Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Yemeniyiin kasoo cararay colaada dalkooda oo soo gaaray Dekedda Boosaaso
    Puntland

    Yemeniyiin kasoo cararay colaada dalkooda oo soo gaaray Dekedda Boosaaso

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 20, 2026No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Puntland ayaa kusoo dhaweysay Dekedda magaalada Boosaaso – Qoysas Yemeniyiin iyo Soomaali ah oo kasoo cararay colaada ka socota dalka Yemen.

    Dadka ayaa kasoo cararay dagaallada kasoo cusboonaaday Yemen, ee u dhexeeya Ciidamada Dowladda Yemen ee Sacuudigu taageero iyo kooxda Xuutiyiinta ee Iran taageerto.

    Doonta dadka sidday oo maalmo kahor kasoo baxday Yemen, ayaa saaka kusoo xiratay Dekedda Boosaaso.

    Xubno ka socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland iyo Hay’adda UNHCR ayaa dadka kaga hortagay Dekedda Boosaaso.

    Puntland ayaa sheegtay in loo diyaargaroobay soo dhaweynta dadka kasoo barakacay colaada Yemen.

    Horey, deegaanada Puntland waxaa ugu sugnaa kumanaan Yemeniyiin ah, kuwaas oo kasoo cararay colaada dalkoodu galay 2015kii.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    GALGALA: Ciidanka Puntland oo toogtay Rag katirsan Al-Shabaab

    October 20, 2026

    CALMADOW: Puntland oo duqeyn ku dishay xubno katirsan Al-Shabaab

    October 20, 2026

    GAALKACYO: Liibaan Tahliil oo loo aqoonsaday aabbaha rasmiga ah ee Wiilkii la isku haystay

    October 20, 2026
    Latest Posts

    GALGALA: Ciidanka Puntland oo toogtay Rag katirsan Al-Shabaab

    Yemeniyiin kasoo cararay colaada dalkooda oo soo gaaray Dekedda Boosaaso

    CALMADOW: Puntland oo duqeyn ku dishay xubno katirsan Al-Shabaab

    GAALKACYO: Liibaan Tahliil oo loo aqoonsaday aabbaha rasmiga ah ee Wiilkii la isku haystay

    WARBIXIN: Muxuu yahay xiriirka uu shaaciyay Natenyahu ee ‘Puntland & Israel’ ?

    WAR CUSUB: Madaxweyne Deni oo diiday tagista Shir ka dhacaya Nairobi

    XOG: Xassan Shiikh oo wajahaya walaac, kaddib digniinta UK & USA

    Mareykanka oo digniin kasoo saaray 11 dal oo Barriga dhexe ah

    Duqa Garoowe oo Vienna uga qeybagalaya Shirka Maayarada Adduunka

    GAALKACYO: Garsoorka culimada oo dhageystay dacwada wiil yar oo la isku haystay










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.