Guddiga garsoorka culimada ah ee gacanta ku hayay kiiska Wiil yar oo ay isku haysteen labo nin – ayaa maanta gaaray go’aanka kama dambeysta ah ee cidda dhashay Wiilka.
Garsoorka culimada ayaa go’aamiyay in Liibaan Tahliil uu yahay aabbaha dhalay Wiilka, iyagoo ku dhawaaqay in hadda kaddib wiilka loogu yeeri doono ‘Maxamed Liibaan Tahliil’.
Dhageysiga Kiiska oo saddex maalmood si toos ah loogala socday Warbaahinta ayaa waxaa kasoo muuqday Tobanaan qof, kuwaas oo ay ku jiraan Rag soo guursaday Hooyada dhashay Wiilka iyo ehellada labada Nin ee Wiilka isku haystay.
Faarax Cawil oo ahaa dooddaha labaad ee Wiilka ayaa garsoorka hortooda kaga dhawaaqay in uu aqbalay go’aanka Culimada, isagoo laabta geliyay Liibaan Tahliil.
7 Qof ayaa ku dhimatay kiiska Wiilka, halka in kabadan 10 kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo kasoo kala jeeda labada qoys, Dowladda Puntland ayaa bilo kahor go’aamisay in garsoor culimada loo dhiibo kiiska, laguna kala saaro labada Nin shareecada Islaamka.
IDILNEWS
