Keligii-taliyayaashu waxay mararka qaarkood u muuqan karaan kuwo awood badan, waxayna dhisi karaan mashaariic waaweyn oo muuqda, laakiin awood aan lahayn isla-xisaabtan , waxay keeni kartaa khaladaad istiraatiiji ah oo waaweyn.
Marka hoggaamiye ay ku hareeraysan yihiin dad aan awoodin inay go’aamadiisa wax ka su’aalaan ama ka horyimaadaan, wuxuu qaadan karaa go’aanno ugu dambayn dhaawaca dalkiisa, xitaa burburiya wax badan oo uu isagu dhisay.
Xaaladda Isaias Afwerki iyo Abiy Ahmed waa tusaale mudan in dib loo milicsado. Eritrea waxay taageertay dowladda Abiy intii lagu jiray dagaalkii Tigray, iyadoo ciidamada Eritrea ay ka gees dagaallameen ciidamada dowladda federaalka Itoobiya ee ka soo horjeeday TPLF. Hase yeeshee, xiriirka Itoobiya iyo Eritrea ayaa markii dambe aad u xumaaday, gaar ahaan kadib markii Abiy uu si joogto ah u adkeeyay in Itoobiya u baahan tahay marin ay ku gaarto Badda Cas. Baahida Itoobiya ee marin-badeed , ayaa noqotay mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee xiisadda labada dal, Eritrea 🇪🇷 Iyo Ethiopia 🇪🇹.
Marka laga eego dhinaca istiraatiijiyadda, waxaa lagu doodi karaa in Eritrea ay ahayd inay ka taxaddarto xoojinta dowlad Itoobiyaan ah oo awood badan, iyadoo Itoobiya isla markaana si cad u muujinaysay baahideeda marin-badeedka Badda Cas.
Abiy ayaa sannadkii 2023 si gaar ah uga hadlay dekedaha Eritrea sida Assab iyo Massawa, isagoo tilmaamay muhiimadda ay Itoobiya u leedahay helitaanka marin-badeed.
Casharku wuxuu yahay in hoggaamiyayaashu ay u baahan yihiin inay ka fikiraan wax ka baxsan cadaawada ay qof/dal u qabaan iyo danahooda degdegga ah, ayna qiimeeyaan cawaaqibka mustaqbalka ee xulafadooda. Go’aan maanta faa’iido u muuqda ayaa berri abuuri kara dhibaato istiraatiiji ah oo aad uga weyn.
Waxa taariikhdu ina bartay waa tan: Keligii-taliye badanaa wuxuu aaminsan yahay inuu mar walba saxan yahay. Laakiin marka hoggaamiye uu diido inuu dhageysto dadka kale, qirto khaladaadkiisa ama wax ka barto, go’aamadiisu waxay wiiqi karaan dadkiisa, kala qaybin karaan qarankiisa, ugu dambayntiina burburin karaan dalkii iyo dhaxalkii uu sannado badan dhisayay.
Taariikhda In wax laga barto, aad bay muhiim u tahay.
W/Q: Muna Kaamila
