Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»WARBIXIN: Dhoofka Dahabka ee Puntland (Cadadka dahabka iyo deegaanada laga soo saaro).
    Puntland

    WARBIXIN: Dhoofka Dahabka ee Puntland (Cadadka dahabka iyo deegaanada laga soo saaro).

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 22, 2026No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dhoofka dahabka ee deegaanada Puntland ayaa sare u kacay saddexdii sano ee u dambeysay, kaas oo intiisa badan sifo sharci ah uga baxa garoomada diyaaradaha iyo dekeddaha deegaanada Puntland.

    Baaris ay sameysay IdilNews, ayaa ku ogaanay in in kabadan 100 kiiloogaraam oo dahab ah (100 kg), ay todabaad kasta ka baxaan garoomada diyaaradaha iyo dekeddaha deegaanada Puntland, kuwaas oo loo dhoofiyo dalka Imaaraata Carabta.

    Garoonka diyaaradaha Boosaaso ayaa ah marinka ugu weyn ee uu ka dhoofo dahabka Puntland.

    Meelaha Dahabka laga qodo ayaa isugu jira deegaano katirsan Puntland iyo Somaliland. Dahabka ugu badan ayaana ka yimaada deegaanada Milxo iyo Mijiyahan oo katirsan deegaanada Puntland, halka Dahabka ugu badan ee ka yimaada Somaliland laga qodo deegaanada Shidan, Xiis iyo Maydh oo katirsan qeybta gobolka Sanaag ee Somaliland haysato iyo nawaaxiga magaalada Boorama ee gobolka Awdal.

    Dowladda Puntland ayaa hoos u dhigtay qiimaha canshuurta dahabka ee ka baxa deegaanada Puntland, iyadoo Halka kiiloogaraam (1 Kg) ku canshuurta $140 dollar, halka Somaliland ay ku canshuurto wax kabadan 5 kun oo dollar.

    Farqiga canshuurta ee Puntland iyo Somaliland ayaa keenay in ganacsato badan oo reer Somaliland ay saldhigtaan magaalo ganacsiyeedka Boosaaso oo ay ka dhoofsadaan Dahabka, kalana soo degaan Malaayiin dollar.

    Xukuumadda Puntland ayaa inoo sheegtay in jabinta canshuurta dahabka ay tahay ay uga gol-leedahay in ganacsatada Puntland ay ka faa’ideystaan suuqa ganacsiga dahabka, ayna dalka soo gasho Malaayiin dollar oo ah lacag adag, taas oo wax ka badashay dhaqdhaqaaqa ganacsiga.

    Kumanaan dhallinyaro ah oo isugu jira Reer Puntland iyo Soomaalida kale ayaa shaqo abuur ka helay goobaha laga qodo ku yaal deegaanada Puntland.

    Shirkaddo ganacsi oo ka socda dalal ay kamid yihiin Mareykanka, Imaaraatka Carabta iyo qaar kamid ah dalalka gobolka ayaa ka jira suuqa dahabka ee deegaanada Puntland, iyadoo ay jiraan ganacsato kale oo ka socda dalal ay kamid yihiin Shiinaha iyo Jarmalka ay yimaadeen deegaanada Puntland, kuwaas oo aad u daneynaya suuqa dahabka ee Puntland.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Akhriso: Puntland waxay u baahan tahay Isla xisaabtan dhab ah

    October 22, 2026

    XOG: Waa kuwee Agaasimayaasha uu xilka ka qaadi doono Deni maalmaha soo socda?

    October 21, 2026

    Ciidanka Laftagareen oo deeq Raashin ah ka qeybiyay Diinsoor

    October 21, 2026
    Latest Posts

    Akhriso: Puntland waxay u baahan tahay Isla xisaabtan dhab ah

    WARBIXIN: Dhoofka Dahabka ee Puntland (Cadadka dahabka iyo deegaanada laga soo saaro).

    XOG: Waa kuwee Agaasimayaasha uu xilka ka qaadi doono Deni maalmaha soo socda?

    Ciidanka Laftagareen oo deeq Raashin ah ka qeybiyay Diinsoor

    Duqa Garoowe oo ka qeybgalay Shirka Maayarada Adduunka ee Vienna

    GALGALA: Ciidanka Puntland oo toogtay Rag katirsan Al-Shabaab

    Yemeniyiin kasoo cararay colaada dalkooda oo soo gaaray Dekedda Boosaaso

    CALMADOW: Puntland oo duqeyn ku dishay xubno katirsan Al-Shabaab

    GAALKACYO: Liibaan Tahliil oo loo aqoonsaday aabbaha rasmiga ah ee Wiilkii la isku haystay

    WARBIXIN: Muxuu yahay xiriirka uu shaaciyay Natenyahu ee ‘Puntland & Israel’ ?










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.