Ciidanka Puntland ayaa duqeymo ka fuliyay aroornimadii saaka buuraleyda Calmadow ee gobolka Sanaag, kuwaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad katirsan kooxda Al-Shabaab oo isku aruursanayay meel.
Duqeynta oo loo adeegsaday diyaaradaha Drones-ka ee Ciidanka Amniga Puntland – ayaa lagu dilay xubno katirsan Al-Shabaab, sidda ay xaqiijiyeen saraakiil katirsan ciidanka Puntland.
Waa duqeyntii u horreysay ee ay fuliyaan Ciidanka Puntland, iyadoo diyaaradaha Drones-ka ah ee loo adeegsaday ay dhowaan ka heshay Puntland saaxiibadeeda dibedda.
Puntland ayaa isku diyaarinaysa howlgal milateri oo ay ku qaado buuraleyda Calmadow ee gobolka Sanaag, kaas oo la dhaho ONKOD. Bil kahor, Ciidamo katirsan PDF ayaa loo daabulay deegaano dhulka buuraleyda, kuwaas oo sameynayay Taliska laga hagi lahaa howlgalka.
IDILNEWS
