Duqa caasimadda Puntland ee Garoowe, Cabdulqaadir Axmed Cabdulqaadir Axmed Tuure (Geeddi) ayaa maanta u amba-baxay magaalada 𝐕𝐢𝐞𝐧𝐧𝐚, ee caasimadda dalka 𝐀𝐮𝐬𝐭𝐫𝐢𝐚.
Maayar Geedd ayaa kaga qeybeli doona Vienna Shirka sanadlaha ah ee Maayarada Adduunka. Shirka ayaa sanadkan diirada lagu saari doonaa la-dagaallanka ganacsiga sharci-darrada ah iyo kheyraadka dabiiciga ah.
Cabdulqaadir Geeddi ayaa sheegay in inta uu ku sugan yahay qaarada Yurub uu booqan doono dalal kala duwan, uuna kulamo la yeelan doono masuuliyiinta magaalooyin iyo kuwa hay’addeed oo ay is dhaafsan doonaan khibradaha la xiriira horumarinta magaalooyinka.
IDILNEWS
