Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Maxaa kasoo baxay Shirka Amniga Badda Cas – oo PUNTLAND uga qeybgashay Addis Ababa ?
    Puntland

    Maxaa kasoo baxay Shirka Amniga Badda Cas – oo PUNTLAND uga qeybgashay Addis Ababa ?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 30, 2026No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Puntland ayaa ka qeybgashay shir looga hadlayay Amniga Baddaha oo uu soo qaban qaabiyay Midowga Yurub, laguna qabtay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa.

    Shirka oo ahaa mid muhiim ah ayaa waxaa qeyb ka ahaa saraakiil ka socotay Ciidamada Badda Dowladda Puntland ee PMPF. Waxaa sidoo kale ka qeybgalayaasha kamid ahaa saraakiil ka socotay Somaliland, Yemen, Cumaan iyo Itoobiya oo dalkeeda lagu qabanayay shirka.

    Shirka oo socday afar maalmod ayaa diirada lagu saaray iskaashiga amniga Badda Cas, dhinacyada ayaa iska afgartay in wadajir looga shaqeeyo ammaanka Badda.

    Ciidamada Badda Puntland ayaa bilihii u dambeeyay dagaal adag kula jiray kooxaha burcad-baddeeda ah, kuwaas oo ay maalgaliyeen dowladda shisheeye oo Turkey kamid ah yahay. Waxaana howlgallo ay qaadeen ciidanka Badda Puntland kusoo furteen ilaa saddex markab oo burcad-baddeedu kasoo afduubatay xeebaha caalamiga ah, lana yimaadeen biyaha deegaanada Puntland iyo Galmudug.

    In Shirka lagu casuumo Puntland iyo Somaliland, iyadoo aan wax casuumaad ah loo dirin maamulka haysta sharciyada caalamiga ah ee Dowladnimada Soomaaliya, ayaa muujinaysa muhiimada deegaanada iyo in ay yihiin cidda kali ah ee leh Ciidamo rasmi ah oo Baddeed.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Baarlamaanka Puntland oo xasaanada ka qaadaya Wasiiro katirsan Xukuumadda Deni

    October 30, 2026

    GAROOWE: Puntland oo xirtay Akoonadii maleeshiyaadka Xassan Shiikh lacagta loosoo marin jiray

    October 29, 2026

    Netanyahu iyo isbaheysigiisa oo lumiyay aqlabiyada doorashada Israa’iil

    October 28, 2026
    Latest Posts

    Baarlamaanka Puntland oo xasaanada ka qaadaya Wasiiro katirsan Xukuumadda Deni

    Maxaa kasoo baxay Shirka Amniga Badda Cas – oo PUNTLAND uga qeybgashay Addis Ababa ?

    GAROOWE: Puntland oo xirtay Akoonadii maleeshiyaadka Xassan Shiikh lacagta loosoo marin jiray

    Netanyahu iyo isbaheysigiisa oo lumiyay aqlabiyada doorashada Israa’iil

    Puntland iyo Denmark oo ka wada-hadlay iskaashiga Amniga

    Madaxweyne Deni oo la kulmay masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Puntland

    Akhriso: Ajandaha Baarlamaanka Puntland oo ay kasoo muuqdeen qodobo xasaasi ah

    Siciid Deni ma taageeri doonaa maamulka cusub ee Hiiran ?

    GAALKACYO: Puntland oo Galmudug ka sugaysa Rag dil ka geystay Gaalkacyo

    Deni oo qaabilay Guddoomiyaha Jaaliyadda Zambia










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.