Guddiga culimada ah ee garsoorka ah ayaa maaanta yeeshay fadhigii koowaad ee dhagaysiga dacwad la xiriirta wiil yar oo muddo la isku haystay, taas oo loo marayo habraaca Shareecada Islaamka si xal waafaqsan diinta loogu helo.
Fadhiga dacwadda ayaa waxaa hor yimid garsoorka culimada dhammaan dhinacyada ay arrintu khusayso, oo ay ku jiraan labada dhinac ee dacwaddu dhex taallo, kuwaas oo iyaguna goob-joog ka ahaa fadhiga, hooyada wiilka iyo markhaatiyaasha meherka, si loo dhagaysto dhinacyada kala duwan ee dacwadda.
Dhagaysiga fadhigii koowaad ayaa maanta la soo gabagabeeyay, waxaana la go’aamiyay in berri dib la isugu yimaado si loo sii ambaqaado dhagaysiga dacwadda.
Dacwaddan ayaa lagu wadaa in lagu dhammeeyo hab waafaqsan Shareecada Islaamka, iyadoo si caddaalad ah loo dhagaysanayo dhammaan dhinacyada ay khusayso ka hor inta aan go’aan kama dambays ah laga gaarin.
IDILNEWS
