Maamulka Xassan Shiikh Maxamuud ayaa qaaday Afar arrimood oo la doonayay in lagu caqabadeeyo Munaasabadda Xuska 1da August oo deegaanada Puntland looga dabaal-deggayo 28 sano-guurada kasoo wareegtay Aasaaskii Dowladda Puntland.
๐๐๐๐๐๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ ๐๐๐ฅ.
Idilnews ayaa ogaatay in Xassan Shiikh uu ku amray xubnaha maamulkiisa ee kasoo jeeda deegaanada Puntland inay abaabulaan isku dhacyo hubaysan oo ka dhaca gudaha Puntland, kuwaas oo ay fuliyaan maleeshiyaadka ay diiwaangeliyeen ee ay lacagta uga qaataan.
Tallaabada ayaa looga gol lahaa in Ciidanka Puntland laga mashquuliyo u diyaargarowga Xuska 1da August, maadama ay mari doonaan Waddada halbowlaha ah ee Garoowe, si ay u soo bandhigaan Awooddooda. Dowladda Puntland ayaa arrintaan ka hortagtay, waxaana la burburiyay shabakaddo hubaysan oo qorshahaan fulintiisa ku howlanaa, kuwaas oo dhinac kamid ah lagu sameeyay hub ka dhigis.
๐๐ฌ ๐๐จ๐จ๐ซ๐๐ฌ๐ก๐๐๐ ๐๐๐ฅ๐ฆ๐ฎ๐๐ฎ๐ .
Maamulka Xassan Shiikh ee Muqdisho ayaa abaabulay Barnaamij kale oo la doonayo in xaalad looga abuuro Gaalkacyo, waxaana la sheegay in doorasho Galmudug lagu qaban doono Koonfurta Gaalkacyo 30 July, iyadoo xaafada Baraxley laga dajiyay maleeshiyaad iyo xubno uu kamid yahay Raโiisul Wasaare kuxigeenka maamulka waqtigiisu dhamaaday Saalax. Tan ayaa looga gol lahaa in Puntland lagu furo jiho cusub oo mashquulin ah iyo in Raโiyi caamka bulshada lagu jiheeyo doorasho la yaqaan cida kusoo baxaysa.
Arrinta ayaa waxba ka bedeli weyday baraha Internet-ka iyo jawiga dabaaldegga gudaha Puntland, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.
๐๐๐๐ซ๐ฅ๐๐ฆ๐๐๐ง๐ค๐ข๐ข ๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐ฅ๐๐๐๐๐ก๐ข ๐ฅ๐จ๐จ ๐๐ฎ๐ซ๐๐ฒ๐!.
Dhacdo kale oo maamulka Xassan Shiikh ee waqtigiisu dhamaaday doonayay in baraha bulshada ku jahwareeriyo si looga mashquulo xuska 1da August ee Puntland ka socda, waa waraaq kasoo baxday Golaha Shacabka Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday ee Federaalka, taas oo lagu sheegay in ay yeelan doonaan 1da August furitaanka Kalafadhiga 8aad.
Waraaqdan ayaa wax saameyn ah ku yeelan dabaaldegyada ka socda Puntland. Xassan Shiikh ayaa filayaa in berri uu Baarlamaankii hore ka jeediyo khudbad nuxurkeedu yahay โ๐๐ผ๐๐ฝ๐ผ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ผ๐๐ฟ ๐๐๐ ๐๐๐ผ๐๐ ๐๐ผ๐๐ ๐๐ ๐๐ ๐๐ ๐ฟ๐๐๐ผ๐๐ ๐๐ผ๐ฟ๐ผ๐๐๐๐๐๐ผ๐๐ผ ๐ฟ๐๐๐๐ผ๐ฟ๐ฟ๐ผ ๐๐๐๐๐๐ผ๐๐ฟโ.
๐๐๐๐๐ซ ๐๐๐ฆ๐ณ๐ ๐๐ ๐๐๐๐ฌ๐๐๐๐ง๐จ๐จ๐!
Dhacdo kale oo yaab leh, waa in Xassan Shiikh uu u yeeray Xamze Cabdi Barre oo ku magacaabnaa 4 sano ee lasoo dhaafay Raโiisul Wasaaraha maamulka waqtigiisu dhamaaday, oo ku sugnaa dalka Masar oo u joogay Arrimo qoys, maadama xaaska iyo carruurtiisu ku sugan yihiin.
Xamze ayuu ku amray in uu sabtida berri ah tago Laascaanood, safar aan la garanayn ujeedada rasmi ah oo uu daaran yahay, marka laga soo tago in la carqaladeeyo dabaaldegyada ka socda gudaha Puntland ee xuska 1da August, balse markii Puntland ay wax dareen ah ka muujin wayday safarkaan oo soo shaac baxay khamiistii, uuna saameyn ku yeelan waayay raโyiga dadweynaha ee baraha internet-ka โ ayaa dib loo dhigay.
IDILNEWS
