Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa la filayaa in maalmaha khamiista ama jimcaha ee todobaadkan dib ugu soo laabto caasimadda Puntland ee Garoowe, kaddib safar qaatay in kabadan bil oo uu ku tagay dalalka Kenya, Imaaraatka Carabta iyo Itoobiya.
Sida ay heshay IdilNewa, Madaxweyne Deni ayaa qorsheynaya in soo laabashadiisa kaddib uu magacaabis sameyn doono, isagoo xilalka ka qaadaya Agaasimayaal, Agaasime waaxeedyo iyo xubno kale oo katirsan dowladdiisa.
Akhriso Agaasimayaasha iyo Agaasime waaxeedyada uu Madaxweyne Deni xilka ka qaadi doono.
Agaasimayaasha ay ubadan tahay 80% in la badalo,waxay kala yihiin…..
1.Agaasimaha guud ee Wasarada Maaliyada.
2. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada.
3. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada.
4. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka.
5. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.
6. Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta iyo Hidaha iyo Dhaqanka.
7. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.
8. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Horumarinta Dhaqaalaha iskaashiga Caalamiga ah.
9. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta.
10. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Khayraadka Badda.
11. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka.
12:.Agaasimaha Guud Wasaarada arimaha gudaha.
13.Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka.
14.Agaasimaha Guud ee Tv-ga iyo Radio Puntland.
15. Maareeyaha Wakaalada horumarinta Biyaha.
Agaasime Waaxeedyada:-
1.Agaasimaha Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland
2 Agaasimaha Dakhliga Wasaarada Maaliyada.
3.Agaasime kuxigeenka Guud ee Maamulka Wasaaradda Maaliyada.
4. Agaaimaha maamulka iyo maaliyada Tv-ga & Radio Puntland.
Agaasimayaasha Madaxa-banaan:-
1. Agaasimaha Xarunta Maareynta xogta Biyaha Iyo Dhulka Puntland (IMC).
2: Maareyaha Hay’adda Tayadhowrka Dowladda Puntland oo hadda La asaasaay Magacaabis
3: Agaasimaha Guud ee Immigrationka Dowladda Puntland.
IDILNEWS
