Ciidanka Amniga Puntland oo howlgal ka fuliyay buuraleyda Galgala ayaa dilay labo xubnood oo katirsan kooxda Al-Shabaab.
Xubnaha la dilay ee Al-Shabaab ayaa miinooyin ku aasayay agagaarka deegaanka Galgala, kuwaas oo mid kamid ah Talaadadii lala beegsaday Ciidamo katirsan Puntland.
Ciidamada oo saacadihii lasoo dhaafay ku daba jiray Ragga ayaa saaka weerar ku qaaday, waxaana is rasaaseyn kaddib ay ciidamadu toogteen labada nin.
Muuqaallo iyo Sawirro lagu faafiyay Warbaahinta Dowladda Puntland ayaa muujinayay meydadka labada nin oo yaala goobta lagu weeraray.
Ciidamada Puntland ayaa isku diyaarinaya Howlgalka ONKOD ee buuraleyda Calmadow, kaas oo Madaxweyne Deni sheegay in lagu ciribtiri doono kooxda argagaxisada ah ee Al-Shabaab.
IDILNEWS
