Shirka Golaha Xukuumadda Dowlada Puntland oo maanta uu shir guddoominayay Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Dalka, gaar ahaan amniga gudaha Puntland, iyo hawlaha kale ee hortabinta u leh Dowladda Puntland.
Goluhu wuxuu si gaar ah ugu bogaadiyey Ciidamada Ilaalada Badda Puntland (PMPF), oo kaashanaya Ciidamada Daraawiishta iyo Booliska Puntland, hawlgallada ay kula dagaallameen burcad badeedda haysatay maraakiib ay leeyihiin muwaadiniin reer Puntland ah iyo shirkado ajnabi ah oo ku sugnaa xeebaha Puntland. Hawlgalkaan oo socday 24-ka ilaa 30-ka September 2026, ayaa Ciidamada Puntland ku guulaysteen inay soo furtaan sadex markab iyo shaqaalihii saarnaa.
Golaha Xukuumaddu wuxuu ka tacsiyeynayaa shaqaalihii marakiibta ee ay waxyeeleeyeen kooxihii burcad Badeedda ahaa. Dadka ay dhaawaceen burcad badeeddu ayaa hadda lagu daaweynayaa Isbitaalada Puntland.
Ugu dambayntii, Golaha Xukuumaddu wuxuu dood dheer iyo falanqeyn kadib, uu cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Siyaasadda Maaraynta Tamarta Puntland.
<
IDILNEWS
