Dowladda Mareykanka ayaa ku cadaadinaysa Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni dhismaha Ciidan gaar ah oo ay yeelato Puntland, kuwaas oo taageero buuxda ka hela Washington.
Idilnews ayaa ogaatay in dublamaasiyiin sare iyo saraakiil Amni, oo kula kulmay Addis Ababa Madaxweyne Deni ay ka dalbadeen in uu dadajiyo dhismaha Ciidanka gaar ah oo isugu jira Milateri iyo Nabad-sugid, kuwaas oo ka shaqeyn doona la-dagaallanka argagaxisada.
Ciidanka oo tiro ahaan la gaarsiin doono 700 Askari, ayaa dhismahoodu noqon doonaa 2 waji oo kala dambeeya, waxaana ay bedeli doonaan Ciidamada horey loo oran jiray PSF.
Saraakiil Amni oo ku dhow Madaxweyne Deni, ayaa inoo sheegay in Ciidanka ay si dhow ula howlgali doonaan Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa (AFRICOM), iyadoo Mareykanku uu bixin doono tababarkooda, una sameyn doono qalabeyn.
Mareykanka ayaa doonaya in magacaabista hoggaanka Ciidanka uu talo ku yeesho, ama ugu yaraan loo magacaabo saraakiil horey ugala shaqeysay gudaha Puntland, taas oo uu ka caga-jiidayo Madaxweyne Deni.
Saraakiil ka socotay Mareykanka, gaar ahaan Hoggaanka Taliska AFRICOM ayaa marar kala duwan yimid gudaha Puntland, iyadoo ujeedada safarkooda ay qeyb ka ahayd in Puntland ay dhisto Ciidan gaar ah oo Mareykanku taageero, kuwaas oo si dhow ula shaqeeya howlgallada la-dagaallanka argagixisada ah gudaha deegaanada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.
IDILNEWS
