Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Maxay ka dhigan tahay in Trump uu ‘Somaliland ugu yeero dal’?
    Puntland

    Maxay ka dhigan tahay in Trump uu ‘Somaliland ugu yeero dal’?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 13, 2026No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald J. Trump ayaa sheegay in Somaliland tahay dal ka duwan Soomaaliya, xilli uu khudbad u jeedinayay saacado kahor kumanaan kamid ah taageerayaashiisa.

    Trump oo rabay in uu weerar afka ah ku qaado Soomaaliya ayaa yiri “Soomaaliya, ma aha Somaliland waa labo dal oo kala duwan”.

    Waxaa uu sheegay in dad badan ay jecel yihiin Somaliland, Trump ayaa soo jeediyay in magaca Somaliland si degdeg ah loo beddelo.

    Madaxweyne Trump ayaa dhaleeceeyay bulshada Soomaalida ee kunool gobolka Minnesota.

    Tan ayaa ka dhigan in uu Mira-dhalay dadaallada Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro iyo safarkii uu ku tagay dhowaan Washington, kaas oo ku garaacayay albaabka dublamaasiyadda, si ugu yaraan Somaliland u soo jeedsato indhaha Caalamka.

    In Madaxweyne Trump, oo ah hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka ah hoggaanka waddamada Caalamka, uu ku tilmaamo Somaliland dal gaar ah, ayaa sidoo kale muujinaysa fashilka iyo guuldarrooyinka dul yaala maamulka Muqdisho ee sita magaca Soomaaliya, kaas oo ku guuldareystay hirgelinta nidaam dowladdeed oo macaanil wanaagsan iyo dublamayaasiyad Sare la yeesha Caalamka.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Ilhan Omar “La i aamusin maayo”

    October 12, 2026

    RIYADH: Xuutiyiinta oo gantaalo ku dilay dad Sacuudiga u tagay Cumro

    October 12, 2026

    Nin Dil iyo dhaawac ka geystay Suuqa Garoowe oo gacanta lagu dhigay

    October 11, 2026
    Latest Posts

    Maxay ka dhigan tahay in Trump uu ‘Somaliland ugu yeero dal’?

    Ilhan Omar “La i aamusin maayo”

    RIYADH: Xuutiyiinta oo gantaalo ku dilay dad Sacuudiga u tagay Cumro

    Nin Dil iyo dhaawac ka geystay Suuqa Garoowe oo gacanta lagu dhigay

    SANAAG: Puntland oo go’aano Amni kasoo saartay Badhan, kaddib baaqii Suldaan Siciid

    Sagal Cabdi-Wali oo loo doortay Xildhibaan kamid ah Baarlamaanka UK

    Gollaha Wasiirada Puntland oo 3 arrimood ka wada-hadlay

    XOG: Xassan Shiikh oo diyaariyay weerar ka dhan ah Shariif iyo Kheyre

    Itoobiya oo ku eedeeysay Xassan Shiikh ‘in uu khiyaamay’

    DEGDEG: Puntland oo soo saartay habraacyo looga hortagayo cudurka Ebola










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.