Markabka MT Honour-25 ayaa maanta kusoo xirtay Dekedda magaalada Boosaaso, kaddib markii 29kii bishii September lagu soo furtay howlgal ballaaran oo sameeyeen Ciidanka Badda Puntland.
In kabadan 5 bilood ayaa Markabka Honour-25 uu gacanta ugu jiray koox Burcad-badeed ah, oo afduubatay bishii April, waxaana intii ay haysteen ay dileen 5 kamid ah 17 shaqaale ah oo saarnaa Markabka.
Ciidanka Badda Puntland ayaa inta ay wadeen howlgalka ay kusoo furteen Markabka gacanta ku dhigay in kabadan 15 kamid ah Burcad-badeedii haysatay, kuwaas oo loo taxaabay xabsiga, iyadoo Puntland qorsheynayso in horkeeno laamaha Cadaallada.
Dowladda Puntland ayaa ku dhawaaqday in xeebaha Puntland ay yihiin amni, ayna ku gooshi karaan Maraakiibta ganacsiga, iyagoon cabsi ka qabin kooxaha Burcad-badeeda ah oo ay ka sifeysay xeebaha Puntland.
IDILNEWS
