Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Mudane Cabdiweli Jibriil Bayle, ayaa soo saaray amar mamnuucaya in magaalooyinka dhexdooda lagu qaato hub, iyadoo la xoojinayo amniga iyo nabadgelyada guud ee bulshada.
Amarkan ayaa ku saleysan sharciga Nabadgelyada Guud ee Lambar 1, oo soo baxay 23-kii Janaayo 2000, waxaana fulintiisa loo xilsaaray Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Mudug iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka.
Maamulka Gobolku waxa uu ugu baaqayaa dhammaan bulshada inay u hoggaansamaan amarkan, si loo xaqiijiyo amniga, xasilloonida iyo nabadgelyada guud ee gobolka.
-Dhamaad-
IDILNEWS
