Ciidanka Booliska gobolka Nugaal ayaa gacanta ku dhigay Nin hubeysan oo maanta dil iyo dhaawac ka geystay bartamaha suuqa caasimadda Puntland ee Garoowe.
Ninka ayaa rasaas ku furay bartamaha suuqa Garoowe, gaar ahaan meel biraha lagu tumo oo ku taal suuqa Inji, kaddib markii uu muran dhexmaray nin kale oo meesha ganacsi ku haystay. Waxaana ku geeryooday labo qof oo shacab ah, halka afar kalena ay ku dhaawacmeen.
Kaddib dhacdada, Eedeeysanaha ayaa goobta ka baxsaday, waxaana howlgallo qaatay saacado oo ay sameeyeen ciidamada Booliska gobolka Nugaal suuragashay in la qabto dilaagan.
Dhacdada ayaa maanta si weyn looga hadal-hayay gudaha Garoowe, dadka dhaawacmay oo u badan muruq maalato ayaa xaaladooda caafimaad lagula tacaalayaa isbtaalka Guud ee Dowladda ee Garoowe.
IDILNEWS
