Ciidamada maamulka Yemen ee Sacuudigu taageero ayaa dib u qabsaday magaalada Al-Makha ee dhacda albaabka marinka Baabul-mandab, ayna 10kii bishii September qabsadeen maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee Iran taageerto.
Sidda ay muujinayaan muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada, Ciidanka Yemen oo taageero ka helaya diyaaradaha dagaalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa saaka qaaday weerar culus oo dhowr jiho, iyagoo horumar ka sameeyay jiidaha hore.
Ciidamada ayaa saacadihii hore ee dagaalka soo qabsaday dhowr deegaan oo difaac u ahaa Xuutiyiinta, iyagoo ugu dambeyn goor-dhaweyd la wareegay magaalada Makha, oo dhacda Badda Cas, ahna aag muhiim ah.
Dhanka kale, diyaaradaha dagaalka Sacuudiga ayaa duqeymo culus ka geystay afafka hore ee dagaalka, iyagoo burbur xooggan u geystay difaacyadii Xuutiyiinta, halka tobanaan duqeymo ah ay ka geysteen magaalada Sanca oo ah saldhiga Xuutiyiinta.
IDILNEWS
