Deegaanada Puntland ayaa si weyn looga dareemayaa xuska munaasabadda 1da August, oo ku asteysan Aasaaskii Dowladda Puntland, oo sanadkan u dabaaldagaysa 28 sano guurada kasoo wareegtay Aasaaskii Puntland.
Magaalooyinka waa weyn, oo ay ugu horeyso caasimadda Garoowe, degmooyinka, deegaanada iyo dhulka miyiga ah ee Puntland ayaa si isku mid ah looga dareemayaa weynaynta 1da August, waxaana fagaarayaasha caanka ah, waddooyinka iyo goobaha ganacsigaba lagu xardhay calanka Dowladda Puntland.
Shacabka Puntland ayaa u arka in maalinkaan u yahay mid u gaar ah iyo maalin la go’aamiyay in dadka kunool mandiqada ay helaan dowladnimo Difaacda nolashooda iyo sharafkooda, una horseeda nabad, nolal iyo horumar.
Dowladda Puntland ayaa dhankeeda xuskan si weyn ugu diyaargarowday, waxaana la filayaa in barxada caasimadda Puntland ee Garoowe lagu soo bandhigo kumanaan Ciidan ah oo kala socda cutubyada kala duwan ee Ciidanka Puntland, iyo boqollaal gaadiid dagaal ah.
Sidoo kale, Tobanaan qof oo caan ah ayaa lagu casuumay ka qeybgalka Xuska sanadkan, waxaana kamid ah, dublamaasiyiin sare iyo saraakiil ka socota dowladdaha gobolka, dalalka saaxiibka la ah Puntland, siyaasiyiin si weyn looga yaqaan Soomaaliya iyo gobolka Geeska afrika.
Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Deni ayaa habeenka 1 August jeedin doona khudbada sanadlaha ah ee waxyaabihii u qabsoomay Dowladda Puntland 28 sano oo ay jirtay, marxaladihii ay soo martay iyo guulaha la xaqiijiyay.
IDILNEWS
