Qaar kamid ah xubnaha mucaaradka ee Muqdisho ayaa bilaabay in ay qorshe ka dhan ah Golaha Mustaqbalka, iyagoo in bannaanka laga dhigo shirarka mucaaradka, maadama mabda’ahaan kala mideysnayn diidmadooda mashruuca doorasho ee Xassan Shiikh Maxamuud.
Mucaaradka Muqdisho ayaa qaarkood maalmo kahor hambalyo u direen Liibaan Shuluq oo Xassan Shiikh geystay magaalada Dhuusa-mareeb, kana dhigtay Hoggaamiyaha maamulka Galmudug, iyadoo dadka doortay lagu sheegay xildhibaano kusoo baxay mashruuca doorasho ee qof iyo codka ah ee Xassan wato.
Xubnaha foolaadka u ah mucaaradka Muqdisho ayaa soo jeediyay in kahor shirkooda Nairobi la kala hufo siyaasiyiinta qeybta ka ah Golaha, lagana saaro xubnaha baalmaray go’aankooda ka dhanka ah mashruuca doorasho ee Xassan Shiikh.
IdilNews ayaa ogaatay in xubnaha la doonayo in laga saaro Golaha Mucaaradka, lagana dhigo banaanka ay kamid yihiin Ra’iisul Wasaarihii hore ee XFS Maxamed Xuseen Rooble, Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa iyo Cabdikariim Xuseen Guuleed, kuwaas oo hambalyo u diray Liibaan Shuluq.
Maalmo kahor, Xubnaha mucaaradka ee Beesha Hawiye ayaa waji gabax kala kulmay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo iska diidday in uu qeyb ka noqdo kulan fogaan arag ah oo ay la yeesheen Wakiillada Beesha Caalamka, mar kalena ka cudur daartay in uu tago Nairobi oo ay shir ku yeelanayaan.
Siciid Deni ayaa la wadaagay xubno ku dhow in uusan daneynay in uu qeyb kasii ahaan Madasha Mustaqbalka ee ay ku mideysan yihiin Mucaaradka Muqdisho, Puntland iyo Jubbaland, maadama xubnaha beelaha Hawiye ee qeybta ka ah – qaarkood si dadban qeyb uga yihiin mashruuca Xassan Shiikh, taas oo durbaba soo shaac baxday maalmo kahor.
IDILNEWS
