Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa dhammaadka bishan October ku wajahan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Ujeedada socdaalka Madaxweyne Deni ayaa la xiriira kormeerka iyo dardargelinta mashruuca biyo saarka Gaalkacyo iyo dhagax dhiga mashaariic horumarineed oo uu kamid yahay dib u dhiska garoona diyaaradaha Gaalkacyo.
Dib u dhiska garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ayaa waxaa maalgelinaya ganacsato reer Puntland, iyadoo la filayo in marka uu dhammaado mashruuca dhismihiisa uu noqdo garoonka 3aad oo caalami ah oo ay yeelato Puntland, ayna si toos ah uga digaan duulimaadyada diyaaradaha caalamiga ah.
Wafuud fara-badan oo isugu jira ganacsato, qurbajoog iyo xubno dowladdeed ayaa kusoo qulqulaya Puntland, kuwaas oo doonaya in ay qeyb ka noqdaan munaasabadda dhagax-dhiga dib u dhiska garoonka.
IDILNEWS
