Dowladda Itoobiya ayaa albaabada u laabtay Safaarada ay ku lahayd caasimadda Eritrea ee Asmara, iyadoo ku eedeeysay in ay toos ugu lug leedahay colaada waqooyiga Itoobiya.
Waraaq kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibedda Itoobiya ayaa 10 dublamaasi oo Eritrea ka socda, kuna sugan Addis Ababa, lagu siiyay diidmada qayaxan (Persona non grata), taas oo ka dhigan in aan dalka laga doonayn, iyadoo u qabatay 48 saac in ay dalka uga baxaan.
“Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya ayaa go’aansatay inay xirto Safaaraddeeda Asmara, Eritrea, si ay uga jawaabto falalka cadawtinimo iyo dagaal ee tooska ah iyo kuwa dadban ee Eritrea ay ka waddo Itoobiya. Wasaaradda ayaa sidoo kale ku dhawaaqday toban diblomaasiyiin Eritrean ah oo ku sugan Addis Ababa inay ku lug leeyihiin hawlo khatar toos ah ku ah amniga qaranka Itoobiya taasoo jebinaysa Axdiga Vienna ee Xiriirka Diblomaasiyadeed. Diblomaasiyiintan waxaa laga rabaa inay ka baxaan Itoobiya 48 saacadood gudahood.”
Addis Ababa ayaa ugu yeertay Eritrea joojinta ficillada ka dhan ah Itoobiya, iyo hurinta colaada gudaheeda, iyadoo sheegtay in mudnaanta ay siinayso nabad ku wada noolaanshaha iyo xasiloonida gobolka Geeska Afrika.
“Itoobiya waxay ku boorinaysaa Dowladda Eritrea inay joojiso dhammaan falalka ka soo horjeeda mabaadi’da maamula xiriirka ka dhexeeya dowladaha madaxbannaan. Itoobiya waxay qiimeysaa xiriirka xooggan ee taariikhiga ah, dhaqanka, iyo dadka ee ay la leedahay Eritrea waxayna si joogto ah mudnaanta u siisay nabad ku wada noolaanshaha, xasilloonida gobolka, iyo isdhexgalka. Itoobiya waxay weli ka go’an tahay xallinta khilaafaadka si nabad ah iyo inay la shaqeyso dhammaan waddamada Geeska Afrika si loo horumariyo nabadda waarta, amniga, iyo isdhexgalka gobolka.”
IDILNEWS
