Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Jubbaland oo shaacisay xogta kulankii Waftiga Sare ee Mareykanka
    Somalia

    Jubbaland oo shaacisay xogta kulankii Waftiga Sare ee Mareykanka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 3, 2026No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxtooyada Jubbaland ayaa sii daysay qoraal iyo sawirro ku saabsan kulan dhexmaray Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan iyo Wafti Sare oo ka socday Dowladda Mareykanka uuna hoggaaminayay Xildhibaan Ronny Jackson oo katirsan Congress-ka Mareykanka, ayna qeyb ka ahaayeen 10 Xildhibaan iyo Kuxigeenka Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya.

    Jubbaland ayaa sheegtay in kulanka oo qabsoomay 29kii July, lagu go’aamiyay iskaashi toos ah oo dhexmara Jubbaland iyo Mareykanka, kaas oo ku wajahan dagaalka argagaxisada iyo taageerada Mareykanka ee Amniga iyo horumarinta Jubbaland.

    Hoos ka akhriso qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland.

    Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Magaalada Kismaayo ku qaabilay 29-kii Luulyo 2026, wafdi uu hogaaminayay Xildhibaan Ronny Jackson, oo ka koobnaa 11 Xildhibaan oo ka tirsan Koongareeska Maraykanka, Ku-simaha Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya, Justin Davis, iyo masuuliyiin kale.

    Kulanka ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga laba geesoodka ah ee dagaalka lagula jiro argagixisada, iyo sidoo kale taageerada Dowladda Maraykanka ee dhinacyada amniga, dhismaha hay’adaha dowlada, iyo arrimaha kale ee muhiimka u ah horumarka Jubaland.

    Masuuliyiinta heerka Sare ah ee kasocday Dowladda Maraykanka ayaa bogaadiyey dadaallada joogtada ah ee Dowladda Jubaland ay sannado badan ku bixisay la-dagaallanka argagixisada. Waxay sidoo kale bogaadiyeen guulihii u dambeeyey ee ay gaareen Ciidamada Ammaanka Jubaland iyo Kumaandooska Danab qeybta Jubaland, oo iyagoo kaashanaya AFRICOM fuliyey hawlgallo wadajir ah oo lagu wiiqayo argagixisada.

    Dowladda Jubaland waxay uga Mahad celisay Dowladda Maraykanka taageerada joogtada ah ee ay mudada dheer u fidinaysay shacabka Soomaaliyeed.

    Madaxweynaha waxaa kulanka ku weheliyey Xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin, Xoghayaha Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka 11-aad ee Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Mursal Maxamed Khaliif, Guddoomiyaha Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanka Soomaaliya iyo Maraykanka iyo Xildhibaan Cabdirashiid Jire Qalinle, Wakiilka Dowladda Jubaland ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.

    —DHAMMAAAD—

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Deni oo ka qeybgalay Aaska AUN Muuse Diibeeye

    August 3, 2026

    Somaliland “Israa’iil waa quwad weyn, mana jiri doonto cid nagu soo degdegta”

    August 3, 2026

    Akhriso: 7 Qodob oo ku duugan heshiiska Puntland iyo Mareykanka

    August 2, 2026
    Latest Posts

    Jubbaland oo shaacisay xogta kulankii Waftiga Sare ee Mareykanka

    Madaxweyne Deni oo ka qeybgalay Aaska AUN Muuse Diibeeye

    Somaliland “Israa’iil waa quwad weyn, mana jiri doonto cid nagu soo degdegta”

    Akhriso: 7 Qodob oo ku duugan heshiiska Puntland iyo Mareykanka

    Akhriso: Ciidanka Puntland oo Amar culus la dul-dhigtay, loona digay

    Muxuu dhigayaa heshiiska Puntland iyo Mareykanku gaareen ?

    Madaxweyne Deni oo kulamo Amni ka bilaabay Boosaaso

    Madaxweyne Deni oo safar degdeg ah galabta ku aaday Boosaaso

    Afar Arrimood oo Xassan Shiikh ku doonayay carqaladeynta Dabaal-degga Xuska 1da August

    In Response to the Statement on X on Galkacyo and Puntland by Former Somali PM, Mr Sharmake

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.