Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Labo Tallaabo oo laga sugayo Madaxweyne Deni oo kusoo laabtay Garoowe
    Puntland

    Labo Tallaabo oo laga sugayo Madaxweyne Deni oo kusoo laabtay Garoowe

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 23, 2026Updated:October 23, 2026No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa galabta dib ugu soo laabtay caasimadda Puntland ee Garoowe, kaddib 41 maalmood oo uu ku maqnaa dalalka Kenya, Imaaraatka Carabta iyo Itoobiya.

    Siciid Deni oo ay wehlinayaan xubno ku dhow oo dowladdiisa ah, ayaa kasoo amba-baxay caasimadda dalka Itoobiya oo kulamo kula yeeshay xubno sare oo katirsan Dowladda Itoobiya.

    𝐃𝐞𝐧𝐢 𝐢𝐲𝐨 𝐥𝐚𝐛𝐨 𝐓𝐚𝐥𝐚𝐚𝐛𝐨 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐚 𝐬𝐮𝐠𝐚𝐲𝐨.

    Xukuumadda Madaxweyne Deni ayaa wajahaysa niyad jab ay qabaan badi bulshada deegaanka Puntland, taas oo ka dhalatay hoos u dhac ku yimid shaqooyinka hay’addaha dowladda, kaas oo dhashay xubnaha Dowladda ee jooga xafiisyada iyo duruufaha dhaqaale ee lasoo gudboonaaday shaqaalaha rayidka ah ee ka shaqeeya xafiisyada Wasaaraddaha iyo Hay’addaha kale, kuwaas oo sanadkan aan helin mushaaraad, marka laga soo tago labo bilood.

    Shacabka Puntland ayaa naawilaya in Madaxweyne Deni uu isbedel degdeg ah ku sameeyo Agaasimayaasha Guud iyo qaar kamid ah Wasiirada maamulkiisa, si ugu yaraan dhiig cusub loogu shubo shaqada Dowladda, loona helo xubno firfircoon oo dhaqaajiya shaqooyinka istaagay.

    Sidoo kale, bulshada ayaa ka filaysa Madaxweyne Deni in degdeg loo xalayo xaalada dhaqaale ee shaqaalaha, lana joogteeyo mushaaraad iyo xuquuqad kale ee Dowladda, si loo hagaajiyo hanaanka shaqo ee xafiisyada, waxna isaga bedelaan dhaqdhaqaaqda suuqa, maadama mushaar la,aantoodu saameysay nolasha bulshada.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Gollaha Wasiirada Puntland oo ka hadlay hubinta Amniga Ajaanibta

    October 22, 2026

    Liibaan Tahliil oo la wareegay Wiilkii loo xukumay

    October 22, 2026

    Akhriso: Puntland waxay u baahan tahay Isla xisaabtan dhab ah

    October 22, 2026
    Latest Posts

    Labo Tallaabo oo laga sugayo Madaxweyne Deni oo kusoo laabtay Garoowe

    Gollaha Wasiirada Puntland oo ka hadlay hubinta Amniga Ajaanibta

    Liibaan Tahliil oo la wareegay Wiilkii loo xukumay

    Akhriso: Puntland waxay u baahan tahay Isla xisaabtan dhab ah

    WARBIXIN: Dhoofka Dahabka ee Puntland (Cadadka dahabka iyo deegaanada laga soo saaro).

    XOG: Waa kuwee Agaasimayaasha uu xilka ka qaadi doono Deni maalmaha soo socda?

    Ciidanka Laftagareen oo deeq Raashin ah ka qeybiyay Diinsoor

    Duqa Garoowe oo ka qeybgalay Shirka Maayarada Adduunka ee Vienna

    GALGALA: Ciidanka Puntland oo toogtay Rag katirsan Al-Shabaab

    Yemeniyiin kasoo cararay colaada dalkooda oo soo gaaray Dekedda Boosaaso










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.