Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar), ayaa loo doortay mar kale in uu hoggaamiyo Deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Cagjar ayaa xafiiska sii joogaya 5 sano oo cusub, kaddib doorashadii Itoobiya ee uu kusoo baxay xisbiga Barwaaqo.
Itoobiya ayaa hadda dhexda uga jirta qalalaase siyaasadeed iyo colaad ka huraysa gobollada waqooyi, jabhadaha kasoo horjeeda maamulka Abiy Ahmed Ali ayaa dhowaan ku dhawaaqay isbaheysi, ay ku mideynayaan cududooda, si meesha looga saaro Abiy.
Mr. Abiy ayaa dhankiisa isbedel ku sameeyay dastuurka Itoobiya, waxaana meesha laga saaray jaga Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo loo guuray Madaxweyne Awood badan.
IDILNEWS
