Xassan Shiikh Maxamuud ayaa wajahaya walaac xooggan oo soo food saaray kaddib hadal maalmo kahor u jeediyay xubno katirsan maamulkiisa waqtigu ka idlaaday, kaas oo la xiriiray in uusan dhexda dhigi doonin tallada dalka, uuna qabsanayo doorasho qof iyo codka ah oo uu hobo 100% in isugu kusoo noqon doono.
Sidda ay ogaatay Idilnews, in labo kamid ah dalalka gacanta kula jira galka arrimaha Soomaaliya ay gaarsiiyeen digniin ku aadan in laga qaadi doono tallaabo adag, oo uusan mahdin doonin cawaaqibka ka dhashay.
Dalalka Ingariiska iyo Mareykanka ayaa uga digay Xassan Shiikh in uu sii wado qorsheyaasha halis gelinaya dowlad dhiska Soomaaliya, iyagoo u sheegay in shaqsi ahaan, qoyskiisa iyo xubnaha maamulkiisa ee firfircoon lagu sameyn doono xanibaado dhaqaale iyo kuwa safar, laguna soo oogi doono dambiyo la xiriira dambiyada ay ka galeen dalka.
Dubalamasiyiin ka socda UK iyo Mareykanka ayaa ku wargeliayay Xassan in uu u diyaargaroobo in bisha Novembar uu kala heshiiyo dhinacyada Soomaalida doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxtooyada, oo ay leeyihiin damaanad qaadka hirgelinteeda.
Haddii la waayo heshiis siyaasadeed ayay u sheegeen in ay ka shaqeyn doonaan iyagu in dhinacyada Soomaalida la isku geeyo, lana jeexo “Roadmap” – kaas oo dalku ku aadayo doorasho uu banaanka ka joogo.
IDILNEWS
