Dowladda Itoobiya ayaa wada qorshe ay dib ugu xoojinayso xiriirka kala dhexeeya Somaliland, kaddib isbaheysigii lagu dhisay oo ay ku midoobeen dalalka Masar, Eritrea, Sudan iyo maamulka Muqdisho ee sita magaca Soomaaliya.
IdilNews ayaa ogaatay in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali uu casuumaad u diray Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo labo khamiistii kusoo laabtay Hargeysa.
Cabdiraxmaan Cirro ayaa maalmaha soo socda tagi doona Addis Ababa, iyadoo Itoobiya qorsheynayso in sarre loo qaado hannaanka soo dhaweyntiisa, lana gaarsiiyo in loo dhigo Roog cas, ayna garoonka ku qaabilaan xubno sarre oo katirsan maamulka Ra’iisul Wasaare Abiy.
Wararka ayaa sheegaya in Addis Ababa ay doonayso in heshiis rasmi ah loo bedelo is afgaradkii Addis Ababa iyo Hargeysa, ee dhigayay in Itoobiya saldhig milateri iyo deked ka dhisato xeebaha gobolka Awdal, bedelkeedana Somaliland u aqaansato dal, kalana shaqeyso xiriirka dublamaasiyadeed ee dibedda.
Addis Ababa ayaa aad uga carootay in maamulka Muqdisho uu qeyb ka noqdo isbaheysiga ay dhistay Masar, kaas oo ujeedkiisa ugu weyn lagu sheegay in lagu diidan yahay biyo-xireenka Itoobiya ka dhistay Webiga ee ABAY, kaas oo balaayiin dollar ugu kacay Addis Ababa, kana tilmaamtay rajada dalkeeda.
Itoobiya ayaa tan iyo 2006dii, ciidamo ka joogaan Soomaaliya – iyadoo gacanta ku haysa amniga magaalooyin badan oo katirsan deegaanada maamulka Koonfur Galbeed iyo gobollada Gedo iyo Hiiraan.
IDILNEWS
![Itoobiya oo casuumad u dirtay Cabdiraxmaan Cirro [Abiy oo Somaliland ka doonaya Hal Qodob]](https://www.idilnews.com/wp-content/uploads/2026/10/MW-Cirro.jpg)