Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweyne Deni oo kulamo Amni ka bilaabay Boosaaso
    Puntland

    Madaxweyne Deni oo kulamo Amni ka bilaabay Boosaaso

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 2, 2026No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Puntland, Said Abdullahi Deni ayaa kulamo Amni ka bilaabay magaalada Boosaaso, isagoo la kulmay xubno muhiim u ah la-dagaallanka argagaxisada, oo kamid ah Taliyaha Aaga Calmiskaad.

    Kulanka ayaa looga hadlay dardargelinta howlgalka Ciribtirka argagaxisada Daacish, ee ka socda buuraleyda Calmiskaad, xilli Ciidanka geesiyaasha ah ee Puntland ay weli ku guda jiraan sifeynta firxadka argagaxisada.

    “Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Safar shaqo ku jooga Boosaaso, ayaa kulan ku saabsan Amniga Guud iyo dardargelinta dhameystirka howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee ka socda Calmiskaad, la qaatay Saraakiisha Amniga, iyadoo kulanka ay ka qeybgaleen xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, La-taliyeyaal Madaxweyne, Maamulka Gobolka Bari iyo saraakiisha howlgalka Calmiskaad” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo lagu baahiyay barta Facebook ee Madaxtooyada Puntland.

    Dowladda Puntland ayaa qorsheynaysa in lasoo afmeero firxadka argagaxisada Daacish bilaha soo socda, iyadoo ka guda gali doono howlgalka sifeynta buuraleyda Calmadow oo joogis ku leedahay kooxda argagaxisada ah Al-Shabaab.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Akhriso: Khudbadda Madaxweyne Deni ka jeediyay furitaanka Kalfadhigga 59aad ee Baarlamaanka

    October 25, 2026

    Puntland oo mamnuucday in hub lagu dhex qaato magaalooyinka G. Mudug

    October 25, 2026

    Madaxweyne Deni oo ku wajahan magaalada Gaalkacyo

    October 24, 2026
    Latest Posts

    Akhriso: Khudbadda Madaxweyne Deni ka jeediyay furitaanka Kalfadhigga 59aad ee Baarlamaanka

    Puntland oo mamnuucday in hub lagu dhex qaato magaalooyinka G. Mudug

    Madaxweyne Deni oo ku wajahan magaalada Gaalkacyo

    XOG: Khilaaf soo kala dhexgalay mucaaradka Muqdisho, Rooble, Odawaa iyo Guuleed oo la saarayo

    Labo Tallaabo oo laga sugayo Madaxweyne Deni oo kusoo laabtay Garoowe

    Gollaha Wasiirada Puntland oo ka hadlay hubinta Amniga Ajaanibta

    Liibaan Tahliil oo la wareegay Wiilkii loo xukumay

    Akhriso: Puntland waxay u baahan tahay Isla xisaabtan dhab ah

    WARBIXIN: Dhoofka Dahabka ee Puntland (Cadadka dahabka iyo deegaanada laga soo saaro).

    XOG: Waa kuwee Agaasimayaasha uu xilka ka qaadi doono Deni maalmaha soo socda?










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.