jeediyay furitaanka Kalfadhigga 59aad ee Baarlamaanka

    Puntland oo mamnuucday in hub lagu dhex qaato magaalooyinka G. Mudug

    Madaxweyne Deni oo ku wajahan magaalada Gaalkacyo

    XOG: Khilaaf soo kala dhexgalay mucaaradka Muqdisho, Rooble, Odawaa iyo Guuleed oo la saarayo

    Labo Tallaabo oo laga sugayo Madaxweyne Deni oo kusoo laabtay Garoowe

    Gollaha Wasiirada Puntland oo ka hadlay hubinta Amniga Ajaanibta

    Liibaan Tahliil oo la wareegay Wiilkii loo xukumay

    Akhriso: Puntland waxay u baahan tahay Isla xisaabtan dhab ah

    WARBIXIN: Dhoofka Dahabka ee Puntland (Cadadka dahabka iyo deegaanada laga soo saaro).

    XOG: Waa kuwee Agaasimayaasha uu xilka ka qaadi doono Deni maalmaha soo socda?










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.