Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa ka digtay dagaal dhexmara Dowladdaha Itoobiya iyo Eritrea, kaas oo saameyn ba’an ku yeelan Kara gobolka Geeska Afrika.
Waraaq kasoo baxday Safaarada Mareykanka ee Jabuuti ayaa lagu sheegay in gobolku uusan qaadi karin isku dhac milateri oo dhexmara Itoobiya iyo Eritrea, uuna halis gelinayo iskaashiga socda ee Mareykanku la leeyahay labada dhinac.
“Xiisadaha xuduudaha ee sii kordhaya ee u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea ayaa leh awood ay ku saameeyaan gobolka oo dhan. Geeska Afrika ma sii wadi karo isku dhac milatari oo kale iyo dhibaato bani’aadamnimo. Khilaafku wuxuu halis gelinayaa iskaashiga socda ee Mareykanka ee danaha ay wadaagaan labada dal.”
Mareykanka ayaa ugu baaqay Addis Ababa iyo Asmara inay ixtiraamaan madax banaanida dhuleed ee labada dal, ayna ku laabtaan heshiiskii nabaddeed ee 2018kii.
“Waxaan si xooggan ugu boorrinaynaa Itoobiya iyo Eritrea inay ixtiraamaan madaxbannaanida iyo sharafta dhuleed ee deriskooda, ay sameeyaan isxakameyn aad u badan oo ay dib ugu laabtaan wadahadalka iyo iskaashiga sida lagu heshiiyay qaab-dhismeedkooda nabadda ee 2018. Nabadda iyada oo loo marayo wadahadal waa waddada kaliya ee loo maro amniga waara, kobaca dhaqaalaha, iyo barwaaqada.”
IDILNEWS
