Madaxweynaha Puntland, Said Abdullahi Deni ayaa kulamo Amni ka bilaabay magaalada Boosaaso, isagoo la kulmay xubno muhiim u ah la-dagaallanka argagaxisada, oo kamid ah Taliyaha Aaga Calmiskaad.
Kulanka ayaa looga hadlay dardargelinta howlgalka Ciribtirka argagaxisada Daacish, ee ka socda buuraleyda Calmiskaad, xilli Ciidanka geesiyaasha ah ee Puntland ay weli ku guda jiraan sifeynta firxadka argagaxisada.
“Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Safar shaqo ku jooga Boosaaso, ayaa kulan ku saabsan Amniga Guud iyo dardargelinta dhameystirka howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee ka socda Calmiskaad, la qaatay Saraakiisha Amniga, iyadoo kulanka ay ka qeybgaleen xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, La-taliyeyaal Madaxweyne, Maamulka Gobolka Bari iyo saraakiisha howlgalka Calmiskaad” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo lagu baahiyay barta Facebook ee Madaxtooyada Puntland.
Dowladda Puntland ayaa qorsheynaysa in lasoo afmeero firxadka argagaxisada Daacish bilaha soo socda, iyadoo ka guda gali doono howlgalka sifeynta buuraleyda Calmadow oo joogis ku leedahay kooxda argagaxisada ah Al-Shabaab.
IDILNEWS
