Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»RIYADH: Xuutiyiinta oo gantaalo ku dilay dad Sacuudiga u tagay Cumro
    Somalia

    RIYADH: Xuutiyiinta oo gantaalo ku dilay dad Sacuudiga u tagay Cumro

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 12, 2026No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Inta la xaqiijiyay saddex ruux ayaa ku geeryooday, tiro intaa kabadana way ku dhaawacmeen weerar gantaalo ah oo Xuutiyiinta Yemen ku qaadeen garoonka diyaaradaha caasimadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Riyadh.

    Weerarka oo dhacay axadii – ayaa Boqortooyada Sacuudigu sheegtay in Xuutiyiintu la beegsadeen dad marayay garoonka diyaaradaha Riyadh, una yimid dalkeeda inay booqdaan Baydka alle, si ay u soo Cumraystaan.

    Saddexda qof oo ku dhimatay weerarka Xuutiyiinta ayaa kasoo kala jeeda dalalka Suuriya, Falastiin iyo Bangladesh, sidda ay warisay warbaahinta Sacuudi Carabiya. Sidaas oo kale, dhaawacyada ayaa kasoo kala jeedaan Dalal kale oo ka baxsan Sacuudi Carabiya.

    Boqortooyada Sacuudiga ayaa wacad ku martay in Xuutiyiintu dhadhamin doonaan cawaaqibka weerarka.

    24 saac ee lasoo dhaafay diyaaradaha dagaalka Sacuudiga ayaa duqeymo culus ka geystay Sanca iyo deegaanada kale ee ay ku xooggan yihiin Xuutiyiintu, iyadoo la diiwaangeliyay in kabadan Kun duqeymood.

    Sidaas oo kale, ciidamada Dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Yemen ayaa kala wareegay Xuutiyiinta deegaano iyo magaalooyin muhiim ah, kuwaas oo ku dhow xeebta Badda Cas.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Nin Dil iyo dhaawac ka geystay Suuqa Garoowe oo gacanta lagu dhigay

    October 11, 2026

    SANAAG: Puntland oo go’aano Amni kasoo saartay Badhan, kaddib baaqii Suldaan Siciid

    October 11, 2026

    Sagal Cabdi-Wali oo loo doortay Xildhibaan kamid ah Baarlamaanka UK

    October 9, 2026
    Latest Posts

    RIYADH: Xuutiyiinta oo gantaalo ku dilay dad Sacuudiga u tagay Cumro

    Nin Dil iyo dhaawac ka geystay Suuqa Garoowe oo gacanta lagu dhigay

    SANAAG: Puntland oo go’aano Amni kasoo saartay Badhan, kaddib baaqii Suldaan Siciid

    Sagal Cabdi-Wali oo loo doortay Xildhibaan kamid ah Baarlamaanka UK

    Gollaha Wasiirada Puntland oo 3 arrimood ka wada-hadlay

    XOG: Xassan Shiikh oo diyaariyay weerar ka dhan ah Shariif iyo Kheyre

    Itoobiya oo ku eedeeysay Xassan Shiikh ‘in uu khiyaamay’

    DEGDEG: Puntland oo soo saartay habraacyo looga hortagayo cudurka Ebola

    Golaha Bilicda Gaalkacyo oo hirgelinaya mashaariic horumarineed

    Markabka Honour-25 oo kusoo xirtay Dekedda Boosaaso










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.