Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa iska diiday in uu u socdaalo caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, oo uu ka qabsoomayo Shir ay isugu imaanayaan xubnaha Madasha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
Shirka oo ay tagi doonaan dhammaan xubnaha Gollaha Mustaqbalka ayaa looga hadli doonaan dhowr qodob oo la xiriira Shirka loo madlan yahay November ee la isugu keenayo maamulka waqtigiisu dhammaaday ee Xassan Shiikh iyo Madasha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
Idilnews ayaa heshay, in Siciid Deni oo hadda ka maqan gudaha Puntland, iska diiday tagista Shirka Nairobi, isagoo ka cudur daartay, una sheegay in jadwal ahaan uu buuxo, kuna noqonaya Puntland maalmaha, iyadoo ay u yaalaan shaqooyin badan sida furista Kalafadhiga Baarlamaanka Puntland, isbedelo laga sugayo dowladdiisa iyo u qareemida deegaanka oo saameyn ba’an ku yeesheen Roobab da’ay oo sababay Daadad.
Xubno katirsan Madasha Mustaqbalka ayaa si weyn uga niyad jabay diidmada Deni ee Shirkooda Nairobi, iyagoo ku tilmaamay mid xagal daacinaysa dadaalladooda ku wajahan in laga hortago qorshaha Xassan Shiikh.
Maalmo kahor, Madaxweyne Deni ayaa diiday in uu qeyb ka noqda Shir fogaano arag ah oo dhexmaray mucaaradka Muqdisho iyo Wakiillo katirsan kuwa Beesha Caalamka.
Madaxweyne Deni ayaa xubno ku dhow u sheegay in uusan xiiso badan u hayn heshiis doorasho oo hadda lala gaaro Xassan Shiikh, ayna mucaaradka Muqdisho awooddi waayeen in deegaanada ay kasoo kala jeedaan ee Galmudug iyo Hirshabeelle ka hor istaagaan damaca Xassan Shiikh.
IDILNEWS
