Author: Jibril Qoobey

Dowladda Puntland ayaa uga digtay mulkiilayaasha Maraakiibta iyo shirkaddaha ceymiska in ay lacag siiyaan kooxaha Burcad-badeeda ah ee haysta Maraakiibtooda. War-saxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland ayaa lagu sheegay in ay jiraan kooxo shisheeye oo maalgelinaya Burcad-badeeda dib uga curatay xeebaha Puntland, kuwaas oo ka leh sumcad dil iyo in la weeciyo dadaallada Puntland ee ku wajahan la-dagaallanka kooxaha argagaxisada ah. “Macluumaad hordhac ah oo aan helnay ayaa tilmaamaya in hay’adaha dibadda ay doonayaan inay ka faa’iidaystaan oo ay dib u hawlgeliyaan shakhsiyaadka iyo shabakaddo hore ula xiriiray burcad-badeednimada, oo ay ku jiraan dhiirigelinta dhaqaalaha, iyagoo ujeedkoodu yahay inay wiiqaan…

Read More

Turkey ayaa goor-dhaweyd duqeyn la beegsatay saxiimad ay saarnaayeen dad kalluumeysato ah, kuwaas oo ku sugnaa xeebta deegaanka Jiifle ee gobolka Nugaal. Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Tirada kalluumeysatada saarnayd saxiimada, dadka deegaanka ayaa ku warramaya in ay gaaraayeen ilaa 9 qof, kuwaas oo dhammaantood duqeynta lagu dilay. Deegaanka duqeyntu ka dhacday oo hoostaga degmada Eyl, ayaa horey loogu haystay maraakiib ay soo afduubteen Burcad-badeeda, waxaana kamid ah markab Turkey u raran oo u socday Muqdisho. Dowaldda Puntland ayaa horrey uga digtay duqeymaha aan loo meel dayin ee ka dhaca xeebaha Puntland, iyadoo ka dalbatay Saaxiibada caalamiga ah ee…

Read More

Maleeshiyaad hubeysan ayaa qabsaday degmada Marka ee gobolka Shabeellaha hoose, kuwaas oo kasoo horjeeda maamulka Aadan Madoobe hoggaaminayo ee Koonfur Galbeed. Dableyda oo kasoo jeeda Beesha Biyo-maal oo degta Marka iyo deegaano hoostaga, ayaa sheegaya in taabacsan yihiin maamul dhowaan looga dhawaaqay deegaanka, kaas oo lagu magacaabo Koonfur-Bari. Boqollaal shacab ah ayaa isugu soo baxay magaalada Marka, kuwaas oo taageersan maleeshiyaadka qabsaday Marka, oo hada gacanta ku haya xarunta maamulka degmada, saldhiga Booliska iyo goobo kale oo Marka ku yaal. Magaalada Marka ayaa ah magaalo xasaasi ah, waxaana kusoo noqnoqda dagaalo siyaasadeed, xilli dhowaan maamulka waqtigiisu dhammaaday ee Xassan Shiikh…

Read More

Madaxweynaha Puntland, H.E Said Abdullahi Deni oo kormeeray Maxjarka dhoofinta iyo naaxinta Xoolaha ee Somali Livestock Quarantine and Inspection Center, oo laga dhisayo deegaanka Buubi ee gobolka Mudug. ‎ ‎Madaxweynaha ayaa u kuurgalay qaybaha kala duwan ee maxjarka iyo halka ay marayso shaqada dhismuhu. iyada oo uu qayb ka ahaa booqashada Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Mudane Cabdiweli Jibriil Bayle, ‎ ‎Madaxweynaha ayaa bogaadiyey ganacsatada maalgelinaysa mashruuca, isagoo xusay in maxjarku xoojin doono adeegyada caafimaadka iyo daryeelka xoolaha, isla markaana abuuri doono fursado shaqo iyo horumar dhaqaale oo bulshada deegaanka iyo Puntland ah. IDILNEWS

Read More

Diyaaradaha F-16 ee Turkey ayaa maanta joog hoose ku dul heehaabaya Muqdisho, si ay cabsi galiyaan shacab caraysan oo Ciidanka maamulka Xassan Shiikh ku horjooga xaafada Tokyo ee degmada Yaaqshiid. Sida ay tabinayso warbaahinta Muqdisho, diyaaradaha Turkey ayaa gacan siinaya ciidamada wata Cagafyada ee doonaya inay burburiyaan xaafadaha shacabka, iyagoo qeyb ka ah boobka dhulalka ee ka socda Muqdisho. Turkey ayaa horrey u sheegtay in diyaaradaha ay Muqdisho u keentay in ay ku ilaalsato saldhigyadooda Milateri iyo goobaha ay haystaan shirkaddahooda ee Dekedda iyo Airport Muqdisho, balse tan ayaa hadda is bedeshay. Dhowaan, Diyaaradaha Turkey ayaa qeyb ka noqday duullaankii…

Read More

Madaxweynaha Puntland, Said Abdullahi Deni ayaa caawa ku hoyday deegaanka Balli-busle ee degmada Jariiban, oo kamid ah deegaanada baaxada leh ee dhaca Barriga gobolka Mudug. Deegaanka Balli-busle ayaa taariikh ahaan udub dhexaad u ahaa xaqiijinta amniga Waddada Wadaagsin ee xiriirisa deegaanka Garacad oo hadda laga hirgeliyay Dekedda labaad ee Puntland iyo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Madaxweyne Deni ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu horreeyay ee Puntland ee ku hoyda deegaanka Balli-busle, waxaana loogu sameeyay maanta mid kamid ah soo dhaweynadeen u ballaarnaa ee socdaalkiisa Barriga gobolka Mudug. Bulshada deegaanka ayaa ka dalbaday Madaxweyne Deni in Balli-busle laga dhigo degmo, Madaxweynaha…

Read More

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa ku qaabilay Madaxtooyada Hargeysa siyaasiyad Fahiima Yuusuf Quuje, oo kamid ah haldoorka Sool Bari, dhowaana dib ugu laabatay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, kaddib markii ay ka quusatay maamulka uu Xassan Shiikh ka sameeyay Laascaanood. Madaxweyne Cirro ayaa uga mahadceliyay Fahiima Quuje ku soo noqoshada Somaliland. “Madaxweynaha Somaliland waxa uu si gaar ah ugu mahad naqay Siyaasiyad Fahiima Yusuf Quuje, isaga oo uga mahad naqay ku soo noqoshada dalkeeda iyo sida ay ugu soo hiratay ciiddeeda iyo calankeeda, taasoo wax ka tari karta gogosha nabadda iyo walaalaynta bulshada Somaliland ee bariga Gobolka Sool” ayaa lagu yiri…

Read More

Abiy Ahmed Ali ayaa isbedel ku sameeyay dastuurka dalka Itoobiya, isagoo tirtiray kursiga Ra’iisul Wasaaraha ee ku fadhiyay tan iyo April 2018, waxaana uu Awood siiyay kursiga Madaxweynaha. Abiy Ahmed ayaa noqonaya Madaxweynihii 1aad ee Awood leh oo Itoobiya yeelato, waxaana muddo-xileedkiisu noqon doonaa 6 sano, iyadoo la dooran karo labo jeer. Dastuurka cusub ee Itoobiya ayaa awood siinaya qoomiyadda Oromada, waxaana hoos loo dhigay mudnaanta dastuurkii hore siinayay qoomiyaddaha Amxaarada iyo Tigreega, oo Itoobiya si xiga u soo maamulay dalkaan muddo dheer. IDILNEWS

Read More

Madaxweynaha Puntland, H.E Said Abdullahi Deni ayaa saaka u amba-baxay socdaal uu ku marayo degmooyinka iyo deegaanada Barriga gobolka Mudug, waxaana goor-dhaweyd si weyn loogu soo dhaweeyay deegaanka Jeexdin. Socdaalka Madaxweynaha oo qaadan doona maalmo, ayaa la xiriira u kuurgalida xaalada bulshada ku dhaqan degmooyinka Barriga Mudug, waxaana uu xariga ka jari doonaa mashaariic horumarineed, isagoo dhagax dhigi doona mashaariic cusub. Madaxweyne Deni ayaa si gaar ah u xarig jari doona jambi cusub oo lagu daray Dekedda Garacad, kaas oo ay maalgalisay Dowladda Puntland. Inta uu ku sugan yahay Barriga gobolka Mudug, Madaxweyne Deni la kulmi doona bulshada deegaanada iyo…

Read More

Wasaaradda Amniga Dowladda Puntland ayaa sheegtay inay wado baaris ay ku sameynayso awoodo ka baxsan Puntland oo dabada ka riixaya kooxaha Burcad-badeeda ah ee ka Adduunka ka wada xeebaha Puntland. HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAFADEEDKA KASOO BAXAY WASAARADDA AMNIGA PUNTLAND. WAR SAXAAFADEED 21 August 2026 Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland waxay si adag u cambaareynaysaa, ugana soo horjeeddaa ficillada burcad-badeednimada ah ee beryahaan dambe ka soo cusboonaaday xeebaha Puntland, waxayna baaritaan gaar ah ku haysaa xogo sheegaya in ay jiraan awoodo ka baxsan Puntland oo qayb ka ah hawlgalada cusub ee Burcad-badeedda iyada oo gabaad looga dhiganayo masaaliix siyaasadeed iyo…

Read More

Ruth Anne Stevens-Klitz, ayaa loo magacaabay kuxigeenka Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, iyadoo maalmaha soo socda imaan doonta magaalada Muqdisho. Danjire Ruth Anne ayaa 25 sano ka shaqeeynaysay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka, waxaana hada ay ka howlgalaysay Safaarada Mareykanka ee dalalka Senegal iyo Guinea-Bissau, oo ay ka ahayd La-taliyaha Arrimaha Bulshada. Ruth Anne ayaa horey shaqooyin dublamaasiyadeed uga soo qabatay Safaaradaha Mareykanka ee dalalka Ethiopia, Egypt, Morocco, Germany, Israel, and Armenia, iyadoo xulashadeeda xafiiska Muqdisho ee xilligan ay tahay farriin dublamaasiyadeed oo ka timid Mareykanka, kuna wajahan Xassan Shiikh iyo maamulkiisa waqtigu ka dhammaaday 15 May. Kaddib imaanshaheeda Muqdisho, Ruth Anne…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kormeeray goobaha ay biyuhu fariistaan ee bartamaha magaalada Gaalkacyo, oo ay ka socoto shaqo isugu jirta baneyn iyo dumin dhismayaal si loo sameeyo marin-biyoodyo ay biyuhu maraan. Waxaan goobahan hore u calaamadeeyey injineerro baaritaanno ku sameeyey dhulka iyo marinnada biyaha ee magaalada Gaalkacyo. Ujeeddada kormeerka ayaa ahayd in Madaxweynuhu xog-ogaal u noqdo shaqada iyo qorshaha biyo-saarka magaalada. Waxaana uu warbixinno ka dhegaystay guddoonka gobolka, maamulka degmada iyo taliska qaybta, kuwaas oo ku sugnaa goobaha ay ka socdaan hawlaha duminta iyo furista marin-biyoodyada. Ugu dambayn, Madaxweynaha ayaa ugu baaqay bulshada iyo hay’adaha ay…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xarunta Madaxtooyada ee Gaalkacyo kulan kula qaatay qaar ka mid ah saraakiisha Ciidanka Dowladda Puntland ee ku sugan degmada Saaxo ee gobolka Mudug. Kulanka waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka daraawiishta, Gobolka Mudug, G/Sare Sharmarke Shiikh Doon Aadan Bare. Taliska Qeybta 60aad ee Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa ka howlgalla aag muhiim ah, waxaana dhowaan Dowladda Puntland ku dhawaaqday in dib u habeyn lagu sameyn doono, dibna Tababar (Feero) loogu celin Ciidanka ku sugan Taliskan. IDILNEWS

Read More

Degmooyinka Gaalkacyo, Buraan, Eyl iyo Bareedo ayaa ku guuleystay mashruuca Bulsho, oo ka shaqeeya horumarinta degmooyinka iyo maamul-daadajinta, sida ay shaacisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland. Wasaaradda ayaa sheegtay in codsiga ka qeyb noqoshada mashruuca Bulsho, ay soo gudbisteen 19 degmo, halka 16 degmo aysan wax codsi ah soo gudbisan. Afarta degmo ee helay mashruuca ayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland sheegtay in ay buuxiyeen shuruudaha ku xirnaa ka qeyb noqoshada mashruuca Bulsho. “Degmooyinka waxay soo kala xereeyeen xirmooyinka A, B iyo C waxaana lagu kala saaray shuruudaha loo dejiyey ee ku cad Haga Fulinta Mashruuca (POM). Sidaa awgeed waxaa ku…

Read More

Waxaa gabagabo maraya Mashruuca horumarinta korontada ee SESRP, oo ka socda caasimadda Dowladda Puntland ee Garoowe. Mashruucan oo uu maalgelinayo Bangiga Adduunka ayaa magaalada Garoowe ka hirgelinaya 10 MWp oo solar ah iyo 20 MWh oo kayd koronto ah, kuwaas oo si weyn u xoojin doona adeegga korontada. Waxaana fulinaya shirkadaha Asunim Renewable Energy iyo Renewvia Energy Africa. Inta badan shaqooyinka hirgelinta mashruuca ayaa lasoo dhameeyay, iyadoo inta harsan in lagu soo dhameystiri doono waqtiga loo qorsheeyay, si Garoowe u noqoto magaalo hesho adeeg koronto oo ku filan, raqiisna ah. Duqa caasimadda Garoowe iyo xubno kamid Gollaha deegaanka ayaa kormeey…

Read More

Hay’addaha caalamiga ah ee ka howlgalla Muqdisho ayaa ka digaya Qaraxyo waa weyn oo ka dhaca Muqdisho, iyagoo ku wargeliyay shaqaalahooda in aysan tagin goobaha ka dhow baraha kantaroollada ee Ciidanka Dowladda (Checkpoint). Weerarrada xalay ee Muqdisho ayay sheegeen inay dhaliyeen qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Hoos ka akhriso qoraalka ay la wadaageen shaqaalahooda. *INCIDENT ALERT* Incident: Multiple terrorist attacks | 22:15 EAT Loc: Mogadishu, Somalia 🇸🇴 Incident Level: HIGH (Level 3) – Multiple explosive attacks on security checkpoints in the capital *INCIDENT SUMMARY* On Tuesday, 18 August 2026, two explosions struck near a joint Somali Police Force and…

Read More

Qarax ayaa caawa ka dhacay aaga Zone-K ee degmada Hodan ee Muqdisho, iyadoo uu jiro khasaare ka dhashay. Qaraxa oo ahaa bam-gacmeed ayaa lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen ciidamo, waxaana lagu burburiyay camera CC-TV ah oo ay lahayd Hay’adda NISA. Kooxda Al-Shabaab ayaa hoos u dhigtay Qaraxyada ay ka geysato gudaha Muqdisho, waxaana la sheegay in kooxdu bedeshay qorshahooda dagaalka, ayna isku diyaarinayaan qabsashada Muqdisho, iyagoo hada isku fidinaya gobollada dhaca hareeraha Muqdisho. Dhanka kale, ilo sirdoon ayaa sheegaya in maamulka Xassan Shiikh, oo uu wakiil ka yahay Mahad Salad oo ah Agaasimaha Sirdoonka uu heshiis la gaaray Al-Shabaab,…

Read More

Madaxweynaha Puntland, H.E Said Abdullahi Deni ayaa ku wajahan degmooyinka dhaca bariga gobolka Mudug, isagoo xarig jar ku sameyn doona jambiga C ee Dekedda Garacad. Madaxweyne Deni ayaa kulamo la qaadan doona qeybaha kala duwan bulshada, isagoo dhagax dhigi doona mashaariic horumarineed. Diyaar-garowga soo dhaweynta Madaxweyne Deni ayaa si weyn uga socota deegaanada dhaca Waddada wadaagsin ee tagta Garacad. Shacabka ayaa si xamaasad leh u doonaya socdaalka Bariga gobolka Mudug ee Madaxweynaha Puntland. IDILNEWS

Read More

Dagaal culus ayaa ka bilowday magaalada Baydhabo, kaas oo u dhexeeya Ciidan taabacsan Cabdicasiis Laftagareen oo saaka la wareegay qeybo kamid ah xaafadaha Baydhabo iyo Ciidanka maamulka Xassan Shiikh oo magaalada ku haya Aadan Madoobe oo bilo kahor laga dhigay Madaxweynaha KGS. Wararka ayaa sheegay in dagaalka uu bilowday kaddib markii Ciidanka Laftagareen ay bilaabeen in ay isku sii fidiyaan goobaha muhiimka ah ee Baydhabo, daryanka hubka culus ayaa laga maqlayaa magaalada. Afhayeenka maamulkii Laftagareen ayaa sheegay in magaalada ay ka qabsadeen maamulka Dowladda Salbalaar oo afar bilood ka haystay, waxaana uu ugu baaqay shacabka KGS in ay Ciidamadooda la…

Read More

Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed Soomaaliya, ee taabacsan Madaxweyne Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen, ayaa saaka gudaha u galay magaalada Baydhabo, kaddib muddo afar bilood ah oo ay dibad joog ka ahaayeen. Afhayeenka maamulka Laftagareen ee laga qabsaday bilo kahor Baydhabo, ayaa sheegay in ay dib u qabsadeen magaalada, oo ay ka heysteen koox ay wadato dowladda Salbalaar oo uu ula jeedo (maamulka uu hoggaaminayo Aadan Madoobe ee Xassan Shiikh ka dhisay Baydhabo). Waxaa uu sheegay in ay Baydhabo ka wadaan hadda howlgallo, isagoo ugu baaqay shacabka in ay la shaqeeyaan ciidamada Daraawiishta ee la jira Laftagareen. IDILNEWS

Read More

Dowladda Puntland ayaa gabi ahaanba xirtay dhammaan waddooyinka xiriiriya waqooyiga magaalada Gaalkacyo iyo xaafada Baraxley ee koonfurta Gaalkacyo oo uu ka arimiyo maamulka Galmudug, uuna safar ku imaanayo Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Hassan Sheikh Mohamud. Xaafada Baraxley ayaa ah waxaa dega Beesha Sacad, Habargidir – Xassan Shiikh ayaa ku doodday in imaanshihiisu uu yahay mid ku booqanayo Koonfurta Gaalkacyo oo Beeshiisa degto. Ciidamo fara-badan oo katirsan Booliska Puntland ayaa la dhigay waddooyinka, waxaana la hakiyay isu socodka labada dhinac, si looga hortago in maleeshiyaad iyo kooxo abaabulan ay falal Amni-darro ka geystaan Gaalkacyo. Hoteelada Gaalkacyo ayaa sidoo kale laga mamnuucay in…

Read More

Madaxweyne Donald J. Trump ayaa guul weyn ka gaaray sharci muhiim ah oo saameyn kara kumannaan Soomaali ah oo ku nool Mareykanka. Allison Burroughs, oo Garsoore ka ah Maxkamad Federaal oo ku taal Boston ayaa qaaday hakin horey loogu sameeyay in maamulka Trump uu soo afjaro Barnaamijka TPS-ka (Temporary Protected Status), oo wh ilaalin ku-meel-gaar ah oo u ogalaanaya dadka dalal xaaladaha adag ka jiraan in aan masaafurin Mareykanka. Kumannaan Soomaali ah ayaa heysta TPS, balse aan haysan sharci kale oo ay ku joogi karaan Mareykanka, waxaana ay mar kasta halis ugu jiri karaan in laga masaafuriyo Mareykanka. Joojinta Barnaamijka…

Read More

Wasaaradda Cadaallada Puntland ayaa ka mamnuucday hoteellada, Apartment-yada iyo Guest house-yada ku yaal deegaanada Puntland in aysan degi karin lamaane aan haysan shahaadada Nikaaxa/Guurka oo ay bixiso Wasaaradda Cadaallada, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka Dowladda Puntland. Hoos ka akhriso waraaqda kasoo baxday Wasaaradda Cadaallada Puntland. Ku: Dhammaan Hoteelada Ku: Isuduweyaasha Wasaaradda Cadaaladda ee Gobollada Puntland Ku: Taliska Ciidanka Booliska Og: Wasaaradda Ganacsiga, Warsahadaha iyo Maalgashiga Og: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dimuqraadiyeynta Taariikhda: 16/08/2026 Rugahooda Rugahooda Dowladda Puntland Dowladda Puntland Dowladda Puntland UJEEDDO: CADEYNTA SHAHAADADA NIKAAXA QOYSKA Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Dastuurka, Diinta iyo Dhaqancelinta Dowladda Puntland, isagoo tixraacaya Shareecada Islaamka, qiyamka…

Read More

Laamaha Amniga Puntland ayaa howlgallo ka wada magaalada Gaalkacyo iyo deegaanada hoostaga, kuwaas oo lagu xaqiijinayo Ammaanka, loogana hortagayo falal Amni-darro oo ka dhaca magaalada iyo nawaaxigeeda. Howlgallada ayaa yimid kaddib markii la helay xog la xiriirta in Madaxweynaha maamulka waqtigiisu dhammaaday ee Muqdisho, Hassan Sheikh Mohamud uu imaanayo Koonfurta Gaalkacyo axada maanta, si uu abaabulo falal lidi ku Amniga iyo xasiloonida gobolka Mudug, una abuuro isku dhacyo colaadeed oo ka dhaca Gaalkacyo iyo deegaanada hoostaga. Sida aan ogaanay Hay’addaha Amniga Puntland ayaa helay xog rasmi ah, oo muujinaysa qorshe halis ah oo ku wajahan Gaalkacyo iyo degmooyinka kale ee…

Read More

Booliska gobolka Mudug ayaa gacanta ku dhigay eedeeysane Asad Faarax Silig oo Dil ka geystay maanta magaalada Gaalkacyo, dilayna marxuum Cabdulqaadir Maxamed Cali. Eedeeysanaha ayaa dilka kaddib ka baxsaday goobta uu dilku ka dhacay oo ku yaal xaafada Israac ee Gaalkacyo, waxaana Ciidanka Booliska gobolka Mudug oo howlgallo iyo baariraan sameeyay u suuragashay inay soo qabtaan. Taliska Booliska gobolka Mudug ayaa u mahadceliyay G/Sare Najiib Faarax Silig, oo ah walaalka eedeeysanaha, oo hoggaaminayay howlgalka soo qabashada eedeeysane Asad, kuna soo wareejiyay laamaha Amniga gobolka. Booliska gobolka Mudug ayaa sheegay in eedeeysane Asad Faarax Silig si degdeg ah loo horkeeni doono…

Read More

Heshiis ayaa laga maleeshiyaad hubaysan oo degnaa Xerada Ligle ee duleedka caasimadda Puntland ee Garoowe, kuwaas oo uu hoggaaminayay Jimcaale Jaamac Takar. Dadaalo socday muddo labo bilood ah ayna garwadeen ka ahaayeen Guddi ka kooban haldoorka gobolka Nugaal, uuna hoggaan u ahaa Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole. Guddiga ayaa wakiil ka ahaa Dowladda Puntland, si nabad loogu soo afmeero maleeshiyaadka oo horey uga tirsanaan jiray Ciidanka Dowladda Puntland, balse dib ka sheegay inay yihiin Ciidan Federal oo hoostagaan maamulka waqtigiisu dhammaaday ee Xassan Shiikh. Idilnews ayaa ogaatay in heshiiska uu soo degdeggay kaddib markii jimcihii shalay, ay Dowladda Puntland…

Read More

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro oo safar ugu maqnaa Dibedda ayaa dib ugu laabtay magaalada Hargeysa. Cirro ayaa kulamo siyaasadeed iyo kuwa dublamaasiyadeed ku galay dalka Kenya, waxaana dhowaan Nairobi kula shiray dublamayaasiyiinta shisheeye, kuwaas oo uu kala hadlay wada iskaashiga labo geesoodka ah ee Somaliland iyo saaxiibada caalamiga ah. Tan iyo markii uu xafiiska yimid, Cabdiraxmaan Cirro ayaa dardargeliyay xiriirka dublamaasiyadeed ee Somaliland la leedahay dalalka Dibedda, waxaan aqoonsi ka heshay Israa’iil oo uu booqasho ku tagay Cirro. IDILNEWS

Read More

War-saxafadeed kasoo baxay Taliska Booliska Dowladda Puntland ayaa lagu sheegay in dowladdu la wareegtay maleeshiyaadka hubeysnaa ee deegaanka Kuur-ilaalo ee degmada Rako-Raaxo ee gobolka Karkaar. WAR-SAXAAFADEED Rako-raaxo, Agoosto 14, 2026: Ciidanka Difaaca Puntland ayaa si rasmi ah u soo gabagabeeyay wejigii koowaad ee hawlgalka amni ee Gobolka Karkaar, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta amniga, soo celinta kala dambeynta iyo mideynta awoodda amni ee hoos timaadda hay’adaha dowladda. Maleeshiyaadkii hubaysnaa ee ku sugnaa deegaanka Kuur-ilaalo ee Degmada Rako-raaxo ayaa aqbalay inay ka mid noqdaan Ciidanka Difaaca Puntland. Ciidamadan ayaa lagu darayaa qaab-dhismeedka rasmiga ah ee Ciidanka, waxaana loo marayaa habraacyada…

Read More

Dowladda Puntland oo ka digtay qorshaha safarka Hassan Sheikh Mohamud ku imaanayo Koonfurta magaalada Gaalkacyo. Hoos ka akhriso War-saxafadeedka kasoo baxay Madaxtooyada Puntland. WAR-SAXAAFADEED GAALKACYO-PUNTLAND TAR: 13-AUGUST-2026 Madaxweynihii hore ee Dowladda Federalka ah, Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu weli ku hawlanyahay abaabulka colaad ka dhan ah Puntland. Dowladda Puntland waxay si dhow u la socotaa abaabulada qorshaysan ee uu Xasan Sheekh Maxamuud wado, waxayna ka digaysaa qorshaha safarka Xasan Sheekh uu ku imaanayo Koonfurta Gaalkacyo ee Dowladda Galmudug, taas oo uu uga golleeyahay in uu fidno iyo colaad ka abuuro Magaalada Gaalkacyo oo si nabad iyo xasilooni leh ay ugu wada…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa ugu baaqay bulshada kunool deegaanada dhaca xuduudka Puntland la wadaagto Itoobiya ilaalinta nabadgelyada labada dhinac. Madaxweyne Deni oo ka hadlayay kulan uu xalay la yeeshay bulshada degmada Bursaalax ee gobolka Mudug, ayaa xusay in Puntland iyo Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ay leeyihiin wada shaqeyn dhow, loogana baahan yahay bulshada kunool deegaanada xuduudka dhaca inay qeyb ka noqdaan adkeynta wada shaqeynta labada Dowladdood iyo in aysan gabaad u noqon dambiilayaasha kasoo baxsada Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. “Dowladda aan dariska nahay ee Itoobiya gaar ahaan maamulka Soomaalida ee ina soo xiga, waxaan muddadii u dambeysay…

Read More

Wasiir kuxigeenka Amniga Puntland, Cabdiraxmaan Yuusuf Dajaana iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa gaaray degmada Saaxo ee gobolka Mudug, iyagoo booqday Taliska Qeybta 60aad ee Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland. ‎ ‎Booqashada ayaa ujeeddadeedu ahayd dardargelinta amniga, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo maamulka, iyo sugidda xuduudaha Puntland, gaar ahaan deegaanada ku dhow xuduudaha Gobolka Mudug. ‎Mas’uuliyiinta ayaa kulan la yeeshay saraakiisha iyo ciidamada Taliska Qaybta 60-aad, iyagoo ka dhageystay warbixinno ku saabsan xaaladda amni, howlaha ciidanka iyo caqabadaha ka jira deegaanada ay mas’uuliyadda ka hayaan. Wasiir kuxigeenka Amniga Puntland, Cabdiraxmaan Dujaana ayaa ku dhiirageliyay Ciidamada ilaalinta Amniga iyo doorkooda Difaaca Puntland, si…

Read More

Xildhibaan Ilhan Omar oo kamid ah Congress-ka Mareykanka ayaa ku guuleysatay doorashada hore ee xisbiga dimuqraadiga ah ee degmada 5aad ee Minnesota. Ilhan ayaa heshay in kabadan 80% codadka, taasoo keentay guul muhiim ah ka hor doorashooyinka dhexe ee 2026. Mrs Omar ayaa Aqalka Congresska Mareykanka kusoo biirtay 2019, waxay taariikh ka dhigtay mid kamid ah labadii haween ee ugu horreeyay ee Muslim ah ee loo doorto Koongareeska iyo haweeneydii ugu horreysay ee Soomaali Mareykan ah oo ka ltirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka. Ilhan Omar ayaa cod hormuuda u ah xisbiga Dimuqraadiga, iyadoo si weyn loo yaqaan mowqifkeeda cad ee ku…

Read More

Madaxweynaha Puntland, H.E Said Abdullahi Deni ayaa maanta ku wajahan degmada Goldogob ee gobolka Mudug, halkaas oo uu kulamo kula yeelanayo maamulka degmada, saraakiisha iyo odayaasha dhaqanka oo uu ugu horreeyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed. Diyaar-garowga soo dhaweynta Madaxweyne Deni ayaa si weyn looga dareemayaa degmada Goldogob. Safarka Madaxweynaha ee Goldogob ayaa kusoo aadaya xilli si nabad ah xal looga gaaray maleeshiyaad hubeysan oo kasoo jeeda Goldogob, kuwaas oo horey u sheegay in ay yihiin Ciidan Federal, balse dadaalo ay sameeyeen Waxgaradka Beesha Leelkase lagu soo afjaray, kuna biireen Ciidanka Puntland, iyadoo la mariyay diiwaanka Ciidanka Dowladda, lana qorsheynayo in…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray wajiga koowaad ee wadada laamiga dheer ee isku xirata Bacaadweyn iyo Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo si casri ah loo dhisay. Wadada laamiga ah ee Bacaadweyn-Gaalkacyo qeybta xariga laga jaray ee la dhameystiray ayaa ah 20-KM oo isu mara deegaannada Heemo, Cagaaran, Horogle iyo laanta-dusmada, Dowladda ayaana mashruucan ku hirgelisay cashuurtii dadka oo dib-loogu celiyay dalka si loo horumariyo Kaabayaasha Dhaqaalaha Puntland. 13Km, oo ka mid ah 20-ka Km waxaa dhistay Shirkadda Wadaniga ah ee Kebarco Construction Co, halka 7km, ee kale ay dhistay Shirkadda…

Read More

Taliska Qeybta Booliska gobolka Mudug ayaa gacanta ku dhigay eedeeysane Cabdiqani Cumar oo ku eedeeysan dilka Farxaan Yuusuf Warsame, oo 4 bishan August ka dhacay Tuulada Af-Gub oo hoostagta degmada Bursaalax. Hoos ka akhriso qoraalka kasoo baxay Taliska Qeybta Booliska gobolka Mudug. Taliska Qaybta Booliska Gobolka Mudug, oo kaashanaya Taliska Qaybta Booliska Gobolka Sool, ayaa gacanta ku dhigay eedeysane C/Qani Cumar Cali, oo ku eedeysan dilka Marxuum Farxaan Yuusuf Warsame, kaas oo dhacay 4-tii Agoosto 2026. Eedeysanaha ayaa lagu qabtay degmada Laascaano, waxaana haatan lagu hayaa gacanta Booliska Gobolka Mudug, iyadoo la filayo in baaritaanno dheeraad ah lagu sameeyo kiiska.…

Read More

Ciidamada Itoobiya ayaa isaga guuray saldhigyadooda degmada Buurhakaba ee gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed, halkaas oo amnigeeda ay gacanta ku hayeen muddo ka badan 10 sanaddood. Dadka deegaanka ayaa aroornimadii saaka kusoo toosay guuritaanka Ciidamada Itoobiya, waxaana jirta cabsi soo food saartay bulshada oo la xiriirta in degmadu gacanta u gasho maleeshiyaadka kooxda argagaxisada ah ee Al-Shabaab. Todobaadyo kahor, Ciidanka Itoobiya ayaa ku wargeliyay maamulka Koonfur Galbeed iyo DFS baneynta saldhigyadooda Buurhakaba, waxaana xilligaa isku dhexyaac badan laga dareemay xafiisyada sare ee Baydhabo iyo Muqdisho. Qorshaha baneynta Ciidanka Itoobiya ee Buurhakaba ayaa qeyb ka ah guuritaanka Ciidamada Midowga Africa…

Read More

In kabadan 100 maxbuus oo kamid ah maleeshiyaadka ilma Diyaano, ee lagu qabtay howlgalkii Ciidamada Amniga Puntland ku galeen Xerada Gaalkacyo ayaa loo soo gudbiyay xabsiga weyn ee caasimadda Puntland ee Garoowe. Maxaabiista ayaa lagu qabtay xilli ay dagaal kula jireen Ciidanka Dowladda Puntland, ayna hoobiyayaal ku tuurayeen xaafada shacabka ee Gaalkacyo, kuwaas oo khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kasoo gaaray dad shacab ah. Idilnews ayaa ogaatay in ay maxaabiista ay la saari doono Maxkamad. IDILNEWS

Read More

Madaxweynaha Puntland, H.E Said Abdullahi Deni oo habeenimo xalay ka baxay caasimadda Puntland ee Garoowe ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Safarka Madaxweyne Deni ee Gaalkacyo ayaa la xiriira Arrimo dhowr ah, kuwaas oo ay ugu muhiimsan yihiin xoojinta Amniga, daahfurka mashaariic laga hirgeliyay iyo dhagax-dhiga kuwa cusub. Inta uu ku sugan yahay Gaalkacyo, Madaxweynaha ayaa kulamo la yeelan doona maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacyo, saraakiisha Hay’addaha Amniga gobolka, Isimmada dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka Mudug. IDILNEWS

Read More

Maleeshiyaadka uu haysto horjooge Jimcaale Jaamac Takar ee degan Xerada Ligle ee duleedka Garoowe ayaa go’aan laga gaaray, kaddib dadaalo ay wadeen todobaadyo Guddi kasoo jeeda Beesha Ciise Maxamuud. Qodobo dhowr ah ayaa la gaaray, kuwaas oo taabanaya jiritaanka maleeshiyaadka oo asal ahaan kasoo jeeda Ciidanka Kumaandooska Madaxtooyada Puntland ee DANAB, muddo sanad ahna sheegayay inay yihiin Ciidan Federal oo ka Amar qaata Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Xassan Shiikh Maxamuud. Qodobadda ayaa waxaa ugu muhiimsan; 1. In maleeshiyaadka laga galiyo diiwaanka Ciidanka Dowladda Puntland, laguna xareeyo dugsiyada tababarada ciidamada Puntland ee. 2. In Dowladda Puntland la wareegto gaadiid, hubka iyo…

Read More

Kulan u dhexeeyay Xubno katirsan Dowladda Puntland, Nabaddoono, Waxgaradka iyo horjoogayaasha hoggaaminayay maleeshiyaadka Beesha Leelkase ee ku jiray Xero Istaanbuul oo ka socday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug- ayaa soo idlaaday, kaddib saacado wada-hadal ah. Inta kulanku socday ayaa diirada lagu saaray in maleeshiyaadka kasoo jeeda Beesha Leelkase, ay ku biiraan Ciidanka Dowladda Puntland, kuwa diidana ay kala aadaan guryahooda, inta aysan dhammaan 48 saac ee uu Madaxweynaha Puntland, Said Abdullahi Deni u qabtay maleeshiyaadka sheegta in ay yihiin Ciidamo Federaal ee jooga deegaanada Puntland. Ugaaska Guud ee Beesha Tanade, Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed ayaa faray horjoogayaasha maleeshiyaadka Beesha…

Read More

Gollaha Wasiirada Dowladda Puntland oo maanta yeeshay kulankooda caadiga ahaa ayaa soo saaray go’aano waa weyn oo taabanaya Amniga Puntland, iyadoo Gollahu go’aamiyay in Hay’addaha cadaaladda la horgeeyo siyaasiyiinta iyo saraakiisha Ciidan ee abaabulay falalka Amni darro ee ka dhacay gudaha Puntland. Hoos ka akhriso War-saxafadeedka kasoo baxay Golaha Wasiirada Puntland. WAR SAXAAFADEED: 6 August 2026 Shirkii Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland ee qabsoomay maanta oo ay taariikhdu tahay 6-da Agoosto 2026, uuna shir guddoomiyey Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne ku Xigeenka ayaa si qoto dheer looga dooday xaaladda amni ee Puntland. Goluhu wuxuu bogaadiyey…

Read More

Puntland security forces have taken control of the military camp in Galkayo after clashes with rogue forces aligned with Somalia’s federal government, marking a major escalation between Puntland authorities and Mogadishu regime. The Puntland administration confirmed that the operation targeted a camp illegally operating inside its territory. Sources reported that Local community elders tried to mediate the conflict but objected by the militias linked to FGS. The incident highlights growing political and security disputes between Somalia’s federal government and the semi-autonomous Puntland region. IDILNEWS

Read More

Armed forces from Somalia’s semi-autonomous Puntland state have attacked a camp held by federal government troops in Galkayo, in the latest flare-up between Puntland authorities and the federal government, with Puntland forces subsequently taking control of a former Puntland Security Force (PSF) compound in Bosaso. Puntland President Said Abdullahi Deni told a news conference in the regional capital Garowe on Wednesday that the Galkayo assault was a “planned security operation” intended to send a “clear message to anyone working against the Puntland government.” The August 5 operation involved heavy fighting and artillery exchanges, reportedly causing civilian displacement and casualties. Earlier…

Read More

War-saxafadeed kasoo baxay Taliska Booliska Dowladda Puntland ayaa lagu sheegay in Ciidanka Amniga Puntland ay si nabad ah ula wareegeen Xerada maleeshiyaadka ilma Diyaano ee magaalada Boosaaso. Hoos ka akhriso War-saxafadeedka kasoo baxay Booliska Puntland. WAR-SAXAAFADEED Boosaaso, Agoosto 06, 2026: Ciidanka Difaaca Puntland ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay taliskii iyo xaruntii ay deggenaayeen maleeshiyaad hubaysan oo si sharci-darro ah isu ekeeysiiyay ciidamada amniga, kuwaas oo hore loogu yiqiin PSF, taas oo si buuxda ugu jirtaa gacanta Dawladda, waxaana la xaqiijiyey amnigeeda iyo maamulkeeda. Hawlgalkan wuxuu daba socdaa hawlgal amni oo qorshaysnaa oo shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kaas…

Read More

Cabdulaahi Diyaano oo horjooge u ah maleeshiyaadka ku jira Xerada Boosaaso ayaa xiriir lasoo sameeyay Saraakiisha Ciidanka Dowladda Puntland, isagoo ku wargeliyay in uu diyaar u yahay in Dowladda ay ku wareejiyaan Xerada, gaadiidka iyo hubka yaala. Idilnews ayaa ogaatay in go’aanka ilma Diyaano uu yimid kaddib markii ay Dowladdu diyaarisay howlgal ballaaran oo lagu xaqiijinayo Amniga magaalada Boosaaso, lagulana wareegayo Xerada Ciidanka horey loo oran jiray PSF, ee hada saldhiga u ah maleeshiyaadka ilma Diyaano. Dowladda Puntland ayaa u saartay Guddi saraakiil ah oo la wareega Xerada iyo agabka milateri ee yaal, iyadoo si nabad ah looga saari doono…

Read More

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya garoonka diyaaradaha Muqdisho, Cali Yuusuf Xoosh, oo ku magacaabnaa Wasiirka Arrimaha maamulka waqtigiisu dhammaaday ee Xassan Shiikh iyo Xildhibaan Ifraax Nooleeye ayaa ku dhex dagaallamay gudaha Qeybta VIP ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Dagaalka ayaa yimid kaddib markii Cali Xoosh uu erayo gaf ah kula kacay Xildhibaanad Ifraax Nooleeye, kuna tilmaamay “Naag Jirkeeda ka Ganacsata”, oo ka caraysiisay Xildhibaanada. Xildhibaanad Ifraax Nooleeye ayaa intaa kaddib u jawaabtay Cali Xoosh, waxaana taas keentay in uu Cali Gaab caroodo, kuna tuuro Mobile-kii uu watay Xildhibaanad Ifraax, iyadoo dhankeeda Xildhibaanadu KAB la dhacday Cali. Xubno kale oo…

Read More

War-saxafadeed kasoo baxay Booliska Dowladda Puntland ayaa faahfaahin looga bixiyay howlgalkii Ciidamada Amniga Puntland ku qabsadeen xerada ilma Diyaano ee Gaalkacyo, waxaana uu sheegay Booliska Puntland in ay ku qabteen 101 maxbuus, 60 dhaawac ah iyo hub Dowladda Shiinaha ay ugu deeqday Booliska Federaalka Soomaaliya. Hoos ka akhriso War-saxafadeedka Booliska Puntland. WAR-SAXAAFADEED Gaalkacyo, Agoosto 05, 2026: Ciidanka Difaaca Puntland ayaa maanta si guul leh u soo gabagabeeyey hawlgal amni oo qorshaysnaa kana dhacay magaalada Gaalkacyo, kaas oo lagu bartilmaameedsaday kooxo hubaysan oo ku sugnaa magaalada, kuwaas oo falalkoodu khatar ku ahaa amniga iyo kala dambeynta. Hawlgalka ayaa lagu soo qabtay…

Read More

Taliska Ciidanka Booliska Dowladda Puntland ayaa war kasoo saaray howlgalka lagu galay xerada ilma Diyaano ee Gaalkacyo, kaas oo lasoo afmeeray. Hoos ka akhriso War-saxafadeedka kasoo Booliska Puntland. WAR-SAXAAFADEED Gaalkacyo, Agoosto 05, 2026: Ciidanka Amniga Puntland ayaa maanta hawlgal amni ka fuliyey magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, halkaas oo lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad hubaysan oo khatar ku ahaa amniga, xasilloonida iyo kala dambeynta dalka. Hawlgalka ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo sarreynta sharciga, ilaalinta shacabka iyo ciribtirka kooxaha hubaysan ee isku daya inay wax u dhimaan nabadda iyo amniga. Hawlgalku weli wuu socdaa,…

Read More

Maxamuud Diyaano iyo maleeshiyaadka taabacsan ayaa dalbaday in ay isku dhiibaan Ciidanka Dowladda Puntland, lagana joojiyo hubka culus ee ku socda xerada ay ku jiraan oo ku taala xeyndaabka garoonka diyaaradaha Cabdulaahi Yuusuf ee Gaalkacyo. Saraakiisha Ciidanka Puntland ayay xiriir lasoo sameeyeen, waxayna codsadeen in ay isku dhiibaan Ciidanka Dowladda, sida uu u xaqiijiyay Idilnews mid kamid ah saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka xaqiijinta Amniga gobolka Mudug. Maxamuud Diyaano ayaa loo sheegay in uu soo gudbiyo muuqaalka dalabka is dhiibistooda, ayna u soo baxaan banaanka xerada iyagoo gacmaha taagaya. Dalabka is dhiibistooda ayaa yimid kaddib markii khilaaf soo kala dhexgalay Maxamuud Diyaano…

Read More

Howlgal ballaaran oo ku bilowday hubka culus, ayna fulinayaan Ciidanka Amniga Puntland ayaa ka socda magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Ciidanka Puntland ayaa madaafiic la dhacaya xerada ilma Diyaano ee Gaalkacyo oo ku taalla xeyndaabka garoonka diyaaradaha Cabdulaahi Yuusuf, waxaana ciidamada lugta kusii siqayaan aaga Xerada. Sidee Dagaalku ku bilowday ? Maleeshiyaadka Ilmo Diyaano ayaa aroornimadii hore ee saaka hoobiyayaal ka riday xeradooda, kaddib markay dareemeen dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo ka socda farriisimaha Ciidanka Puntland ka sameysteen nawaaxiga xeradooda. Mid kamid ah hoobiyayaasha ayaa ku habsaday xaafado ku yaala Barriga Gaalkacyo, gaar ahaan Buula-dooro, kuwaas oo sababay dhaawacyo, waxaana intaa…

Read More

Ciidanka Amniga Dowladda Puntland ayaa billaabay howlgal ballaaran oo lagu soo afjarayo maleeshiyaadka ilma Diyaano ee ku sugan magaalada Gaalkacyo. Howlgalka ayaa ku bilowday hubka culus, waxaana qorshuhu yahay in lasoo afmeero saacado gudahood. Waddooyinka gala aaga dagaalku ka socdo oo ah Xero Ciidan horey loo oran jiray PSF ayaa maalmihii lasoo dhaafay xirnaa. Faahfaahin kala socod idilnews

Read More

Gollaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ka digay colaada maamulka waqtigiisu dhammaaday ee Xassan Shiikh Maxamuud uu ka hurinayo magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan hubka iyo ciidamada ay ku daabulayso magaalada oo sababi kara xiisad colaadeed iyo xasilooni darro saameysaa wada noolaanshaha bulshada Puntland iyo Galmudug. War-saxafadeed kasoo baxay Golaha Mustaqbalka ayaa lagu sheegay in dagaalka maanta ka dhacay Koonfurta Gaalkacyo uu ahaa masuuliyad darro uu ku kacay Xassan Shiikh. Hoos ka akhriso War-saxafadeedka Gollaha Mustaqbalka. WARSAXAAFADEED Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu si adag u cambaareynayaa hubka iyo ciidamada uu Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday, Xasan Sheekh Maxamuud, ku daabulayo magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo abuuray xiisad…

Read More

War-saxafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Dowladda Puntland ayaa lagu boggaadiyay maamulka iyo shacabka Galmudug ee maanta ka hortagay hub iyo saanad kale oo Ciidan oo maamulka waqtigiisu dhammaaday ee Xassan Shiikh maanta ka dajiyay garoonka diyaaradaha koonfurta magaalada Gaalkacyo. Hubka oo loo waday dhinaca Puntland ayaa ay qabsadeen maleeshiyaad hubeysan oo kasoo jeeda Koonfurta Gaalkacyo. Hoos ka akhriso War-saxafadeedka kasoo baxay Madaxtooyada Puntland. WAR-SAXAAFADEED GAROOWE-PUNTLAND DATE: 04-AUGUST-2026 Dowladda Puntland waxay cambaaraynaysaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ee wakhtigeedu dhammaaday, oo ciidan iyo hub ku soo daabulaysa deegaannada Dowladda Puntland. Maantay, August, ayey DFS hub kale kasoo dejisay Magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan dhinaca Gamudug,…

Read More

Hub uu maamulka waqtigiisu dhammaaday ee Xassan Shiikh ka dejiyay garoonka diyaaradaha Koonfurta magaalada Gaalkacyo, loona wadday maleeshiyaadka ilma Diyaano ayaa la dhacay, kaddib markii ay jidka u galeen maleeshiyaad hubaysan. Hubka oo u badnaa hoobiyayaal, lagana soo saaray kaydka Ciidanka Xoogga Dalka Muqdisho, ayaa lagu soo qaaday diyaarad. Waxaana ayaa qorshuhu ahaa in la geliyo Xerada ay ku jiraan maleeshiyaadka ilma Diyaano ee uu horjoogaha u yahay Maxamuud Diyaano, taas oo ay hareereeyeen Ciidanka Dowladda Puntland. Sirdoonka Puntland ayaa si dhow ula socday hubkan, waxaana laamaha Ammaanka gobolka Mudug lagu wargeliyay soo qaadista hubka iyo dajintiisa. Maleeshiyaadka hubka qabsaday…

Read More

Ciidamo wata gaari ayaa kasoo goostay xerada ilma Diyaano ee magaalada Boosaaso, kaddib khilaaf maalmaha ka jira gudaha xerada oo horay saldhig ugu ahayd Ciidamada horey loo oran jiray PSF, iyagoo isku soo dhiibay Ciidanka Amniga Dowladda Puntland. Idilnews ayaa ogaatay in Ciidanka oo shalay kasoo goostay xerada ilma Diyaano ay dhan yihiin ilaa 20 Askari, kuwaas oo uu hoggaaminayo Sarkaal lagu magacaabo Kornayl Shariif Cali Gamgam. Waxaana ay wataan gaari Takniko ah iyo hubkooda. Sarkaal iyo Ciidanka soo goostay ayaa la geeyay goob loo diyaariyay oo Ciidan, waxaana jira xiriiro ay soo saameynayaan Askar kale oo katirsan Ciidanka horey…

Read More

Dadaalo ay hormuud u ahaayeen Waxgaradka gobolka Mudug, lana doonayay in si nabad ay isku dhiibaan maleeshiyaadka hubaysan ee ay haystaan Ilma Diyaano ayaa guuldareystay, kaddib markii ay ka dhago adeegeen soo jeedin ka timid Waxgaradka. Waxgaradka ayaa maleeshiyaadka, oo uu hoggaaminayo Maxamuud Diyaano ee degan Xero Ciidan oo ku taalla xeyndaabka garoonka diyaaradaha Gaalkacyo la yeeshay kulamo, waxaana ay u soo jeediyeen inay isku dhiibaan dowladda, ayna dhankooda dhameyn doonaan khilaafka jira, laguna dari doono Ciidanka Dowladda Puntland. Maxamuud Diyaano oo xiriir toos ah la sameynayay Walaalkii Asad Diyaano oo maamulka waqtigiisu dhammaaday ee Xassan Shiikh ugu magacaaban Taliyaha…

Read More

Madaxtooyada Jubbaland ayaa sii daysay qoraal iyo sawirro ku saabsan kulan dhexmaray Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan iyo Wafti Sare oo ka socday Dowladda Mareykanka uuna hoggaaminayay Xildhibaan Ronny Jackson oo katirsan Congress-ka Mareykanka, ayna qeyb ka ahaayeen 10 Xildhibaan iyo Kuxigeenka Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya. Jubbaland ayaa sheegtay in kulanka oo qabsoomay 29kii July, lagu go’aamiyay iskaashi toos ah oo dhexmara Jubbaland iyo Mareykanka, kaas oo ku wajahan dagaalka argagaxisada iyo taageerada Mareykanka ee Amniga iyo horumarinta Jubbaland. Hoos ka akhriso qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland. Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Magaalada Kismaayo ku qaabilay 29-kii…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland, H.E Said Abdullahi Deni, ayaa maanta Garoowe kaga qayb galay aaska qaran ee Alle ha u naxariistee Muuse Maxamed Guure (Diibeeye), oo ka mid ahaa aas-aasayaashii Dowladda Puntland, door weynna ku lahaa dhismaheedii sanadkii 1998. Madaxweynaha ayaa tacsi u diray qoyska, ehelka iyo dhammaan shacabka reer Puntland, isaga oo Alle uga baryey marxuumka inuu naxariistiisa Jannatul Firdowsa ka waraabiyo, ehelkii iyo ummaddana ka siiyo samir iyo iimaan. Waxa uu sidoo kale xusay in marxuumku ka tagay dhaxal iyo taariikh wanaagsan oo lagu xusuusan doono. IDILNEWS

Read More

Dowladda Somaliland ayaa sheegtay in helitaan Israa’iil iyo heshiisyada ay wada gaareen labada uu horseed u noqday in Somaliland hesho quwan weyn. Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi ayaa sheegay in uusan jiri doonin dal kusoo degdegi doona Somaliland. “Aqoonsiga Israa’iil waxa uu keenay in dalkan Somaliland uu helo quwad weyn oo uu ku tiirsan yahay, mana jiri doonto cid ama dalal kale oo inagu soo degdegi doona oo aynu la cawlaan doono. Markaa aqoonsiga Israa’iil waxyaabo badan ayuu ka caawinayaa Somaliland.” Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi. Tan iyo markii Somaliland heshiiska la gaartay Israa’iil, uuna booqday Madaxweyne Cabdiraxmaan…

Read More

Sida horey u tabinay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa ku qaabilay magaalada Boosaaso Wafti Sare oo ka socda Dowladda Mareykanka, uuna hoggaaminayay Taliyaha hawlgalka gaarka ah ee AFRICOM Major Gen Claude Tudor. Kulanka oo ka qabsoomay garoonka diyaaradaha Boosaaso, ayaa lagu lafa-guray iskaashiga Amni ee Puntland iyo Mareykanka, iyadoo lagu saxiixay heshiis lagu kordhinayo joogitaanka Mareykanka ee gudaha Puntland, laguna ballaarinayo saldhigiisa Military ee garoonka diyaaradaha Boosaaso. Maxaan ka ognahay sadarada hoose ee heshiiska ? Idilnews ayaa ogaatay in heshiiska Puntland iyo Mareykanka, uu dhigayo qodobo waa weyn oo taabanaya Amniga Puntland iyo danaha istiraatiijiga ah ee Mareykanka, kuwaas…

Read More