Kusimaha Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug ee Puntland ahna Taliye Ku-xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Mudug Gashaanle Ayuub Siciid Cali (Dheeg) oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan Qaybta Booliska Gobolka Mudug ayaa Guddiga Horumarinta iyo Amniga Gobolka Mudug kala wareegay qalab isgaarsiineed oo loogu talagalay Ciidanka Booliska Gobolka Mudug.
Gashaanle Ayuub Siciid Cali Dheeg ayaa uga mahadceliyay guddiga taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Ciidanka Booliska gaar ahaan dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo tayada shaqo ee ciidamada Gobolka Mudug.
Guddigan oo ay hoggaamiso Safiyo Nuur Horeeye, ayaa ka kooban qurbojoog Soomaaliyeed oo door muhiim ah ka qaatay taageerada ciidamada iyo horumarinta amniga Puntland waxaana waxqabadkooda ka mid ah taageeradii dagaalka lagula jiray argagixisada ee buuraha Calmiskaad taakuleynta dhaawacyadii dagaalka Daacish, taageerada Ciidanka Booliska gaadiidka lagu qaado maxaabiista iyo baabuur wiish ah oo loogu talagalay shilalka kaas oo wata dhammaan qalabkiisii.
Sidoo kale, guddiga ayaa markii labaad Taliska Qaybta Booliska Gobolka Mudug ku wareejiyay agab isgaarsiineed iyagoo hore u bixiyay taageero dhaqaale oo loogu talagalay Ciidanka Booliska Puntland ee Gobolka Mudug.
Qalabkan ayaa muhiim u ah fududeynta xiriirka iyo wada shaqeynta ciidamada, si kor loogu qaado hufnaanta howlgalada iyo sugidda amniga gobolka.
Guddiga Horumarinta iyo Amniga Gobolka Mudug ayaa ka kooban xubno qurbojoog Soomaaliyeed ah oo ku kala nool dalalka Australia, Canada Mareykanka iyo Belgium kuwaas oo si wadajir ah uga shaqeeya taakuleynta ciidamada, horumarinta amniga Gobolka Mudug iyo guud ahaan Puntland.
IDILNEWS
