Dowladda Puntland ayaa ku wareejisay Dowladda Pakistan 7 Badmaaxe oo saddex kamid ah meyd yihiin una dhashay dalkaas, kuwaas oo saarnaa Markabka MT Honour-25 oo 29 bishii September lagu soo furtay howlgal ay fuliyeen ciidamada Badda Puntland ee PMPF.
Maalmo kahor, ayaa badmaaxayaasha iyo meydadka saddex kale oo ay dileen kooxda Burcad-badeeda ah – laga dhoofiyay garoomada diyaaradaha Puntland, kaddib xiriir dhexmaray Puntland iyo Dowladda Pakistan.
Meydka saddexda Badmaaxe ayaa laga dajiyay magaalada Karachi ee dalka Pakistan, waxaana lagu wareejiyay qoysaskooda, iyadoo aas ballaaran loo sameeyay.
Markabka MT Honour-25 ayaa tan iyo bishii April gacanta ugu jiray kooxaha Burcad-badeeda ah, waxaana saarnaa 17 shaqaale ah.
Intii ay haysteen kooxaha Burcad-badeeda ah ayaa dilay 5 kamid ah shaqaalaha Markabka, oo 3 u dhasheen dalka Pakistan, 1 u dhashay dalka Hindiya iyo 1 kale oo u dhashay dalka Maymar.
IDILNEWS
