Dowladda Puntland ayaa gabi ahaanba xirtay dhammaan waddooyinka xiriiriya waqooyiga magaalada Gaalkacyo iyo xaafada Baraxley ee koonfurta Gaalkacyo oo uu ka arimiyo maamulka Galmudug, uuna safar ku imaanayo Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Hassan Sheikh Mohamud.
Xaafada Baraxley ayaa ah waxaa dega Beesha Sacad, Habargidir – Xassan Shiikh ayaa ku doodday in imaanshihiisu uu yahay mid ku booqanayo Koonfurta Gaalkacyo oo Beeshiisa degto.
Ciidamo fara-badan oo katirsan Booliska Puntland ayaa la dhigay waddooyinka, waxaana la hakiyay isu socodka labada dhinac, si looga hortago in maleeshiyaad iyo kooxo abaabulan ay falal Amni-darro ka geystaan Gaalkacyo.
Hoteelada Gaalkacyo ayaa sidoo kale laga mamnuucay in ay degaan xubnaha la socda safarka Xassan Shiikh, laamaha Amniga Puntland ayaa diiday in cid kasoo talowday xaafada Baraxley, inta uu ku sugan yahay Xassan Shiikh ay soo gasho gudaha waqooyiga magaalada Gaalkacyo.
Dhanka kale, siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo jeeda Beesha degtay xaafada Baraxley ayaa wada dadaalo ay uga hortagayaan in Xassan Shiikh uu fitno galiyo dadkooda, lagana abaabulo magaalada colaad, xiriiro ay kasoo sameeyeen dowladda Puntland ayayna ku muujiyeen sida aysan marnaba raali uga noqon karin doonista Xassan Shiikh ee la xiriirta in loo curiyo colaadaha gobolka, oo Puntland waqti galisay in aysan dib u soo laaban sanadihii Xassan uu Villa Somalia joogay.
IDILNEWS
