Booliska gobolka Mudug ayaa gacanta ku dhigay Maxamed Xuseen Gorod, oo ku eedeeysan in uu ku lug leeyahay falal dambiyeedyo Mobile furasho ah oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo.
Ciidanka Booliska gobolka Mudug ayaa sheegay in eedeeysanaha ay ku qabteen qorigii uu watay, ayna ku wadaan baaritaano dheeraad ah.
Sidoo kale, Booliska gobolka Mudug ayaa ugu baaqay bulshada in ay la shaqeeyaan ciidamada, soona gudbiyaan kooxaha falalka Amni darro geysta.
IDILNEWS
