Imaaraadka iyo Puntland,waxaa ka dhaxeeya qadiyo waa weyn oo kala ah…..
1.Nidaamka baahsan ee awoodaha heerarka kala duwan ah oo ay ka siman yihiin PL iyo Imaaraadka.
- Juquraafiga halka ay ku kala yaalaan.
- Amniga oo ay khataro badan ka midaysan yihiin.
- Diinta iyo dhaqanka oo ay wadaagaan in badan.
5.Ganacsiga iyo dhaqaalaha oo ay isku xiran yihiin taariikhiyan.
Imaaraadku,wuxuu maalgashanayaa quluubta Shacabka Puntland ee ma maalgashanayo shaqsi.
Tusaale?
Wuxuu taageeraa amniga,Kaabayaasha dhaqaalaha, ganacsiga iyo adeega Bulshada Puntland.
Muhiimada Imaaraadku mahan siyaasiga Kursiga ku fadhiya ee dhamaan Madaxdii PL soo wada martay,waa la shaqeeyay,isla markaana faragelin qaawan kuma sameeyo doorashada Puntland.
Deni iyo Imaaraadka?
Mw Deni taageerada Imaaraadka ee PL,wuxuu ka dhigay mid shaqsiyadeed oo isaga ku kooban….
- Wuxuu badalay Wakiilkii PL ee Imaaraadka Safiya Basey oo ahayd Gabar saamayn ku lahayd Wadankaas markii la doortay,wuxuu booskii gaystay Walaalkii Xasan Deni,wuxuuna uga dan lahaa cid kale in aysan wax ka ogaan arimaha Imaaraadka.
- Wuxuu badalay Agaasimihii Ciidamada Bada,isagoo meesha ka saaray Talyihii Ciidamada oo maamulkii iyo hogaamintii Ciidanka,wuxuu uwada dhiibtay Wiil ay Ilmo adeer yihiin oo aan lahayn khibrad Ciidan habayaraatee,isla markaana adeegii Saadka Ciidamada oo ay haysteen Shirkado gaar loo leeyahay,isaga,ayaa qaatay oo Shirkado usamaystay.
- Solarkii Korontada Bosaso ee Imaaraadku ugu deeqay Magaalada,isaga,ayaa qaatay Mw Deni oo ka dhigtay Shirkad gaar loo leeyahay.
- Madaxtooyada Puntland,waxay ka heshaa Imaaraadka Kabid Miisaaniyadeed cid la og Mw Deni majirto oo laguma muujiyo Miisaaniyada.
- Dekeda iyo garoonka Bosaso Shirkad ahaan,ayuu ula galay heshiiska Mw Deni ee ulama gelin Dowlad ahaan lamana hor keenin Baarlamaanka.
- Hawlgalka Calmiskaad,waxay Imaaraadku ku bixiyaan si Maalinle ah $15 ×4000- Askari ,mana jirto cid la og oo Miisaaniyada kuma jirto.
- Booliska horumarintiisa,waxay ku bixiyaan Imaaraadku Malaayiin Dolar mana jirto cid la og Mw Deni oo Miisaaniyada kuma jirto.
- Ciidanka Badda,waxay Imaaraadku ku bixiyaan Sanadkii $30-Milyan mana jirto cid la og oo Miisaaniyada kuma jirto.
Gunaanad:-
Imaaraadku,waa og yahay waxa socda,waxaana aad udhibaya Laba qodob oo kala ah….
B. Xiriir la’aanta Mw Deni ee Bulshada iyo haldoorka PL.
T. Xiriirkoodii oo Deni ka dhigay mid shaqsi oo Dadkii reer PL ay usii arkayaan in ay Nin garabgalayaan ee aysan garab galayn Puntland.
Imaaraadku mid,waa ku faraxsan yihiin,taasoo ah daacadnimada Deni ee gaarsiisan 100%.
Haatan,waxay bilaabeen in ay toos ula xiriiraan haldoorka reer PL oo ay ka shaqeeyaan Deni in aysan la dhiman sidii ku dhacday Qatar oo la dhimatay Fahad iyo Farmaajo.
JQ.
