Madaxweynaha Puntland, Said Abdullahi Deni ayaa lagu wadaa in uu todobaadkan dib ugu soo laabto caasimadda Puntland ee Garoowe, kaddib safar qaatay ilaa 22 maalmood uu ku tagay dalalka Kenya iyo Imaaraatka Carabta.
Sida aan ogaanay Madaxweyne Deni oo in kabadan 10 maalmood ku sugan Dubai ayaa qorsheynaya in kusoo laabto Garoowe kahor khamiista asbuuca, oo uu shir-guddoomin doono kulanka Gollaha Wasiirada Puntland.
Madaxweyne Deni ayaa soo laabashadii kaddib, la filayaa in uu sameeyo isbedel ballaaran oo maamulkiisa ah, waxaana xilalka laga qaadi doonaa Agaasimayaal Guud iyo saraakiil katirsan Hay’addaha Amniga Puntland.
Xubno ka agdhow Madaxweynaha, ayaa u sheegay IdilNewa – in uu la wadaagay kahor safarkiisii dibedda isbedel uu sameyn doono inta uusan furmin Kalafadhiga 59aad ee Baarlamaanka Puntland oo loo madlan yahay 25 bishan October.
Isbedelka ayaa ah mid si weyn loo sugayo, bulshada Puntland ayaa sugaya in soo laabashada Madaxweyne Deni, ay albaabada u furto wax ka bedelka hoggaanka xafiisyada dowladda iyo bixinta mushaarka shaqaalaha, kuwaas oo hada wajahaya dhaqaale xumo baahsan.
IDILNEWS
