Ciidanka Badda Dowladda Puntland ee PMPF ayaa gacanta ku dhigay saddex doonyood oo sifo sharci darro ah uga Kalluumeysanayay xeebaha Bari ee Puntland, kuwaas lagu leeyahay dalka Iran, ayna saarnaayeen ilaa 60 shaqaale ah.
Hoos ka akhriso War-saxafadeedka kasoo baxay Taliska Ciidanka Badda Puntland.
Caluula, 14, Oct, 2026; Ciidamada Difaaca Puntland ee PMPF oo laba jibaaray hawlgallada badda ee lagu xaqiijinaayo Amniga ayaa gacanta ku dhigan 3-Doonyood oo si sharcidarro ah uga kalluumaysanaayey Xeebaha Puntland, kuwaas oo laga leeyahay dalka Iran 🇮🇷.
Doonyahan ayaa lala qabtay in ka badan 60 qof oo ahaa shaqaalaha saddexda doonyood. Ciidamada PMPF ayaa doonyaha iyo shaqaalahooda u gudbiyey degmada Caluula ee gobolka Raas-casayr, halkaas oo lagu marindoono habraacyada sharciga ah ee khuseeya kalluumaysiga sharci-darrada ah.
Hawlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallada Ciidamada PMPF ay ku xaqiijinayaan amniga xeebaha Puntland, ilaalinta khayraadka badda, ka hortagga kalluumaysiga sharci-darrada ah iyo la dagaalanka falalka burcad badeedda.
-DHAMAAD-
IDILNEWS
