Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa ugu yeeray Xassan Shiikh Maxamuud oo hoggaamiya maamulka waqtigiisu dhammaaday ee Muqdisho in uu is casilo.
Siciid Deni oo wareysi siinayay Puntland TV/Radio oo xariga uu ka jaray dib u habeyn lagu sameeyay, ayaa sheegay in Dowladda Puntland ay naf iyo maalba galisay dowlad dhiska Soomaaliya, aysana ka tanaasuli doonin badbaadada dalka.
Waxaa uu ugu yeeray Xassan Shiikh in isaga oo u taraya danta dalka iyo tiisaba, uu is casilo.
“Waxaan kula talin lahaa Xassan Shiikh isagoo dadk, dalka iyo tiisaba u turaya in uu is casilo” ayuu yiri Madaxweyne Deni oo intaa ku daray in la helo Golle KMG ah ee dalka sii wada, si looga badbaadiyo in gacantiisa uu ku burburo.
Hadalka Madaxweyne Deni ayaa imaanaya xilli – shacabka Puntland ay ka sii niyad jabayaan wax la lahaanshaha koonfurta Soomaaliya, ayna doonayaan in mandiqadu qaadato go’aan masiiri ah oo caddeynaya mustaqbalkeeda dhow iyo kan fog, waxaana badi bulshada deegaanka kasoo jeeda ay dalbanayaan in Puntland ku dhawaaqdo dowladnimo rasmi ah oo ka madax banaan qeybaha kale Soomaalida [Jamhuuriyadda Puntland].
IDILNEWS
