Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Indonesia oo Puntland uga mahadcelisay badbaadinta muwaadiniin u dhashay
    Puntland

    Indonesia oo Puntland uga mahadcelisay badbaadinta muwaadiniin u dhashay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 4, 2026No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socda Dowladda Indonesia oo uu hoggaaminayay Safiirka Indonesia ee Soomaaliya, Mudane Witjaksono Adji.

    Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka Iskaashiga Dowladda Puntland iyo Dowladda Indonesia, iyadoo Dowladda Indonesia ay Puntland ugu hambalyeeysay Howlgalada lagu soo afjaray Burcad badeeda, waxaana Safiirka Indonesia uu si gaar ah uga mahadceliyay Muwadiniin Indonesia u dhashay oo lagu soo furtay Howlgaladii Burcad badeeda iyo sida wanaagsan ee loola dhaqmay dadkaasi markii lasoo badbaadiyey.

    Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda, ayaa soo dhoweeyay Safiirka Indonesia ugana mahadceliyay booqashadiisa, isagoo la wadaagay Dowladda Indonesia in Puntland ay ka go’antahay la dagaalanka Burcad badeeda, illaalinta amniga badaheeda iyo ciribtirka Argagixisada oo iyana laga gaaray guulo waaweyn.

    Waxaa kulanka ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Carshe Maxamed Siciid.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    GEESKA AFRICA: Mareykanka oo ka digay halista dagaal dhexmara Itoobiya iyo Eritrea

    October 4, 2026

    Madaxweyne Deni oo labo arrimood laga sugayo kaddib soo laabashadiisa todobaadkan

    October 4, 2026

    Xaaladda Isaias Afwerki iyo Abiy Ahmed waa tusaale mudan in dib loo milicsado. W/Q: Muna Kaamila

    October 3, 2026
    Latest Posts

    Indonesia oo Puntland uga mahadcelisay badbaadinta muwaadiniin u dhashay

    GEESKA AFRICA: Mareykanka oo ka digay halista dagaal dhexmara Itoobiya iyo Eritrea

    Madaxweyne Deni oo labo arrimood laga sugayo kaddib soo laabashadiisa todobaadkan

    The Destructive Legacy of Dictatorship

    Xaaladda Isaias Afwerki iyo Abiy Ahmed waa tusaale mudan in dib loo milicsado. W/Q: Muna Kaamila

    Booliska gobolka Mudug oo gacanta ku dhigay Maxamed Gorod

    Itoobiya oo xirtay safaaradeedii Asmara, ceyrisayna dublamayaasiyiin Eritrean ah

    Maxaa kasoo baxay Shirka Golaha Wasiirada Puntland?

    Mustafe Cagjar oo mar kale loo doortay Madaxweynaha DDS

    Al-Shabaab oo dhaqdhaqaaq ka wada duleedka Muqdisho & diyaaradaha F-16










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.