Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Puntland oo si weyn ugu diyaar-garoobaysa Xuska 1da August
    Puntland

    Puntland oo si weyn ugu diyaar-garoobaysa Xuska 1da August

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 29, 2026No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Deegaanada Puntland ayaa si weyn looga dareemayaa xuska munaasabadda 1da August, oo ku asteysan Aasaaskii Dowladda Puntland, oo sanadkan u dabaaldagaysa 28 sano guurada kasoo wareegtay Aasaaskii Puntland.

    Magaalooyinka waa weyn, oo ay ugu horeyso caasimadda Garoowe, degmooyinka, deegaanada iyo dhulka miyiga ah ee Puntland ayaa si isku mid ah looga dareemayaa weynaynta 1da August, waxaana fagaarayaasha caanka ah, waddooyinka iyo goobaha ganacsigaba lagu xardhay calanka Dowladda Puntland.

    Shacabka Puntland ayaa u arka in maalinkaan u yahay mid u gaar ah iyo maalin la go’aamiyay in dadka kunool mandiqada ay helaan dowladnimo Difaacda nolashooda iyo sharafkooda, una horseeda nabad, nolal iyo horumar.

    Dowladda Puntland ayaa dhankeeda xuskan si weyn ugu diyaargarowday, waxaana la filayaa in barxada caasimadda Puntland ee Garoowe lagu soo bandhigo kumanaan Ciidan ah oo kala socda cutubyada kala duwan ee Ciidanka Puntland, iyo boqollaal gaadiid dagaal ah.

    Sidoo kale, Tobanaan qof oo caan ah ayaa lagu casuumay ka qeybgalka Xuska sanadkan, waxaana kamid ah, dublamaasiyiin sare iyo saraakiil ka socota dowladdaha gobolka, dalalka saaxiibka la ah Puntland, siyaasiyiin si weyn looga yaqaan Soomaaliya iyo gobolka Geeska afrika.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Deni ayaa habeenka 1 August jeedin doona khudbada sanadlaha ah ee waxyaabihii u qabsoomay Dowladda Puntland 28 sano oo ay jirtay, marxaladihii ay soo martay iyo guulaha la xaqiijiyay.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Akhriso: Khudbadda Madaxweyne Deni ka jeediyay furitaanka Kalfadhigga 59aad ee Baarlamaanka

    October 25, 2026

    Puntland oo mamnuucday in hub lagu dhex qaato magaalooyinka G. Mudug

    October 25, 2026

    Madaxweyne Deni oo ku wajahan magaalada Gaalkacyo

    October 24, 2026
    Latest Posts

    Akhriso: Khudbadda Madaxweyne Deni ka jeediyay furitaanka Kalfadhigga 59aad ee Baarlamaanka

    Puntland oo mamnuucday in hub lagu dhex qaato magaalooyinka G. Mudug

    Madaxweyne Deni oo ku wajahan magaalada Gaalkacyo

    XOG: Khilaaf soo kala dhexgalay mucaaradka Muqdisho, Rooble, Odawaa iyo Guuleed oo la saarayo

    Labo Tallaabo oo laga sugayo Madaxweyne Deni oo kusoo laabtay Garoowe

    Gollaha Wasiirada Puntland oo ka hadlay hubinta Amniga Ajaanibta

    Liibaan Tahliil oo la wareegay Wiilkii loo xukumay

    Akhriso: Puntland waxay u baahan tahay Isla xisaabtan dhab ah

    WARBIXIN: Dhoofka Dahabka ee Puntland (Cadadka dahabka iyo deegaanada laga soo saaro).

    XOG: Waa kuwee Agaasimayaasha uu xilka ka qaadi doono Deni maalmaha soo socda?










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.