Ciidamada maamulka Laftagareen iyo kuwa Xassan Shiikh Maxamuud uu geeyay Baydhabo, si ay u difaacaan Aadan Madoobe ayaa maanta ku dagaalamay duleedka magaalada Baydhabo.
Dagaalka oo bilowday aroornimadii hore ayaa socday saacado badan, iyadoo uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka Xassan Shiikh dib looga soo riixay difaacyo ay ka sameysteen duleedka Baydhabo.
Ciidanka maamulka Laftagareen ee dibad jooga ah ayaa in kabadan 4 jeer gudaha u galay Baydhabo, iyagoo la wareegay hub fara-badan oo la geeyay Baydhabo.
10 maalmood ee u dambeeyay Ciidanka Laftagareen ayaa qabsaday ilaa 5 degmo oo katirsan gobollada Baay iyo Bakool, kuwaas oo ay horey u joogeen dagaalyahano taabacsan Xassan Shiikh oo hoggaamiya maamulka waqtigiisu dhammaaday ee Muqdisho.
IDILNEWS
