Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, kaddib safar qaatay in kabadan 40 maalmood oo uu ugu maqnaa dalka dibeddiisa.
Cabdiraxmaan Cirro iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa safarro shaqo ku tagay dalalka Mareykanka iyo Imaaraatka Carabta, isagoo kulamo la qaatay madax sarre oo katirsan labada dal.
“Safarradan ayaa qayb ka ahaa dedaallada joogtada ah ee uu Madaxweynaha JSL ugu jiro xoojinta xidhiidhka diblomaasiyadeed, ballaadhinta iskaashiga caalamiga ah iyo horumarinta danaha istiraatiijiga ah ee uu leeyahay Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland” ayaa lagu yiri qoraal kooban ay baahisay Madaxtooyada Somaliland.
Somaliland ayaa sheegtay in safarka Madaxweyne Cirro uu abuuray fursado sii xoojinaya iskaashiga caalamiga ah, kordhinta danaha dhaqaale iyo siyaasadeed ee Somaliland.
IDILNEWS
